{"id":529321,"date":"2025-01-17T19:10:28","date_gmt":"2025-01-17T16:10:28","guid":{"rendered":"https:\/\/sonna.so\/so\/?p=529321"},"modified":"2025-01-17T19:10:28","modified_gmt":"2025-01-17T16:10:28","slug":"warbixinta-toddobaadlaha-ee-dowladda-federaalka-soomaaliya-70","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/sonna.so\/so\/warbixinta-toddobaadlaha-ee-dowladda-federaalka-soomaaliya-70\/","title":{"rendered":"Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya"},"content":{"rendered":"<div class=\"x11i5rnm xat24cr x1mh8g0r x1vvkbs xtlvy1s x126k92a\">\n<div dir=\"auto\">\n<div class=\"x11i5rnm xat24cr x1mh8g0r x1vvkbs xtlvy1s x126k92a\">\n<div dir=\"auto\">1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo furay Shirweynaha 7-aad ee Garsoorka dalka ayaa sheegay in dib-u-eegista iyo dhameystirka Cutubka 9-aad ee Dastuurka ay aasaas u yihiin helidda nidaam garsoor oo la jaanqaadaya baahiyaha bulshada iyo dib u kabashada dalka.<\/div>\n<\/div>\n<div class=\"x11i5rnm xat24cr x1mh8g0r x1vvkbs xtlvy1s x126k92a\">\n<div dir=\"auto\">2- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa soo dhaweeyay heshiiska xabbad-joojinta Gaza, isaga oo bogaadiyay dadaallada ay sameeyeen dalalka Qatar, Masar iyo Mareykanka si loo xaqiijiyo heshiiskan.<\/div>\n<\/div>\n<div class=\"x11i5rnm xat24cr x1mh8g0r x1vvkbs xtlvy1s x126k92a\">\n<div dir=\"auto\">3- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Kampala ee dalka Uganda kaga qeybgaley Shir Madaxeedka Barnaamijka Horumarinta Beeraha Afrika (CAADP), isla markaana khudbad ka jeediyay, lana kulmay qaar ka mid ah madaxdii ka qeybgashey.<\/div>\n<\/div>\n<div class=\"x11i5rnm xat24cr x1mh8g0r x1vvkbs xtlvy1s x126k92a\">\n<div dir=\"auto\">4- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan kula qaatay qaar ka mid ah ururrada bulshada rayidka Soomaaliyeed, kana dhageystay aragtiyadooda iyo talooyinkooda la xariira xaaladda dalka gaar ahaan arrimaha doorashooyinka iyo amniga dalka .<\/div>\n<\/div>\n<div class=\"x11i5rnm xat24cr x1mh8g0r x1vvkbs xtlvy1s x126k92a\">\n<div dir=\"auto\">5- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dalka dib ugu soo laabtey kadib wadahadal uu Addis Ababa kula soo yeeshay Ra\u2019iisul Wasaaraha Ethiopia Abiy Axmed, wadahadalkaasna ku qotomay xoojinta xiriirka labada dal.<\/div>\n<\/div>\n<div class=\"x11i5rnm xat24cr x1mh8g0r x1vvkbs xtlvy1s x126k92a\">\n<div dir=\"auto\">6- Ra&#8217;iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, Ayaa Muqdisho ku qaabilay Agaasimaha Guud ee Sanduuqa Horumarinta Boqortooyada Sucuudi Carabiya, Mudane Sultan Abdulrahman Al-Marshad, iyagoo ka wadahadley xoojinta iskaashiga labada dhinac gaar ahaan arrimaha maalgashiga iyo horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha Soomaaliya.<\/div>\n<\/div>\n<div class=\"x11i5rnm xat24cr x1mh8g0r x1vvkbs xtlvy1s x126k92a\">\n<div dir=\"auto\">7- Ra\u2019iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa kulan la yeeshay Wakiilka Gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya, Ambassador Maxamed El-amine Souef oo ay ka wada hadleen arrimo la xiriira Hawlgalka Midowga Afrika.