{"id":531013,"date":"2025-02-11T14:49:53","date_gmt":"2025-02-11T11:49:53","guid":{"rendered":"https:\/\/sonna.so\/so\/?p=531013"},"modified":"2025-02-11T14:49:53","modified_gmt":"2025-02-11T11:49:53","slug":"xafiiska-hantidhowrka-guud-oo-si-rasmi-ah-ugu-biiray-shabakadda-carabta-ee-hufnaanta-iyo-la-dagaallanka-musuqmaasuqa","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/sonna.so\/so\/xafiiska-hantidhowrka-guud-oo-si-rasmi-ah-ugu-biiray-shabakadda-carabta-ee-hufnaanta-iyo-la-dagaallanka-musuqmaasuqa\/","title":{"rendered":"Xafiiska hantidhowrka guud oo si rasmi ah ugu biiray shabakadda Carabta ee hufnaanta iyo la-dagaallanka musuqmaasuqa"},"content":{"rendered":"<p>Muqdisho-(SONNA)-Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS ayaa si rasmi ah ugu biiray Shabakadda Carabta ee Hufnaanta iyo La-dagaallanka Musuqmaasuqa (ACINET), taas oo qayb ka ah dedaallada lagu xoojinayo iskaashiga gobolka, isla-xisaabtanka iyo la-dagaallanka musuqmaasuqa.<\/p>\n<p>Ku biirista ACINET ayaa fursad u siinaysa Xafiiska Hantidhowrka inuu ka faa\u2019iidaysto khibradaha iyo barnaamijyada iskaashi ee dalalka gobolka, si loo horumariyo dedaallada lagula dagaallamayo musuqmaasuqa, laguna xoojinayo isla xisaabtanka iyo dowlad wanaagga.<\/p>\n<p>ACINET waxay hormuud ka tahay kor-u-qaadista daahfurnaanta iyo hufnaanta, waxaana xubin ka ah hay\u2019ado dhowr ah oo ka kala socda dalalka Carabta iyo Bariga Afrika.<\/p>\n<p>Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS ayaa sii wadi doonaa dadaalladiisa ku aaddan xoojinta isla-xisaabtanka, isagoo ka faa\u2019iidaysanaya madallada caalamiga ah ee gacan ka geysan kara horumarinta awooddiisa iyo saameyntiisa.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Muqdisho-(SONNA)-Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS ayaa si rasmi ah ugu biiray Shabakadda Carabta ee Hufnaanta iyo La-dagaallanka Musuqmaasuqa (ACINET), taas oo qayb ka ah dedaallada lagu xoojinayo iskaashiga gobolka, isla-xisaabtanka iyo la-dagaallanka musuqmaasuqa. Ku biirista ACINET ayaa fursad u siinaysa Xafiiska Hantidhowrka inuu ka faa\u2019iidaysto khibradaha iyo barnaamijyada iskaashi ee dalalka gobolka, si loo horumariyo [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":7,"featured_media":531014,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"content-type":"","footnotes":""},"categories":[94,81],"tags":[],"class_list":{"0":"post-531013","1":"post","2":"type-post","3":"status-publish","4":"format-standard","5":"has-post-thumbnail","7":"category-gudaha","8":"category-wararka"},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/531013","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/7"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=531013"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/531013\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":531015,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/531013\/revisions\/531015"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/531014"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=531013"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=531013"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=531013"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}