{"id":528456,"date":"2025-01-05T09:47:30","date_gmt":"2025-01-05T06:47:30","guid":{"rendered":"https:\/\/sonna.so\/so\/?p=528456"},"modified":"2025-01-05T09:58:13","modified_gmt":"2025-01-05T06:58:13","slug":"wakaaladda-wararka-sonna-oo-u-dabbaaldegtay-xuska-61-aad","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/sonna.so\/so\/wakaaladda-wararka-sonna-oo-u-dabbaaldegtay-xuska-61-aad\/","title":{"rendered":"Wakaaladda Wararka SONNA oo u dabbaaldegtay xuska 61-aad (warbixin)\u00a0"},"content":{"rendered":"<p>Muqdisho.SONNA&#8230;Wakaaladaha wararka waa hey\u2019ado u xilsaaran ururita iyo habeynta wararka iyo guud ahaan raadinta\u00a0 macluuumaadka kale ee loo gudbiyo bulsho weynta caalamka,waxayna wakaaladuhu u qeybsamaan kuwo caaalami ah oo ay maamulaan shirkado ama hey\u2019ado gaar ah iyo kuwo dowli ah.<\/p>\n<p>Wakaaladahaan waa kuwo xirfad ahaan ku shaqeysta warbaahinta, waxayna leeyihiin macaamiil badan oo ku xiran xarumahooda caadiga ah sida wargeysyada,Idaacadaha, taleefishinada iyo shabakadaha kale ee ku shaqeeya qalabka Internetka ee fududeeya maclumaadka laga helo Webside-yada iyo baraha bulshada.<\/p>\n<p>Marka laga yimaado wakaaladaha caalamiga ah oo loo aqoonsan yahay Associated Press (AP), AFP , Reuters, United Press iyo Tass,waxaa jira waakaalado dowliga ah oo badanaa ay gacanta ku hayaan xukuumadaha,kuwaas oo ku hadla afka dowladda, waxayna gudbiyaan wararka caadiga ah iyo siyaasadaha dowladaha.<\/p>\n<p>Guud ahaan wakaaladahaan waxa ay ka shaqeeyaan sidii loo kasban lahaa kalsoonida dadka ,isla markaana looga fogaan lahaa wararka beenta ah ee dhaawici kara xogta saxda ah ee muuqaalada dhacdooyinka u gudbaya macaamiisha.<\/p>\n<p>Qeybahaan waxaa loo tixgeliyaa in ay yihiin adeeg wareed (news wire), kuwaas oo wadaaga dhaqan ahaan mas\u2019uuliyad macquul ah oo tilmaameysa in helitaanka wararka iyo dhacdooyinka loo tiiriyo ama loo nisbeeyo afhayeen ama ilo muhiim ah oo lagu kalsoonaan karo.<\/p>\n<p>Haddaba,Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed oo ka mid ah kuwa dowliga ah waxay maanta u dabbaaldageysaa xuska sanadguurada 61-aad ee ka soo wareegatay dhismaha wakaalad dhinaca wararka u qaabilsan Dowladnimada Soomaaliya .<\/p>\n<p>Wakaaladda SONNA waxaa la aasaasay 5-tii Janaayo ee sanadkii 1964-tii, waana adeegga ugu weyn xagga wararka ee ay maamulaan wasaaradda Warfaafinta Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya .<\/p>\n<p>Dhismaha Wakaaladdaan ayaa yimid xilli ay dalka ka jireen 2- Idaacadood oo kala ahaa:- Raadiyo Hargeysa oo la furay 1943-dii iyo Raadiyo Muqdisho oo isna la daah-furay 1951-dii,kuwaas oo wax ku gudbin jiray afka Soomaaliga iyo dhowr luqadood oo kale.<\/p>\n<p>Wakaaladda Wararka SONNA waa hey\u2019adda ugu sareysa \u00a0warbaahinta oo u xilsaaran ururinta wararka gudaha iyo \u00a0,dibadda, xaqiijinta dhacdooyinka iyo bixinta akhbaraadka ay u baahan yihiin raadiyaha, telefishanka, wargeyska iyo xarumaha kale ee gaarka ah.<\/p>\n<p>Marka loo eego Howsha Wakaaladda waa warbaahin shaqeysa 24-saac , waxayna\u00a0xiriirro shaqo la leedahay dalal badan sida Dowladaha Islaamka,Jaamacadda Carabta, Midowga Afrika iyo kuwa caalamiga ah.<\/p>\n<p>SONNA ayaa ah\u00a0 isha wararka\u00a0,waxeyna ku shaqeysaa daacadnimo, dhex-dhexaadnimo iyo dabagal,iyadoo gudbisa wararka iyo dhacdooyinka xiisaha u leh bulshada Soomaaliyeed iyo kuwa caalamka.<\/p>\n<p>Wasaaradda Warfafinta waxay dadaal ku bixisay sidii loo \u00a0hormarin lahaa qeybaha warbaahinta ,gaar ahaan wakaaladda wararka SONNA si loo helo aqoon lagu kaabo howsha warbaahinta ,iyada oo loo marayo qaab farsamo oo casriyeysan.<\/p>\n<p>Dhowr iyo tobankii sano ee u dambeeyay wakaaladda wararka waxa ay ku tallaabsatay guullo wax ku ool ah,kadib markii\u00a0 madaxda wakaaladda ay heshiisyo cusub la soo galeen wakaaladaha wararka ee dalalka Shiinaha,Turkiga, Raashiya,Suudaan, ,Qadar,Kuweyt, Imaaraadka ,Sacuudiga,Bulgariya iyo kuwo kale.