{"id":529198,"date":"2025-01-15T14:51:43","date_gmt":"2025-01-15T11:51:43","guid":{"rendered":"https:\/\/sonna.so\/so\/?p=529198"},"modified":"2025-01-15T14:57:15","modified_gmt":"2025-01-15T11:57:15","slug":"madaxweyne-xasan-sheekh-oo-furay-shirweynaha-7-aad-ee-garsoorka-dalka","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/sonna.so\/so\/madaxweyne-xasan-sheekh-oo-furay-shirweynaha-7-aad-ee-garsoorka-dalka\/","title":{"rendered":"MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO FURAY SHIRWEYNAHA 7-AAD EE GARSOORKA DALKA"},"content":{"rendered":"<p>Muqdisho-(SONNA)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta furay Shirweynaha 7-aad ee Garsoorka dalka.<\/p>\n<p>Madaxweynaha ayaa sheegay in dib-u-eegista iyo dhameystirka Cutubka 9-aad ee Dastuurka ay aasaas u tahay helidda nidaam garsoor oo la jaanqaadaya baahiyaha bulshada iyo dib u kabashada dalka.<\/p>\n<p>Madaxweynaha ayaa tilmaamay guulaha la taaban karo ee sanadihii la soo dhaafay laga gaaray horumarinta garsoorka dalka, kuwaas oo ay ka mid yihiin, shaqaaleysiinta howl-wadeenno cusub oo loo maray hannaan tartan furan oo cadaalad ah iyo hirgelinta nidaamka elektarooniga ah ee dacwadaha, kaas oo si joogto ah loo horumarinayo si loo dedejiyo habsami u socodka adeegyada garsoorka.<\/p>\n<p>&#8220;Dowladdu waxa ay si weyn uga shaqeynaysaa in cutubka ku saabsan Garsoorka uu noqdo mid [sida ugu wanaagsan] u qaabeeya arrimaha garsoorka, iyada oo la hubinayo in dastuurku uu saldhig u noqdo garsoor casri ah oo dabooli kara baahida caddaaladda ee bulshada&#8221;.<\/p>\n<p>Sidoo kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa adkeeyey sida ay uga go&#8217;an tahay dowladda dhammeystirka dhismaha nidaam garsoor oo casri ah, hufan oo ay saldhig u tahay shareecadda Islaamka, isagoo soo bandhigay tallaabooyinka lagu xaqiijinayo oo ay ka mid tahay dhismaha Maxkamadda Dastuuriga ah, sare u qaadidda miisaaniyadda hay\u2019adaha garsoorka iyo baahinta adeegga garsoorka dalka.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Muqdisho-(SONNA)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta furay Shirweynaha 7-aad ee Garsoorka dalka. Madaxweynaha ayaa sheegay in dib-u-eegista iyo dhameystirka Cutubka 9-aad ee Dastuurka ay aasaas u tahay helidda nidaam garsoor oo la jaanqaadaya baahiyaha bulshada iyo dib u kabashada dalka. Madaxweynaha ayaa tilmaamay guulaha la taaban karo ee sanadihii la soo [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":7,"featured_media":529199,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"content-type":"","footnotes":""},"categories":[94,81],"tags":[],"class_list":{"0":"post-529198","1":"post","2":"type-post","3":"status-publish","4":"format-standard","5":"has-post-thumbnail","7":"category-gudaha","8":"category-wararka"},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/529198","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/7"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=529198"}],"version-history":[{"count":4,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/529198\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":529203,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/529198\/revisions\/529203"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/529199"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=529198"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=529198"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=529198"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}