{"id":531085,"date":"2025-02-12T12:53:12","date_gmt":"2025-02-12T09:53:12","guid":{"rendered":"https:\/\/sonna.so\/so\/?p=531085"},"modified":"2025-02-12T12:53:12","modified_gmt":"2025-02-12T09:53:12","slug":"raiisul-wasaare-ku-xigeenka-xfs-oo-ka-qayb-galay-bandhigga-suuq-weynaha-muqdisho","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/sonna.so\/so\/raiisul-wasaare-ku-xigeenka-xfs-oo-ka-qayb-galay-bandhigga-suuq-weynaha-muqdisho\/","title":{"rendered":"Ra\u2019iisul Wasaare Ku Xigeenka XFS oo ka qayb galay bandhigga suuq-weynaha Muqdisho"},"content":{"rendered":"<p>Muqdisho-(SONNA)-Ra\u2019iisul Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta ka qayb galay bandhigga Suuq-weynaha Muqdisho oo ay isugu yimaaddeen hormuudka ganacsatada Soomaaliyeed.<\/p>\n<p>Ra\u2019iisul Wasaare Ku Xigeenka ayaa ku boorriyay ganacsatada Soomaaliyeed in ay xoojiyaan dadaalkooda ganacsi, horumariyaan hal-abuurka cusub, una istaagaan sidii kor loogu qaaddi lahaa kobaca dhaqaale ee dalka.<\/p>\n<p>Ra\u2019iisul Wasaare Ku Xigeenka ayaa sharraxay muhiimadda Qorshaha Isbedelka Qaranka (NTP) iyo doorka uu siinayo qeybaha ganacsiyada gaarka loo leeyahay, si ay hormuud ugu noqdaan horumarka iyo dib-u-dhiska dalka.<\/p>\n<p>Mudane, Saalax Axmed Jaamac Ra\u2019iisul Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa xusay in iskaashiga dowladda iyo ganacsatada ay fure u tahay kobcinta dhaqaalaha, abuurista fursado shaqo, iyo dhiirrigelinta maalgashiga gudaha iyo dibadda.<\/p>\n<p>Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaa ka go\u2019an xoojinta xiriirka ay la leedahay ganacsatada, si loo abuuro jawi ganacsi, xasilloon oo dalka u abuuraya fursado dhaqaale.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Muqdisho-(SONNA)-Ra\u2019iisul Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta ka qayb galay bandhigga Suuq-weynaha Muqdisho oo ay isugu yimaaddeen hormuudka ganacsatada Soomaaliyeed. Ra\u2019iisul Wasaare Ku Xigeenka ayaa ku boorriyay ganacsatada Soomaaliyeed in ay xoojiyaan dadaalkooda ganacsi, horumariyaan hal-abuurka cusub, una istaagaan sidii kor loogu qaaddi lahaa kobaca dhaqaale ee dalka. Ra\u2019iisul [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":7,"featured_media":531086,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"content-type":"","footnotes":""},"categories":[94,81],"tags":[],"class_list":{"0":"post-531085","1":"post","2":"type-post","3":"status-publish","4":"format-standard","5":"has-post-thumbnail","7":"category-gudaha","8":"category-wararka"},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/531085","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/7"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=531085"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/531085\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":531087,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/531085\/revisions\/531087"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/531086"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=531085"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=531085"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=531085"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}