<\/p>\n<p>Adeegga wakaaladda ee xilligaan waxaa lagu saleeyay habka casriga ah ee ay u howlgalaan wakaaladaha wararka caalamka,gaar ahaan nidaamka shaqo ee aan looga maarmin habka diijitaalka internetka,kaas oo si dhaqso ah u gaari kara daafaha dunida.<\/p>\n<p>Qorshaha ku talagal ee mustaqbalka waa in wakaaladda wararka SONNA ay dib u soo celiso dhammaan xiriiradii ay la laheyd dalalka dunida.<\/p>\n<p>Waxaa jira qorshayaal la doonayo in SONNA xilligaan iyo mustaqbalka soo socda ay ku howlgalaan waxaana kamid ah:-1-in hawsha SONNA la\u00a0 gaarsiyo Gobolada dalka iyo dibadaha iyadoo kor loo qaadayo aqoonta shaqaalihii hore iyo kuwa cusub ee ku soo biiraya wakaaladda.<\/p>\n<p>2 \u2013la socodka wararka ay daabacaan wakaaladaha iyo warbaahinada kale ee\u00a0 caalamka.<\/p>\n<p>3 \u2013diyaarinta warar xaqiiqo ah oo ka turjumaya danta bulshada,gaar ahaan xilligga ay dhacayaan.<\/p>\n<p>4 \u2013 kordhinta qalabka saxaafadda ee ay ku howlgalaan wakaaladda wararka SONNA.<\/p>\n<p>5 \u2013 in danjirayaasha ku sugan dalka la siiyo warar ku qoran buletiinka oo ku hadlaya luqadaha Ingiriiska,carabiga Talyaaniga iyo kuwo kale,<\/p>\n<p>6 \u2013in ay diiwaangeliso dhacdooyinka,iyadoo lala kaashanaayo hay\u2019adaha wararka ee\u00a0goboladaa iyo caalamka.<\/p>\n<p>7\u2013\u00a0tixgelinta qiyamka iyo dhaqanka dadka Soomaaliyeed,gaar ahaan xilliyada faafinta wararka.<\/p>\n<p>8 \u2013 in kor loo qaado aqoonta shaqaalaha si ay u sameeyaan wax soo saar ka badan shaqada ay hadda qabtaan.<\/p>\n<p>Iyadoo laga faa\u2019idesanaayo fursadda xuska maalinta Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed,waxaa halkaan hambalyo ku aadan munaasabadda maalintaan hambalyo diray madaxda wasiirka wasaaradda Warfaafinta XFS,iyagoo maamulka iyo shaqaalaha Wakaalada Wararka SONNA kala qeybgalay dabbaaldegga xuska sanadguurada 61-aad ee ka soo\u00a0 wareegatay aasaaska wakaaladda SONNA.<\/p>\n<p>Gabagabadii Wasiirka iyo madaxda kale ee wasaaradda Warfaafinta XFS waxa ay maamulka iyo shaqaalaha SONNA kula dardaarmeen in ay labalaabaan howlaha dhinaca warbaahinta ee ay u hayaan umadda,iyagoo\u00a0u rajeeyeen in sanadkaan kisa kale ay ku gaaraan horumar iyo barwaaqo.<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>SONNA<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Muqdisho.SONNA&#8230;Wakaaladaha wararka waa hey\u2019ado u xilsaaran ururita iyo habeynta wararka iyo guud ahaan raadinta\u00a0 macluuumaadka kale ee loo gudbiyo bulsho weynta caalamka,waxayna wakaaladuhu u qeybsamaan kuwo caaalami ah oo ay maamulaan shirkado ama hey\u2019ado gaar ah iyo kuwo dowli ah. Wakaaladahaan waa kuwo xirfad ahaan ku shaqeysta warbaahinta, waxayna leeyihiin macaamiil badan oo ku xiran [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":46,"featured_media":528453,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"content-type":"","footnotes":""},"categories":[94,82],"tags":[],"class_list":{"0":"post-528456","1":"post","2":"type-post","3":"status-publish","4":"format-standard","5":"has-post-thumbnail","7":"category-gudaha","8":"category-maqaallada"},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/528456","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/46"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=528456"}],"version-history":[{"count":3,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/528456\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":528460,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/528456\/revisions\/528460"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/528453"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=528456"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=528456"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=528456"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}