{"id":532523,"date":"2025-03-05T13:15:42","date_gmt":"2025-03-05T10:15:42","guid":{"rendered":"https:\/\/sonna.so\/so\/?p=532523"},"modified":"2025-03-05T13:15:42","modified_gmt":"2025-03-05T10:15:42","slug":"sodma-iyo-hayadaha-bahwadaagta-la-ah-oo-kulan-ku-yeeshay-muqdisho","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/sonna.so\/so\/sodma-iyo-hayadaha-bahwadaagta-la-ah-oo-kulan-ku-yeeshay-muqdisho\/","title":{"rendered":"SoDMA iyo hay&#8217;adaha bahwadaagta la ah oo kulan ku yeeshay Muqdisho"},"content":{"rendered":"<p>Muqdisho-(SONNA)-Guddoomiye ku xigeenka Hay\u2019adda Maareynta Musiibooyinka Dr. Axmed Cabdi Aadan, ayaa kor-joogteeyay kulan muhiim ah oo ay isugu yimaadeen Dowladda Federaalka, wakiillo ka socday Dowlad Gobolleedyada, Hay\u2019adaha Qaramada Midoobay, NGO-yada maxalliga ah, iyo Ururrada Bulshada Rayidka, kaasoo lagu ansixiyay xeerka uu ku shaqeynayo Guddiga Qaran ee Isku-duwidda Maareynta Musiibooyinka (NDMCC).<\/p>\n<p>Dr. Axmed ayaa muujiyay muhimadda ay leedahay wadashaqeynta iyo iskaashiga hay\u2019addaha heer qaran iyo heer Dowlad Gobolleed, si loo xaqiijiyo maarayn hufan oo wax-ku-ool ah, halka uu xusay in maareynta musiibooyinka ay ku imaan karto dadaal wadajir ah, loona baahan yahay iskaashi buuxa oo dhexmara dhammaan hay\u2019addaha iyo bah-wadaagta kale ee ka shaqeysa gargaarka bini\u2019aadannimo.<\/p>\n<p>Guddiga Isku-duwidda Maareynta Musiibooyinka oo la aasaasay iyadoo la kaashanayo taageerada mashruuca SCRP ee Bangiga Adduunka maal-galiyay ayaa loogu talagalay in lagu xoojiyo dadaallada lagu maareynayo musiibooyinka dalka, wuxuuna kaalin muuqata ka qaadan doonaa isku-dubbaridka dadaallada gurmadka iyo ka hortagga musiibooyinka dabiiciga iyo kuwa dad sameyga ah.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Muqdisho-(SONNA)-Guddoomiye ku xigeenka Hay\u2019adda Maareynta Musiibooyinka Dr. Axmed Cabdi Aadan, ayaa kor-joogteeyay kulan muhiim ah oo ay isugu yimaadeen Dowladda Federaalka, wakiillo ka socday Dowlad Gobolleedyada, Hay\u2019adaha Qaramada Midoobay, NGO-yada maxalliga ah, iyo Ururrada Bulshada Rayidka, kaasoo lagu ansixiyay xeerka uu ku shaqeynayo Guddiga Qaran ee Isku-duwidda Maareynta Musiibooyinka (NDMCC). Dr. Axmed ayaa muujiyay muhimadda [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":7,"featured_media":532524,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"content-type":"","footnotes":""},"categories":[94,81],"tags":[],"class_list":{"0":"post-532523","1":"post","2":"type-post","3":"status-publish","4":"format-standard","5":"has-post-thumbnail","7":"category-gudaha","8":"category-wararka"},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/532523","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/7"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=532523"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/532523\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":532525,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/532523\/revisions\/532525"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/532524"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=532523"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=532523"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=532523"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}