<\/div>\n<\/div>\n<div class=\"x11i5rnm xat24cr x1mh8g0r x1vvkbs xtlvy1s x126k92a\">\n<div dir=\"auto\">8- Ra\u2019iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa si rasmi ah u soo xiray Shirweynaha 7-aad ee Garsoorka dalka.<\/div>\n<\/div>\n<div class=\"x11i5rnm xat24cr x1mh8g0r x1vvkbs xtlvy1s x126k92a\">\n<div dir=\"auto\">9- Ra\u2019iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa sheegay in xukuummadda ay tallaabooyin adag ka qaadi doonto mas\u2019uul kasta oo isku daya inuu xad gudub ku sameeyo haweenka Soomaaliyeed.<\/div>\n<\/div>\n<div class=\"x11i5rnm xat24cr x1mh8g0r x1vvkbs xtlvy1s x126k92a\">\n<div dir=\"auto\">10- Ra\u2019iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo ka qeybgaley munaasabad qalin jebin oo ka dhacdey Jaamacadda Muqdisho, ayaa sheegay in DFS ay waddo qorshayaal lagu horumarinayo waxbarashada dalka, si ay ubadka Soomaaliyeed u helaan tacliin tayo sare leh.<\/div>\n<\/div>\n<div class=\"x11i5rnm xat24cr x1mh8g0r x1vvkbs xtlvy1s x126k92a\">\n<div dir=\"auto\">11- Ra\u2019iisul Wasaare Ku-Xigeenka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa kulan la yeeshay Agaasimaha Guud ee Sanduuqa Horumarinta Boqortooyada Sucuudi Carabiya, Mudane Sultan Abdulrahman Al-Marshad.<\/div>\n<\/div>\n<div class=\"x11i5rnm xat24cr x1mh8g0r x1vvkbs xtlvy1s x126k92a\">\n<div dir=\"auto\">12- Ra\u2019iisul Wasaare Ku-Xigeenka Labaad ee Soomaaliya Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa guddoomiyey kulankii ugu horreeyey ee ay yeeshaan Guddiga Fududeynta Arrimaha Ganacsiga Soomaaliya (NTFC) oo ka kooban 18 xubnood oo isugu jira wasaarado iyo hay\u2019ado kale oo dowladeed.<\/div>\n<\/div>\n<div class=\"x11i5rnm xat24cr x1mh8g0r x1vvkbs xtlvy1s x126k92a\">\n<div dir=\"auto\">13- Ra&#8217;iisul Wasaare Ku-Xigeenka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa kormeer shaqo ku tagey xarumaha Wasaaradda Amniga Gudaha iyo Hey\u2019adda Socdaalka Jinsiyadda.<\/div>\n<\/div>\n<div class=\"x11i5rnm xat24cr x1mh8g0r x1vvkbs xtlvy1s x126k92a\">\n<div dir=\"auto\">14- Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Danjire Axmed Macallin Fiqi, ayaa khadka taleefanka kula hadlay dhigiisa dalka Ukraine, Andrii Sybiha, iyagoo ka wadahadley xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed iyo iskaashiga labada dal.<\/div>\n<\/div>\n<div class=\"x11i5rnm xat24cr x1mh8g0r x1vvkbs xtlvy1s x126k92a\">\n<div dir=\"auto\">15- Wasiirka Warfaafinta Mudane Daa\u2019uud Aweys Jaamac ayaa sheegay in Jaamacadda Muqdisho iyo wasaaraddu ay yeelan doonaan wada shaqayn ballaaran oo ku aaddan horumarinta dalxiiska, wacyigelinta, warbaahinta iyo adeegyada kala duwan ee ay bulshadu u baahan tahay.<\/div>\n<\/div>\n<div class=\"x11i5rnm xat24cr x1mh8g0r x1vvkbs xtlvy1s x126k92a\">\n<div dir=\"auto\">16- Wasiirka Arrimaha Dibadda Danjire Axmed Macallin Fiqi ayaa la kulmay dhiggiisa dalka Masar Dr. Badr Abdel Atty, iyagoo ka wadahadley horumarinta xasiloonida gobolka iyo kaalinta dowladda Masar ee hawlgalka Midowga Afrika ee AUSSOM.<\/div>\n<\/div>\n<div class=\"x11i5rnm xat24cr x1mh8g0r x1vvkbs xtlvy1s x126k92a\">\n<div dir=\"auto\">17- Wasiirka Warfaafinta Daa\u2019uud Aweys Jaamac ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya ahna Madaxa Hawlgalka AUSSOM, Ambassador Mohamed El-Amine Souef.