{"id":533729,"date":"2025-03-28T14:09:44","date_gmt":"2025-03-28T11:09:44","guid":{"rendered":"https:\/\/sonna.so\/so\/?p=533729"},"modified":"2025-03-28T14:09:44","modified_gmt":"2025-03-28T11:09:44","slug":"warbixinta-toddobaadlaha-ee-dowladda-federaalka-soomaaliya-79","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/sonna.so\/so\/warbixinta-toddobaadlaha-ee-dowladda-federaalka-soomaaliya-79\/","title":{"rendered":"Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda\u00a0 Federaalka\u00a0 Soomaaliya"},"content":{"rendered":"<p>Muqdisho.SONNA\u20261-adaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Ankara kulan mira dhal ah oo muhiim ah kula yeeshay Madaxweynaha Turkiga, Rajab Teyyib Erdogan, iyagoo ka wadahadley iskaashiga labada dal, gaar ahaan taageerada amniga Soomaaliya.<\/p>\n<p>2-Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Muqdisho ku qaabilay Guddoomiyaha Ururka Midowga Afrika Mudane Mahamoud Ali Youssouf oo ay isla garteen xoojinta xiriirka laba geesoodka ah iyo iskaashiga istiraatiijiga ah ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Midowga Afrika.<\/p>\n<p>3-Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo kulan afur ah ku maamuusay Guddoomiyaha Ururka Midowga Afrika Mudane Maxamuud Cali Yuusuf iyo wafdigiisa.<\/p>\n<p>4-Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa degmada Cadale kula kulmay qaar ka mid ah odayaasha, waxgaradka, hoggaanka macawisleyda iyo siyaasiyiinta ka soo jeeda deegaannada gobolka.<\/p>\n<p>5-\u00a0 \u00a0Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer ku tagay degmada Raage Ceelle ee gobolka Shabeelaha Dhexe si loo\u00a0 dardar galiyo hawlgalka dib u xoreynta dalka.<\/p>\n<p>6-\u00a0 \u00a0Ra\u2019iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa ku baaqey in loo midoobo dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta.<\/p>\n<p>7-\u00a0 \u00a0Ra\u2019iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa ka qaybgalay kulan madaxeed ay yeesheen urur gobolleedyada Bariga iyo Koonfurta Afrika ee EAC iyo SADC oo looga hadlayey mushkiladda.<\/p>\n<p>8-Ra\u2019iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa qaabilay Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika, Mudane Maxamuud Cali Yuusuf oo booqasho shaqo oo laba maalmood ah ku yimid dalka.<\/p>\n<p>9-Ra\u2019iisul Wasaare Ku-Xigeenka Soomaaliya\u00a0 Saalax Axmed Jaamac ayaa\u00a0 xilka u kala wareejiyay Wasiirkii hore Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Marwo Fardowsa Cismaan Cigaal iyo Wasiirka cusub Mudane Maxamed Faarax Nuux.<\/p>\n<p>10-Ra\u2019iisul Wasaare Ku-Xigeenka 2aad Cabdisalam Cabdi Cali ayaa\u00a0 Garoonka Caalamiga ah ee Aadan Cabdulle ka sagootiyey Guddoomiyaha Midowga Afrika, Mudane Maxamuud Cali Yuusuf, oo soo gabagabeeyay booqasho labo maalmood ah oo uu ku joogay dalka.<\/p>\n<p>11-Guddoomiyaha Midowga Afrika, Maxamuud Cali Yuusuf ayaa sheegay in Midowga Afrika uu Dowladda Soomaaliya ku taageerayo dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta iyo qorshaha doorasho qof iyo cod.<\/p>\n<p>12-Dowladda Faderaalka Soomaaliya oo kaashanaysa Midowga Yurub iyo Hay\u2019adda Socdaalka caalamiga ah ee (IOM) ayaa ku guuleystay\u00a0 in dalka dib loogu soo celiyo\u00a0 145 muwaadin oo mudo ku xirnaa dalka Liibiya.<\/p>\n<p>13- Wasiirka Warfaafinta\u00a0\u00a0 Daa\u2019uud Aweys Jaamac ayaa ka qeyb galay Bandhigga Dhaqanka, Fanka iyo Farshaxanka dalalka bariga Africa oo ka dhacay magaaladda Addis Ababa ee dalka Ethiopia.<\/p>\n<p>14-Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, iyo Hay\u2019adda Cunnada iyo Beeraha ee Qaramada Midoobay (FAO) ayaa kala saxiixday heshiis ku saabsan is-weydaarsiga xogta si loo horumariyo nidaamyada Illaalinta Bulshada ee Diiwaanka Mideysan ee Bulshada (USR).