{"id":531696,"date":"2025-02-21T21:35:57","date_gmt":"2025-02-21T18:35:57","guid":{"rendered":"https:\/\/sonna.so\/so\/?p=531696"},"modified":"2025-02-21T21:35:57","modified_gmt":"2025-02-21T18:35:57","slug":"warbixinta-toddobaadlaha-ee-dowladda-federaalka-soomaaliya-75","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/sonna.so\/so\/warbixinta-toddobaadlaha-ee-dowladda-federaalka-soomaaliya-75\/","title":{"rendered":"Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya"},"content":{"rendered":"<p>1-Madaxweye Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xarigga ka jaray Isbitaal casri ah oo laga hirgeliyey magaalada Muqdisho, isagoo xusay ahmiyadda ay leedahay maalgelinta adeegyada caafimaadka oo baahi weyn ay u qabaan dadka Soomaaliyeed.<\/p>\n<p>2-Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo magaalada Addis Ababa kaga qaybgalay shirka 38-aad ee Midowga Afrika ayaa la kulmay Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres.<\/p>\n<p>3-Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo u diray Gudoomiyaha cusub ee Midowga Afrika Maxamuud Cali Yuusuf oo ahaa Wasiirkii Arrimaha Dibedda ee Djibouti.<br \/>\n4-Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Addis Ababa kula kulmey Ra\u2019iisul Wasaaraha Ethiopia Abiy Axmed Cali.<\/p>\n<p>5-Ra\u2019iisul Wasaare Ku-Xigeenka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa magaalada Geneva kulan kula yeeshay Agaasimaha Guud ee Ururka Ganacsiga Adduunka (WTO), Dr. Ngozi Okonjo-Iweala.<br \/>\n6-Ra\u2019iisul Wasaare Ku-Xigeenka 2aad Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa ka qeyb galay Munaasabadda Bandhiga Geeddi-Socodka Tayeynta iyo Ilaalinta Sumcadda Baasaboorka Soomaaliya oo lagu qabtay Muqdisho.<\/p>\n<p>7-Kalfadhiga Baarlamanka Soomaaliya oo si rasmi ah u furmi doona 22-ka bisha Febraayo.<\/p>\n<p>8-Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa qaabilay Ku-Simaha Safiirka Ethiopia ee Soomaaliya Ketema Haile Minuta.<\/p>\n<p>9-Wasiirka Maaliyadda Biixi Imaan Cige ayaa magaalada Addis Ababa kaga qeyb galay shirka 23aad ee Wasiirada Maaliyadda Madasha Iskaashiga Geeska Afrika.<\/p>\n<p>10-Madaxweynaha Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen oo uu wehliyo Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga Soomaaliya Mudane Maxamed Barre ayaa daah-furay mashruuca dhallinyarada iyo nabadda.<\/p>\n<p>11-Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Maxamed Axmed Amiir ayaa qaabilay Sii-Hayaha Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya James Swan.<\/p>\n<p>12-In ka badan 130 Khawaarij ah ayaa lagu dilay hawlgalo ka dhan ah argagixisada oo ka dhacay gobolka Shabeellaha Dhexe.<\/p>\n<p>13-Wasiirka Hawlaha Guud iyo Guriyeynta Mudane Cilmi Maxamuud Nuur ayaa magaalada Rabat ee dalka Marooko kaga qayb galay furitaanka shirka 3-aad ee arrimaha dhulka ee Wadamada Carabta.<\/p>\n<p>14-Wasiirka Qorsheynta Maxamuud Cabdiraxmaan Sheekh Faarax (Beenebeene),ayaa sheegay in dowladda iyo deeq bixiyaasha ay ka shaqeynayaan in la buuxiyo mashaariicdii ay hakisay USAID.<\/p>\n<p>15- Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda Mudane Maxamed Aadan Macallin ayaa si rasmi ah u daahfuray shirka fulinta Hawlgalka Mashruuca EA-RDIP, oo markii ugu horreysay lagu qabtay gudaha Soomaaliya.<\/p>\n<p>16- Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Mudane Maxamuud Aadan Geesood ayaa qaabbilay Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya Ambassador Alper Akta\u015f.<\/p>\n<p>17- Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Mudane Dr. Cali Xaaji aadan ayaa si rasmi ah u daahfurey Munaasabadda Ololaha wax ka qabashada xaaladda Kansarka Soomaaliya.<br \/>\n18- Wasiirka Dekadaha iyo Gaadiidka Badda Mudane Maxamuud Aadan Geesood ayaa qaabilay Wakiilka Gaarka ah ee Midowga Afrika ahna Madaxa AUSSOM ,Danjire Souef Mohamed El-Amine.<\/p>\n<p>19- Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Mudane Xassan Macallin Maxamuud, ayaa qaabilay Kaaliyaha Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, ahna Madaxa Dalalka Carabta ee Hay\u2019adda UNDP, Dr. Abdallah Al Dardari.<\/p>\n<p>20- Xoghayaha Joogtada Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mudane Xamsa Aadan Xaadow ayaa qaabilay Kaaliyaha Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey, ahna Madaxa UNDP ee Waddamada Carabta Dr. Abdallah Al Dardari.<\/p>\n<p>21- Agaasimaha Guud ee Hay\u2019adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Mudane Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow ayaa qaabilay Safiirka Dowladda Finland u fadhiya Soomaaliya Pirkka Tapiola.<\/p>\n<p>22- Hay\u2019adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka ee NISA ayaa soo saartay sawirka iyo macluumaadka horjooge Cabdullaahi Xasan Cabdi oo Khawaarijta u qaabilsan arurinta lacagaha baadda ah gobolka Banaadir.<\/p>\n<p>23- Hay\u2019adda Aqoonsiga Qaranka ee NIRA ayaa xarigga ka jartay xarunta cusub ee Hay\u2019addu ku yeelanayso degmada Dharkeenley ee gobolka Banaadir.<br \/>\n24- Hawlgal Militari oo ay iska kaashadeen Dowladda Soomaaliya iyo Ciidanka Cirka ee Mareykanka (AFRICOM) oo ka dhacay degaannada Puntland ayaa lagu dilay 2 xubnood oo Khawaarijta Daacish ka tirsanaa.<\/p>\n<p>25- Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra\u2019iisul Wasaaraha Kamaal Daahir Guutaale ayaa guddoomiyey kulan muhiim ah oo looga hadlayey dardargalinta hawlaha xukuumadda.<\/p>\n<p>26- Danjire Fardowsa Maxamed Qanyare ayaa warqadaheeda aqoonsiga guddoonsiisay Madaxweynaha Uganda Mudane Yoweri Museveni.<\/p>\n<p>========DHAMMAAD=========<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>1-Madaxweye Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xarigga ka jaray Isbitaal casri ah oo laga hirgeliyey magaalada Muqdisho, isagoo xusay ahmiyadda ay leedahay maalgelinta adeegyada caafimaadka oo baahi weyn ay u qabaan dadka Soomaaliyeed. 2-Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo magaalada Addis Ababa kaga qaybgalay shirka 38-aad ee Midowga Afrika ayaa la kulmay Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":42,"featured_media":514805,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"content-type":"","footnotes":""},"categories":[94,81],"tags":[],"class_list":{"0":"post-531696","1":"post","2":"type-post","3":"status-publish","4":"format-standard","5":"has-post-thumbnail","7":"category-gudaha","8":"category-wararka"},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/531696","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/42"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=531696"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/531696\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":531698,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/531696\/revisions\/531698"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/514805"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=531696"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=531696"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=531696"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}