<\/div>\n<\/div>\n<div class=\"x11i5rnm xat24cr x1mh8g0r x1vvkbs xtlvy1s x126k92a\">\n<div dir=\"auto\">18- Wasiirka Arrimaha Dibadda Danjire Axmed Macallim Fiq ayaa ka qaybgalay shirkii labaad ee Guddiga Saddex-geesoodka ah ee Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya, Masar, iyo Eritrea oo ka dhacay magaalada Qaahira.<\/div>\n<div dir=\"auto\">19- Wasiirka Arrimaha Dibadda Mudane Axmed Macallim Fiqi ayaa magaalada Nairobi kula kulmay Madaxweyne Ku-Xigeenka Kenya, Kithure Kindiki.<\/div>\n<\/div>\n<div class=\"x11i5rnm xat24cr x1mh8g0r x1vvkbs xtlvy1s x126k92a\">\n<div dir=\"auto\">20- Wasiirka Amniga Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil oo safar shaqo ku jooga magaalada Baqdaad ayaa booqday xarumaha Taliska Guud ee Ciidanka Booliska iyo Taliska Ciidamada Xuduudaha Ciraaaq.<\/div>\n<\/div>\n<div class=\"x11i5rnm xat24cr x1mh8g0r x1vvkbs xtlvy1s x126k92a\">\n<div dir=\"auto\">21- Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya ahna Madaxa Hawlgalka AUSSOM, Ambassador Mohamed El-Amine Souef, ayaa soo dhaweeyay dib u soo laabashada xiriirkii diblomaasiyadeed ee Soomaaliya iyo Itoobiya.<\/div>\n<\/div>\n<div class=\"x11i5rnm xat24cr x1mh8g0r x1vvkbs xtlvy1s x126k92a\">\n<div dir=\"auto\">22- Wasiirka Hawlaha Guud Mudane Dr. Cilmi Maxamuud Nuur ayaa magaalada Nairobi ugu qeybgalay shirka Guddiga Hagista Mashruuca Isku-Xirka Kaabayaasha Dhaqaalaha Geeska Afrika.<\/div>\n<\/div>\n<div class=\"x11i5rnm xat24cr x1mh8g0r x1vvkbs xtlvy1s x126k92a\">\n<div dir=\"auto\">23- Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa gacanta ku dhigay gaari laga soo buuxiyey walxaha qarxa oo la rabay in lagu dhibaateeyo shacabka Soomaaliyeed ee ku nool caasimadda Muqdisho.<\/div>\n<\/div>\n<div class=\"x11i5rnm xat24cr x1mh8g0r x1vvkbs xtlvy1s x126k92a\">\n<div dir=\"auto\">24- Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde ayaa lagu soo dhaweeyay kalluumeysato Soomaaliyeed oo laga soo badbaadiyay xeebaha dalka Seychelles.<\/div>\n<\/div>\n<div class=\"x11i5rnm xat24cr x1mh8g0r x1vvkbs xtlvy1s x126k92a\">\n<div dir=\"auto\">25- Wasiirka Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka Amb. Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi, ayaa magaalada Muqdisho kulan isbarasho iyo soo dhaweyn ah kula qaadatay haweenka Soomaaliyeed.<\/div>\n<\/div>\n<div class=\"x11i5rnm xat24cr x1mh8g0r x1vvkbs xtlvy1s x126k92a\">\n<div dir=\"auto\">26- Bayaan kasoo baxay Hay\u2019adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda ayaa lagu sheegay in lagu raad-jooga horjooge Yusuuf Maxamed Xuseen oo loo yaqaano (Jeeri Carab) oo ka tirsan Khawaarijta Al Shabab.<\/div>\n<\/div>\n<div class=\"x11i5rnm xat24cr x1mh8g0r x1vvkbs xtlvy1s x126k92a\">\n<div dir=\"auto\">27- Wasiirka Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha Khadiija Maxamed Al-Makhsuumi ayaa kulan la yeelatey George Conway oo ah Ku-Xigeenka Ergeyga Gaarka ah Xoghayaha Guud ee QM ee arrimaha Banii`aadinimadda.