{"id":531512,"date":"2025-02-18T18:03:12","date_gmt":"2025-02-18T15:03:12","guid":{"rendered":"https:\/\/sonna.so\/so\/?p=531512"},"modified":"2025-02-18T18:37:48","modified_gmt":"2025-02-18T15:37:48","slug":"wadahadallo-farsamo-oo-u-socda-soomaaliya-iyo-ethiopia","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/sonna.so\/so\/wadahadallo-farsamo-oo-u-socda-soomaaliya-iyo-ethiopia\/","title":{"rendered":"Wadahadallo farsamo oo u socda Soomaaliya iyo Ethiopia"},"content":{"rendered":"<p style=\"text-align: left;\">Addis Ababa (SONNA): Wajiga koowaad ee wadahadallada farsamo ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Itoobiya, ee ku saleysan Bayaankii Ankara ee la ansixiyey 11-kii Diseembar 2024, ayaa maanta ka dhacay magaalada Ankara.<\/p>\n<p>Wadahadalladan waxaa martigeliyey Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Turkiga Hakan Fidan, iyadoo ay ka qeyb galeen wafdiyo ay hoggaaminayeen Mudane Cali Maxamed Cumar, Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya iyo Dr. Gedion Timothewos, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Itoobiya.<\/p>\n<p>Iyadoo laga anbaqaadayo bayaankii ka soo baxay shirkii, Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, Ra\u2019iisul Wasaare Abiy Axmed Cali iyo Madaxweyne Recep Tayyip Erdo\u011fan ay horay ugu yeesheen Turkiga ayaa shirkaan maanta lagu soo bandhigay aragtiyo lagu horumarinayo mustaqbal barwaaqo iyo xasillooni leh.<\/p>\n<p>Intii lagu guda jiray wajiga koowaad ee wadahadallada farsamo, labada wafdi waxay muujiyeen sida ay uga go\u2019an tahay dhaqan-gelinta qodobada iyo nuxurka bayaank Ankara.<\/p>\n<p>Wafdiyadu waxay billaabeen shaqo dhab ah oo lagu hirgelinayo aragtidaas, iyagoo isla gartay horumar waara oo labada dhinacba dan u ah.<\/p>\n<p>Labada wafdi waxay uga mahadcelinayaan T\u00fcrkiye sida ay uga go\u2019an tahay diyaarinta marxaladda xigta ee wadahadallada farsamo, oo lagu wado inay qabsoomaan bisha Maarso 2025.<\/p>\n<p style=\"padding-left: 40px;\">\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Addis Ababa (SONNA): Wajiga koowaad ee wadahadallada farsamo ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Itoobiya, ee ku saleysan Bayaankii Ankara ee la ansixiyey 11-kii Diseembar 2024, ayaa maanta ka dhacay magaalada Ankara. Wadahadalladan waxaa martigeliyey Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Turkiga Hakan Fidan, iyadoo ay ka qeyb galeen wafdiyo ay hoggaaminayeen Mudane Cali Maxamed Cumar, Wasiiru Dowlaha [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":47,"featured_media":531522,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"content-type":"","footnotes":""},"categories":[94,81],"tags":[],"class_list":{"0":"post-531512","1":"post","2":"type-post","3":"status-publish","4":"format-standard","5":"has-post-thumbnail","7":"category-gudaha","8":"category-wararka"},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/531512","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/47"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=531512"}],"version-history":[{"count":2,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/531512\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":531523,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/531512\/revisions\/531523"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/531522"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=531512"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=531512"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=531512"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}