{"id":528431,"date":"2025-01-04T17:33:31","date_gmt":"2025-01-04T14:33:31","guid":{"rendered":"https:\/\/sonna.so\/so\/?p=528431"},"modified":"2025-01-04T17:33:31","modified_gmt":"2025-01-04T14:33:31","slug":"maxaa-looga-baahan-yahay-soomaaliya-inta-ay-ku-fadhiso-kursiga-golaha-ammaanka-qaramada-midoobay","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/sonna.so\/so\/maxaa-looga-baahan-yahay-soomaaliya-inta-ay-ku-fadhiso-kursiga-golaha-ammaanka-qaramada-midoobay\/","title":{"rendered":"Maxaa looga baahan yahay Soomaaliya inta ay ku fadhiso kursiga Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay?"},"content":{"rendered":"<div class=\"html-div xdj266r x11i5rnm xat24cr x1mh8g0r xexx8yu x4uap5 x18d9i69 xkhd6sd\" dir=\"auto\">\n<div class=\"html-div xdj266r x11i5rnm xat24cr x1mh8g0r xexx8yu x4uap5 x18d9i69 xkhd6sd\" data-ad-rendering-role=\"story_message\">\n<div id=\":r3tq:\" class=\"x1l90r2v x1iorvi4 x1ye3gou xn6708d\" data-ad-comet-preview=\"message\" data-ad-preview=\"message\">\n<div class=\"x78zum5 xdt5ytf xz62fqu x16ldp7u\">\n<div class=\"xu06os2 x1ok221b\">\n<div class=\"xdj266r x11i5rnm xat24cr x1mh8g0r x1vvkbs x126k92a\">\n<div dir=\"auto\">Muqdisho.(SONNA):- Agaasimaha Xiriirka Caalamiga ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Jibriil Afyare oo wareysi gaar ah siiyay warbaahinta Qaranka ayaa si qoto dheer kaga hadlay muhiimadda kursiga golaha ammaanka iyo waxa looga baahan yahay Soomaaliya inta ay ku fadhiso kursigaas.<\/div>\n<\/div>\n<\/div>\n<\/div>\n<\/div>\n<\/div>\n<\/div>\n<div dir=\"auto\"><\/div>\n<div dir=\"auto\">Agaasime Afyare ayaa sheegay in tallaabada ugu horeyso Soomaaliya laga doonayo in ay tahay qeyb ka noqoshada nabadeynta iyo xasilloonida Geeska Afrika oo aan ku naalno iyo in laga shaqeeyo arrimaha muhiimka ah ee Soomaaliya quseeyo.<\/div>\n<div class=\"html-div xdj266r x11i5rnm xat24cr x1mh8g0r xexx8yu x4uap5 x18d9i69 xkhd6sd\" dir=\"auto\">\n<div class=\"html-div xdj266r x11i5rnm xat24cr x1mh8g0r xexx8yu x4uap5 x18d9i69 xkhd6sd\" data-ad-rendering-role=\"story_message\">\n<div id=\":r3tq:\" class=\"x1l90r2v x1iorvi4 x1ye3gou xn6708d\" data-ad-comet-preview=\"message\" data-ad-preview=\"message\">\n<div class=\"x78zum5 xdt5ytf xz62fqu x16ldp7u\">\n<div class=\"xu06os2 x1ok221b\">\n<div class=\"xdj266r x11i5rnm xat24cr x1mh8g0r x1vvkbs x126k92a\">\n<div dir=\"auto\"><\/div>\n<div dir=\"auto\">&#8221; Waxaa looga baahan yahay nabadeynta inaan qeyb ka noqono, waxaa nalooga baahan yahay Geeska Afrika oo ku naalno nabadeyntiisa iyo xasilloonidiisa qeyb inaan ka noqono, tan kale oo nalooga baahan yahay waxay tahay waxa Soomaaliya quseeya gaar ahaan agendaha Soomaaliya quseeya inaan riixno oo aan bar dhamaadka (furintiga) geyno.<\/div>\n<\/div>\n<\/div>\n<\/div>\n<\/div>\n<\/div>\n<\/div>\n<div dir=\"auto\"><\/div>\n<div dir=\"auto\">Sidoo kale, Agaasimaha Xiriirka Caalamiga ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Jibriil Afyare, ayaa hadalkiisa intaas ku daray in waxyaabaha kale ee Soomaaliya laga doonayo muddada labada sanno ee kursiga ku fadhiso in ay tahay in dadaal xooggan la geliyo sidii dalka looga ciribtiri lahaa argagixisada, iyadoo la kaashanayo taageerada beesha caalamka iyo sidii looga bixi lahaa Chapter 7, oo dad badan aysan ku baraarugsaneyn muhiimadda ay leedahay in marxaladdaas laga gudbo.<\/div>\n<div dir=\"auto\"><\/div>\n<div dir=\"auto\">&#8221; Waxaa ka mid ah argagixisada sida hadda madaxweynaha sheegay, midda kale aan kuu sheegayo waxay tahay Soomaaliya waxay ku jjirtaa chapter 7, dadka badanaa may be in aysan ku baraarugsaneyn, Chapter 7-kaas maxaa uga bixi karnaa?, waxaa uga bixi karnaa inaan labadaas sanno aan ka shaqeyno sababihii kaga bixi lahayn chapter 7-kaas oo ah in xasilloonida, mideynta ummadda Soomaaliya, wanaagga ka socda Soomaaliya iyo wejiga Soomaaliya ay leedahay markaan gudaheenna iyo dhexdeenna ku jirno unbaa dibadda la tegi doonaa,&#8221;.<\/div>\n<div dir=\"auto\"><\/div>\n<div dir=\"auto\">Ugu dambeyn, Agaasime Jabriil Afyare ayaa hoosta ka xariiqay in muddada labada ee Soomaaliya ku fadhiso kursiga Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ka dib, Soomaaliya noqon doonto, Soomaaliya sareysa, sumcad leh, diblomaasiyadda oo kor u kacda iyo in Somaaliya loo qoro nabadeynta iyo xasilloonida iyo in ay kaalin weyn qaadatay wax ka qabashada goobaha dhibaatada ka jirto.<\/div>\n<div dir=\"auto\"><\/div>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Muqdisho.(SONNA):- Agaasimaha Xiriirka Caalamiga ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Jibriil Afyare oo wareysi gaar ah siiyay warbaahinta Qaranka ayaa si qoto dheer kaga hadlay muhiimadda kursiga golaha ammaanka iyo waxa looga baahan yahay Soomaaliya inta ay ku fadhiso kursigaas. Agaasime Afyare ayaa sheegay in tallaabada ugu horeyso Soomaaliya laga doonayo in ay [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":41,"featured_media":528432,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"content-type":"","footnotes":""},"categories":[94,81],"tags":[],"class_list":{"0":"post-528431","1":"post","2":"type-post","3":"status-publish","4":"format-standard","5":"has-post-thumbnail","7":"category-gudaha","8":"category-wararka"},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/528431","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/41"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=528431"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/528431\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":528433,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/528431\/revisions\/528433"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/528432"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=528431"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=528431"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=528431"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}