{"id":533309,"date":"2025-03-20T14:44:32","date_gmt":"2025-03-20T11:44:32","guid":{"rendered":"https:\/\/sonna.so\/so\/?p=533309"},"modified":"2025-03-20T14:50:26","modified_gmt":"2025-03-20T11:50:26","slug":"howlgal-cirka-ah-oo-lagu-beegsaday-horjoogayaal-iyo-malleeshiyaad-argagixiso-ahaa","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/sonna.so\/so\/howlgal-cirka-ah-oo-lagu-beegsaday-horjoogayaal-iyo-malleeshiyaad-argagixiso-ahaa\/","title":{"rendered":"Howlgal xagga cirka ah oo lagu beegsaday horjoogayaal iyo malleeshiyaad argagixiso ahaa"},"content":{"rendered":"<p>Dhuusamareeb-(SONNA)-CiidankaXoogga Dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya xuuraanka NISA ayaa qaaday howlgal dhanka cirka ah oo ay furliyeen diyaaradaha Ciidanka Cirka CXDS iyo saaxiibbada caalamka, howllgalkaasi oo si gaar ah loola beegsaday horjoogayaal iyo malleeshiyaad ka tirsanaa Khawaarijta, kuwaas oo ku sugnaa deegaanka Dib-dheer ee Degmada Ceel-Buur Gobolk Galguduud.<\/p>\n<p>Howlgalkan oo lagu bartilmaameedsaday xubno sar sare oo ka tirsan kooxaha argagixisada, ayaa lagu dilay horjoogayaal ay ka mid yihiin:<\/p>\n<p>Axmed Macalin \u2013 Horjoogihii argagixisada ee degmada Ceel-Buur.<br \/>\nAbuu Salmaan \u2013 Horjoogihii deegaanka Ceel-Garas, Galgaduud.<br \/>\nXuseen Cali Baddal \u2013 Horjoogihii deegaanka Xiindheere.<br \/>\nBudul Faarax Geeddi \u2013 Horjoogihii deegaanka Xiindheere.<br \/>\nSakariye \u2013 Horjooge ka tirsanaa argagixisada Galgaduud.<\/p>\n<p>Sidoo kale, howlgalka waxaa lagu bartilmaameedsaday xubno kale oo ka shaqeeynayay marin habaabinta bulshada degaanadaasi kuwaasi oo ay kamid yihiin.<\/p>\n<p>Mire Cagdheer \u2013 Horjooge ka tirsan argagixisada.<br \/>\nMuuse Cumar \u2013 Horjooge ka tirsan argagixisada.<br \/>\nMaxamed Urur \u2013 Horjooge ka tirsan argagixisada.<br \/>\nXaaji Bashiir \u2013 Horjooge ka tirsan argagixisada.<\/p>\n<p>Taliska CXDS wuxuu xaqiijinyaa in howlgalkan uu daba socdo weerarkii taariikhdu markii ay ahayd 13-kii Maarso 2025, markaas oo geesiyaasha Macawiisleyda degaanka ay si toos ah ula dagaalameen khawaarijti ku sugnaa tuulada Bay-Caadle.<\/p>\n<p>Ujeedka horjoogayaashu ay ugu sugnaayeen Maalin Nugur ayaa la xiriiray isku day ay ku doonayeen in ay ku cadaadiyaan shacabka Soomaaliyeed si ay ugu biiraan maleeshiyaadka argagixisada, iyaga oo baadi-goob ugu jiray geesiyaashii Macawiisleyda ee weerarka qaaday.<\/p>\n<p><img loading=\"lazy\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone wp-image-533311 \" src=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2025\/03\/HEEY-HADDOO.png\" alt=\"\" width=\"482\" height=\"682\" srcset=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2025\/03\/HEEY-HADDOO.png 445w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2025\/03\/HEEY-HADDOO-212x300.png 212w\" sizes=\"auto, (max-width: 482px) 100vw, 482px\" \/><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Dhuusamareeb-(SONNA)-CiidankaXoogga Dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya xuuraanka NISA ayaa qaaday howlgal dhanka cirka ah oo ay furliyeen diyaaradaha Ciidanka Cirka CXDS iyo saaxiibbada caalamka, howllgalkaasi oo si gaar ah loola beegsaday horjoogayaal iyo malleeshiyaad ka tirsanaa Khawaarijta, kuwaas oo ku sugnaa deegaanka Dib-dheer ee Degmada Ceel-Buur Gobolk Galguduud. Howlgalkan oo lagu bartilmaameedsaday xubno sar sare oo [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":7,"featured_media":533310,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"content-type":"","footnotes":""},"categories":[94,81],"tags":[],"class_list":{"0":"post-533309","1":"post","2":"type-post","3":"status-publish","4":"format-standard","5":"has-post-thumbnail","7":"category-gudaha","8":"category-wararka"},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/533309","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/7"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=533309"}],"version-history":[{"count":5,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/533309\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":533318,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/533309\/revisions\/533318"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/533310"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=533309"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=533309"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=533309"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}