<\/p>\n<p>15-Hawlgal Wadajir oo ay fuliyeen Taliska Ciidamada Maraykanka ee Afrika (AFRICOM) oo kaasahanaya Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka dhacay buuraha Golis ee Dowlad Goboleedka Puntland oo lagu bartilmaameedsaday kooxda argagixisada ah ee ISIS.<\/p>\n<p>16-Gudoomiyaha Guddiga Madaxa-Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha Mudane Cabdikarim Axmed Xasan ayaa ku dhawaaqay in muddadii loogu talagalay in aay isku soo diiwaan galiyaan Ururrada Siyaasadda lagu daray muddo 21 cisho ah.<\/p>\n<p>17-Safiirka Soomaaliya ee Kenya Danjire Jabrill Ibraahim Cabdulle ayaa ka qeyb galay Shirka Golaha Sare ee maamulka Hay\u2019adda UN Habitat (Executive Board of Directors), oo ka dhacay magaalada Nairobi.<\/p>\n<p>18-Safiirka Soomaaliya ee Shiinaha, Marwo Hodan Osman Abdi, ayaa ka qayb gashay shir caalami ah oo lagu qabtay magaalada Beijing, kuna saabsanaa xoojinta doorka Qaramada Midoobay iyo horumarinta.<\/p>\n<p>19-Ciidamada ammaanka degmada Berdaale ee gobolka Bay oo howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaanka Kooney ayaa lagu dilay horjooge lagu magacaabo Macallin Qaddiid oo Khawaarijta u qaabilsanaa uruurinta baadda ay shacabka Soomaaliyeed ka qaataan.<\/p>\n<p>20-Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi ayaa xariga ka jaray dib u habeyn iyo qalabeyn lagu sameeyey Xarunta Hogaanka Gaadiidka ee Ciidanka Boliiska.<\/p>\n<p>21-Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa guul weyn ka soo hoyay dagaal ay la galeen kooxaha Khawaarijta oo ka dhacay deegaanka Abagbeeday, oo qiyaastii 20km dhanka bari kaga beegan magaalada Xudur ee gobolka Bakool.<\/p>\n<p>22-Mas\u2019uuliyiin ka mid ah Safaaradda Soomaaliya ee Dalka Talyaaniga ayaa ka qeybgalay xaflad ay ku qalin jabinaayeen\u00a0 arday Soomaaliyeed oo wax ka bartay Jaamacada Sapienza Universita\u0300 ee magaalada Rome.<\/p>\n<p>23-Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Maxamed Axmed Amiir ayaa guddoomiyay kulan looga hadlaayay taageerida iyo garab istaaga Ciidamada Qaranka iyo kuwa deegaanada ee dagaalka kula jira Kooxaha Khawaarijta.<\/p>\n<p>24-Guddoomiyaha Hay\u2019adda Maareynta Musiibooyinka, Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa magaalada Muqdisho kulan muhiim ah kula qaatay Safiirka Jamhuuriyadda Shiinaha u fadhiya Soomaaliya, Danjire Wang Yu.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Muqdisho.SONNA\u20261-adaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Ankara kulan mira dhal ah oo muhiim ah kula yeeshay Madaxweynaha Turkiga, Rajab Teyyib Erdogan, iyagoo ka wadahadley iskaashiga labada dal, gaar ahaan taageerada amniga Soomaaliya. 2-Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Muqdisho ku qaabilay Guddoomiyaha Ururka Midowga Afrika Mudane Mahamoud Ali Youssouf oo ay isla garteen xoojinta xiriirka [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":46,"featured_media":533730,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"content-type":"","footnotes":""},"categories":[94],"tags":[],"class_list":{"0":"post-533729","1":"post","2":"type-post","3":"status-publish","4":"format-standard","5":"has-post-thumbnail","7":"category-gudaha"},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/533729","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/46"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=533729"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/533729\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":533731,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/533729\/revisions\/533731"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/533730"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=533729"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=533729"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=533729"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}