{"id":529458,"date":"2025-01-20T07:10:38","date_gmt":"2025-01-20T04:10:38","guid":{"rendered":"https:\/\/sonna.so\/so\/?p=529458"},"modified":"2025-01-20T07:21:31","modified_gmt":"2025-01-20T04:21:31","slug":"xamaas-iyo-israaiil-oo-maxaabiis-isdhaafsaday","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/sonna.so\/so\/xamaas-iyo-israaiil-oo-maxaabiis-isdhaafsaday\/","title":{"rendered":"Xamaas iyo Israa\u2019iil oo maxaabiis isdhaafsaday"},"content":{"rendered":"<p>Muqdisho(SONNA):-Saddex kamid ah maxaabiis Israa\u2019iiliyiin ah ayaa laga sii daayay Gaza, iyadoo lagu wareejiyay ciidamada Israa\u2019iill, taasi oo ah wajiga ugu horeeyay ee xabbad-joojin Ururka Xamaas iyo Israel ay dhawaan gaareen labada dhinac.<\/p>\n<p>Maxaabiistan la siidaayay ayaa kala ah Romi Gonen, oo 24 jir ah, Emily Damari, oo 28 jir ah, iyo Doron Steinbrecher, oo 31 jir ah, kuwaas oo gacanta Xamaas galay 7-dii October 2023, kadib weerarkii loogu magacdaray Duufaanul Aqsaa ee ay kaa qaadeen Ururka Xamaas.<\/p>\n<p>Muuqaallo ay baahisay Aljazeera ayaa laga arkayay muuqaalkii ugu horeeyay isdhaafsiga la heystayaasha labada dhinac, kuwaas oo isla xalay gaaray dhulka ay haystato Israel ee Falastiin, waxaana ka muuqatay wajiyadooda farxad muujineysa helidda xorriyadooda.<\/p>\n<p>Dhanka kale Xukuumadda Israa\u2019iil ayaa uun saacado kadib siideynta Xamaas, waxay iyana dhankooda ka siidaayeen maxaabiista Falastiiniyiinta ah, kuwaa oo gaaraya ilaa 90 qof oo muddo ku jiray jeelalka Israa\u2019iil.<\/p>\n<p>Xabbad-joojin ka dhaqan-gashay Gaza ayaa bilaabatay Axaddii ka dib markii labada dhinac ee kala ah Xamaas iyo Xukuumadda Israa\u2019iil ansixiyeen heshiiska labada dhinac, waxaana heshiiska dhanka Israa\u2019iil diiday 3 wasiir oo kali ah taas oo aan hor istaagi karin fulintiisa.<\/p>\n<p>Is weydaarashada maxaabiista ayaa qeyb ka ah wajiga koowaad ee heshiiska xabbad-joojinta ee dhex maray Xamaas iyo Israa\u2019iil , kaas oo ay dhex dhexaadiyeen Qatar, Masar iyo Mareykanka.<\/p>\n<p>Wareegga labaad ee sii deynta maxaabiista ayaa lagu wadaa in uu dhaco Sabtida soo socoto, markaas oo la filayo in la sii daayo 33 ka mid ah la maxaabiista Israa\u2019iil, , halka Israa\u2019iil \u2019il ay xabsiyadeeda kasii deyn doonto ku dhawaad 2,000 oo Falastiiniyiin ah. Wajiga koowaad ee xabbad joojinta ayaana socon doono muddo 42 maalin ah.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Muqdisho(SONNA):-Saddex kamid ah maxaabiis Israa\u2019iiliyiin ah ayaa laga sii daayay Gaza, iyadoo lagu wareejiyay ciidamada Israa\u2019iill, taasi oo ah wajiga ugu horeeyay ee xabbad-joojin Ururka Xamaas iyo Israel ay dhawaan gaareen labada dhinac. Maxaabiistan la siidaayay ayaa kala ah Romi Gonen, oo 24 jir ah, Emily Damari, oo 28 jir ah, iyo Doron Steinbrecher, oo [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":43,"featured_media":529461,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"content-type":"","footnotes":""},"categories":[94,81],"tags":[],"class_list":{"0":"post-529458","1":"post","2":"type-post","3":"status-publish","4":"format-standard","5":"has-post-thumbnail","7":"category-gudaha","8":"category-wararka"},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/529458","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/43"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=529458"}],"version-history":[{"count":2,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/529458\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":529462,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/529458\/revisions\/529462"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/529461"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=529458"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=529458"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=529458"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}