{"id":533285,"date":"2025-03-20T11:16:50","date_gmt":"2025-03-20T08:16:50","guid":{"rendered":"https:\/\/sonna.so\/so\/?p=533285"},"modified":"2025-03-20T11:16:50","modified_gmt":"2025-03-20T08:16:50","slug":"madaxweyne-xasan-sheekh-oo-qaabbilay-wasiiru-dowlaha-arrimaha-dibedda-imaaraadka","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/sonna.so\/so\/madaxweyne-xasan-sheekh-oo-qaabbilay-wasiiru-dowlaha-arrimaha-dibedda-imaaraadka\/","title":{"rendered":"Madaxweyne Xasan Sheekh oo qaabbilay wasiiru-dowlaha arrimaha  dibedda Imaaraadka"},"content":{"rendered":"<p>Muqdisho-(SONNA)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan la qaatay Wafdi uu hoggaaminayo Wasiiru-Dowlaha Arrimaha Dibadda ee Isutagga Imaaraatka Carabta Mudane Sheikh Shakhboot Binu Nahyaan Aala-Nahyaan.<\/p>\n<p>Wasiirka ayaa soo gaarsiiyey Madaxweynaha dhambaal iyo farriin uu ka siday Madaxweynaha Isutagga Imaaraatka Carabta Mudane Maxamed Binu Saayid oo xoojinaya xiriirka labo geesoodka ah iyo iskaashiga istiraatiijiga ah ee u dhexeeya labada dal ee walaalaha ah.<\/p>\n<p>Sidoo kale, Booqashada wafdigan ayaa daba-socota wada-hadal dhanka taleefanka ku dhex maray Labada Madaxweyne, wadahalkaas oo ay ku adkeeyeen iskaashiga walaalnimo iyo wadashaqeyneed ee Labada dowladooda.<\/p>\n<p>Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa uga mahadceliyay Dowladda iyo shacabka Imaaraatka Carabta taageerada joogtada ah ee Soomaaliya iyo doorka ay ka qaadanayaan horumarinta iyo garab istaagga shacabka Soomaaliyeed.<\/p>\n<p>Dhankiisa, Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda Imaaraatka Mudane Sheikh Shakhboot Binu Nahyaan Aala-Nahyaan ayaa uga mahadceliyey Dowladda Federaalka Soomaaliya soodhaweynta diirran iyo sida ay uga go&#8217;an tahay xoojinta xiriirka taariikhiga ah ee labada dal, waxa uuna tilmaamay muhiimadda iskaashiga Soomaaliya iyo Imaaraatka ay u leedahay horumarka iyo xasilloonida Gobolka.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Muqdisho-(SONNA)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan la qaatay Wafdi uu hoggaaminayo Wasiiru-Dowlaha Arrimaha Dibadda ee Isutagga Imaaraatka Carabta Mudane Sheikh Shakhboot Binu Nahyaan Aala-Nahyaan. Wasiirka ayaa soo gaarsiiyey Madaxweynaha dhambaal iyo farriin uu ka siday Madaxweynaha Isutagga Imaaraatka Carabta Mudane Maxamed Binu Saayid oo xoojinaya xiriirka labo geesoodka ah iyo iskaashiga [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":7,"featured_media":533286,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"content-type":"","footnotes":""},"categories":[94,81],"tags":[],"class_list":{"0":"post-533285","1":"post","2":"type-post","3":"status-publish","4":"format-standard","5":"has-post-thumbnail","7":"category-gudaha","8":"category-wararka"},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/533285","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/7"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=533285"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/533285\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":533287,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/533285\/revisions\/533287"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/533286"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=533285"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=533285"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=533285"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}