<\/div>\n<\/div>\n<div class=\"x11i5rnm xat24cr x1mh8g0r x1vvkbs xtlvy1s x126k92a\">\n<div dir=\"auto\">28- Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-Heshiisiinta Mudane Cali Yuusuf Cali -Xoosh ayaa kulan la yeeshay Wakiilka Hay\u2019adda Qaramada Midoobay u qaabbilsan Arrimaha Qaxootiga (UNHCR), Charles Mballa.<\/div>\n<\/div>\n<div class=\"x11i5rnm xat24cr x1mh8g0r x1vvkbs xtlvy1s x126k92a\">\n<div dir=\"auto\">29- Dowladda Soomaaliya oo bogaadisey Ciidanka Dowlad Goboleedka Puntland ee burburiyay ilaa shan talis oo kooxda argagixisada Daacish ku laheyd deegaanno dhaca buuralayda Cal-miskaad ee Gobolka Bari.<\/div>\n<\/div>\n<div class=\"x11i5rnm xat24cr x1mh8g0r x1vvkbs xtlvy1s x126k92a\">\n<div dir=\"auto\">30- Akadeemiyada Cilimiga, Dhaqanka iyo Suugaanta ayaa magaaladda Muqdisho ku qabatay barnaamij looga hadlay saameynta baraha bulshadu ku leeyihiin dhaqanka iyo hiddaha Soomaaliya.<\/div>\n<\/div>\n<div class=\"x11i5rnm xat24cr x1mh8g0r x1vvkbs xtlvy1s x126k92a\">\n<div dir=\"auto\">31- Taliye Ku-Xigeenka Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo ay wehliyeen saraakiil ka socotay Midowga Yurub ayaa tababar ugu soo xiray Dugsiga Jeneraal Dhegabadan cutubyo ka mid noqonaya Booliska soomaaliyeed.<\/div>\n<\/div>\n<div class=\"x11i5rnm xat24cr x1mh8g0r x1vvkbs xtlvy1s x126k92a\">\n<div dir=\"auto\">32- Ilaa 11 kalluumeysato Soomaali ah oo muddo ka badan bil lagu la\u2019aa biyaha Badweynta Hindiya ayaa laga helay xeebaha dalalka Singapore, Maldeves iyo Sri Lanka.<\/div>\n<\/div>\n<div class=\"x11i5rnm xat24cr x1mh8g0r x1vvkbs xtlvy1s x126k92a\">\n<div dir=\"auto\">33- Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Maxamed Axmed Amiir ayaa kulan la yeeshay Danjiraha Talyaaniga u fadhiya Soomaaliya Amb. Pier Mario Dacc\u00f2 Coppi.<\/div>\n<\/div>\n<\/div>\n<\/div>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo furay Shirweynaha 7-aad ee Garsoorka dalka ayaa sheegay in dib-u-eegista iyo dhameystirka Cutubka 9-aad ee Dastuurka ay aasaas u yihiin helidda nidaam garsoor oo la jaanqaadaya baahiyaha bulshada iyo dib u kabashada dalka. 2- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa soo dhaweeyay heshiiska xabbad-joojinta Gaza, isaga oo bogaadiyay dadaallada ay [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":54,"featured_media":504129,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"content-type":"","footnotes":""},"categories":[94,81],"tags":[],"class_list":{"0":"post-529321","1":"post","2":"type-post","3":"status-publish","4":"format-standard","5":"has-post-thumbnail","7":"category-gudaha","8":"category-wararka"},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/529321","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/54"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=529321"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/529321\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":529322,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/529321\/revisions\/529322"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/504129"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=529321"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=529321"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=529321"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}