{"id":533894,"date":"2025-04-01T19:27:19","date_gmt":"2025-04-01T16:27:19","guid":{"rendered":"https:\/\/sonna.so\/so\/?p=533894"},"modified":"2025-04-01T19:27:19","modified_gmt":"2025-04-01T16:27:19","slug":"duqeyn-lagu-beegsaday-daacish-oo-ka-dhacday-gobolka-bari-ee-puntland","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/sonna.so\/so\/duqeyn-lagu-beegsaday-daacish-oo-ka-dhacday-gobolka-bari-ee-puntland\/","title":{"rendered":"Duqeyn lagu beegsaday Daacish oo ka dhacday gobolka Bari ee Puntland"},"content":{"rendered":"<p>Muqdisho (SONNA): Dowladda Federaalka Soomaaliya, oo kaashanaysa Taliska AFRICOM ee Ciidamada Mareykanka, ayaa si wadajir ah u fuliyay howlgal duqeyn ah oo ka dhan ah ISIS.<\/p>\n<p>Duqeyntan oo dhacday maanta, waxaa lagu beegsaday maleeshiyaad iyo horjoogayaal ka tirsan khawaarijta Daacish, kuwaas oo isku aruursanayay koonfur-bari magaalada Boosaaso ee Puntland. Howlgalka ayaa lagu taageerayay dadaallada Ciidanka Daraawiishta Dowlad Goboleedka Puntland ee lagu ciribtirayo khawaarijta.<\/p>\n<p>Qiimeynta horudhaca ah ee howlgalkan waxay muujinaysaa in xubno badan oo ka tirsan ISIS la dilay, iyadoo aanay jirin wax rayid ah oo waxyeello soo gaartay.<\/p>\n<p>Dowladda Federaalka Soomaaliya oo kaashanaysa saaxiibada caalamka sida Taliska AFRICOM ee Mareykanka, waxay sii wadi doontaa dagaalka lagu ciribtirayo kooxaha argagixisada ah sida ISIS iyo Al-Shabaab, kuwaas oo khatar ku ah nabadgelyada Soomaaliya iyo caalamka.<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Muqdisho (SONNA): Dowladda Federaalka Soomaaliya, oo kaashanaysa Taliska AFRICOM ee Ciidamada Mareykanka, ayaa si wadajir ah u fuliyay howlgal duqeyn ah oo ka dhan ah ISIS. Duqeyntan oo dhacday maanta, waxaa lagu beegsaday maleeshiyaad iyo horjoogayaal ka tirsan khawaarijta Daacish, kuwaas oo isku aruursanayay koonfur-bari magaalada Boosaaso ee Puntland. Howlgalka ayaa lagu taageerayay dadaallada Ciidanka [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":47,"featured_media":530993,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"content-type":"","footnotes":""},"categories":[94,81],"tags":[],"class_list":{"0":"post-533894","1":"post","2":"type-post","3":"status-publish","4":"format-standard","5":"has-post-thumbnail","7":"category-gudaha","8":"category-wararka"},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/533894","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/47"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=533894"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/533894\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":533895,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/533894\/revisions\/533895"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/530993"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=533894"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=533894"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=533894"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}