{"id":530023,"date":"2025-01-29T12:56:32","date_gmt":"2025-01-29T09:56:32","guid":{"rendered":"https:\/\/sonna.so\/so\/?p=530023"},"modified":"2025-01-29T12:56:32","modified_gmt":"2025-01-29T09:56:32","slug":"raiisul-wasaare-xamsa-oo-tacsi-ugu-tagey-qoyska-alle-ha-u-naxariistee-ugaas-cabdi-daahir","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/sonna.so\/so\/raiisul-wasaare-xamsa-oo-tacsi-ugu-tagey-qoyska-alle-ha-u-naxariistee-ugaas-cabdi-daahir\/","title":{"rendered":"Ra\u2019iisul Wasaare Xamsa oo tacsi ugu tagey qoyska Alle ha-u-naxariistee Ugaas Cabdi-Daahir"},"content":{"rendered":"<p>Muqdisho-(SONNA)-Ra\u2019iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo tacsi ugu tagey qoyska Alle ha-u-naxariistee Ugaas Cabdi-Daahir Ugaas Nuur oo dhawaan ku geeriyooday magaalada Muqdisho, ayaa sheegay in Ugaasku uu kaalin weyn ka soo qaatay nabaddeynta iyo dowlad-dhiska Soomaaliya.<\/p>\n<p>Ra\u2019iisul Wasaaraha oo ka hadlayey madasha ay taallo gogosha tacsida, ayaa sheegay in Ugaas Cabdi-Daahir uu ku suntaa dal jacayl iyo sidii ay ummadda Soomaaliyeed dib uga soo kaban lahayd burburkii gaaray.<\/p>\n<p>\u201cUgaas Cabdi-Daahir Ugaas Nuur, waxa uu kamid ahaa dhaqankii bud-dhigga u ahaa dowlad-dhiska Soomaaliya iyo sidii ay ummadda Soomaaliyeed mar kale u heli lahayd Qaran xooggan, waxaan rajeynayaa in aad ku socon doontaan jidkii wanaagsanaa ee uu jeexay ugaasku.\u201d Ayuu yiri Ra\u2019iisul Wasaaraha oo la hadlayey qoyska Marxuumka uu ka baxay.<\/p>\n<p>Mudane Xamsa, ayaa marxuumka Alle uga baryey in uu ka waraabiyo naxariistiisa Janno, ehelka iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxayna samir iyo iimaan ka siiyo.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Muqdisho-(SONNA)-Ra\u2019iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo tacsi ugu tagey qoyska Alle ha-u-naxariistee Ugaas Cabdi-Daahir Ugaas Nuur oo dhawaan ku geeriyooday magaalada Muqdisho, ayaa sheegay in Ugaasku uu kaalin weyn ka soo qaatay nabaddeynta iyo dowlad-dhiska Soomaaliya. Ra\u2019iisul Wasaaraha oo ka hadlayey madasha ay taallo gogosha tacsida, ayaa sheegay in Ugaas [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":7,"featured_media":530024,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"content-type":"","footnotes":""},"categories":[94,81],"tags":[],"class_list":{"0":"post-530023","1":"post","2":"type-post","3":"status-publish","4":"format-standard","5":"has-post-thumbnail","7":"category-gudaha","8":"category-wararka"},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/530023","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/7"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=530023"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/530023\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":530025,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/530023\/revisions\/530025"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/530024"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=530023"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=530023"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=530023"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}