{"id":533904,"date":"2025-04-02T10:27:12","date_gmt":"2025-04-02T07:27:12","guid":{"rendered":"https:\/\/sonna.so\/so\/?p=533904"},"modified":"2025-04-02T10:27:12","modified_gmt":"2025-04-02T07:27:12","slug":"duqeyn-lagu-beegsaday-daacish-oo-ka-dhacday-gobolka-bari-ee-puntland-2","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/sonna.so\/so\/duqeyn-lagu-beegsaday-daacish-oo-ka-dhacday-gobolka-bari-ee-puntland-2\/","title":{"rendered":"Duqeyn lagu beegsaday Daacish oo ka dhacday gobolka Bari ee Puntland"},"content":{"rendered":"<p>Muqdisho-(SONNA)-Dowladda Federaalka Soomaaliya oo kaashanaysa Taliska AFRICOM ee Ciidamada Mareykanka ayaa si wadajir ah u fuliyay howlgal duqeyn ah oo ka dhan ah ISIS.<\/p>\n<p>War-saxaafadeed ka soo baxay dowladda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in duqeyntani lagu beegsaday malleeshiyaad iyo horjoogayaal ka tirsan khawaarijta Daacish, kuwaas oo isku aruursanayay koonfur-bari magaalada Boosaaso ee Puntland.<\/p>\n<p>Howlgalka ayaa lagu taageerayay dadaallada Ciidanka Daraawiishta Dowlad Goboleedka Puntland ee lagu ciribtirayo khawaarijta.<\/p>\n<p>Qiimeynta horudhaca ah ee howlgalkan waxay muujinaysaa in xubno badan oo ka tirsan ISIS la dilay, iyadoo aanay jirin wax rayid ah oo waxyeello soo gaartay.<\/p>\n<p>Dowladda Federaalka Soomaaliya oo kaashanaysa saaxiibada caalamka sida Taliska AFRICOM ee Mareykanka, waxay sii wadi doontaa dagaalka lagu ciribtirayo kooxaha argagixisada ah sida ISIS iyo Al-Shabaab, kuwaas oo khatar ku ah nabadgelyada Soomaaliya iyo caalamka.<\/p>\n<p><img loading=\"lazy\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone wp-image-533906 size-full\" src=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2025\/04\/WAR-SAXAAFADEED.jpg\" alt=\"\" width=\"1130\" height=\"1600\" srcset=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2025\/04\/WAR-SAXAAFADEED.jpg 1130w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2025\/04\/WAR-SAXAAFADEED-212x300.jpg 212w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2025\/04\/WAR-SAXAAFADEED-723x1024.jpg 723w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2025\/04\/WAR-SAXAAFADEED-768x1087.jpg 768w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2025\/04\/WAR-SAXAAFADEED-1085x1536.jpg 1085w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2025\/04\/WAR-SAXAAFADEED-860x1218.jpg 860w\" sizes=\"auto, (max-width: 1130px) 100vw, 1130px\" \/><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Muqdisho-(SONNA)-Dowladda Federaalka Soomaaliya oo kaashanaysa Taliska AFRICOM ee Ciidamada Mareykanka ayaa si wadajir ah u fuliyay howlgal duqeyn ah oo ka dhan ah ISIS. War-saxaafadeed ka soo baxay dowladda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in duqeyntani lagu beegsaday malleeshiyaad iyo horjoogayaal ka tirsan khawaarijta Daacish, kuwaas oo isku aruursanayay koonfur-bari magaalada Boosaaso ee Puntland. Howlgalka ayaa [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":7,"featured_media":533905,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"content-type":"","footnotes":""},"categories":[94,81],"tags":[],"class_list":{"0":"post-533904","1":"post","2":"type-post","3":"status-publish","4":"format-standard","5":"has-post-thumbnail","7":"category-gudaha","8":"category-wararka"},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/533904","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/7"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=533904"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/533904\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":533907,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/533904\/revisions\/533907"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/533905"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=533904"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=533904"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=533904"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}