{"id":528158,"date":"2024-12-30T14:13:15","date_gmt":"2024-12-30T11:13:15","guid":{"rendered":"https:\/\/sonna.so\/so\/?p=528158"},"modified":"2024-12-30T14:13:15","modified_gmt":"2024-12-30T11:13:15","slug":"guddoomiyaha-sodma-oo-shir-jaraaid-qabtay-ayaa-ku-dhawaaqay-in-dalku-galay-marxalad-abaar-oo-adag","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/sonna.so\/so\/guddoomiyaha-sodma-oo-shir-jaraaid-qabtay-ayaa-ku-dhawaaqay-in-dalku-galay-marxalad-abaar-oo-adag\/","title":{"rendered":"Guddoomiyaha SoDMA oo\u00a0shir jaraa\u2019id qabtay ayaa ku dhawaaqay in dalku galay marxalad abaar oo adag"},"content":{"rendered":"<p>Muqdisho(SONNA):-Guddoomiyaha Hay\u2019adda Maareynta Musiibooyinka Md. Maxamuud Macallin Cabdulle oo shir jaraa\u2019id ku qabtay xarunta dhexe ee Hay\u2019adda SoDMA, ayaa ku dhawaaqay in dalku galay marxalad abaar oo adag, loona baahan yahay gurmad iyo dadaal aan kala har lahayn, kadib markii uu baaqday xilli roobaadkii Dayrta ee la filayay bilihii September, October iyo November.<\/p>\n<p>Sida ay muujinayaan warbixinnadii u danbeeyay, in ka badan 5.98 milyan oo qof ayaa hadda u baahan gargaar bani\u2019aadannimo iyo garab istaag deg-deg ah, 3.2 million oo dadkaas nugul ka mid ah ayaa wajahaya xaalad halis ah, ku dhawaad 200,000 oo qof ayaa abaarta awgeed kaga barakacay guryahoodii si ay nolol u raadsadaan, halka 1.4 milyan oo xoolo ah ay abaaruhu galaafteen.<\/p>\n<p>Hay\u2019adda SoDMA oo ka jawaabeysa saameynta abaartaan oo ah mid xaddigeedu weyn yahay ayaa Saddexdii bilood ee la soo dhaafay gargaar gaarsiisay 2.1 milyan oo qof, kuwaas oo wali u baahan ka-war-qab iyo gacan-qabad bani\u2019aadannimo, iyadoo 1.45 bilyan oo dollar loo baahan yahay si wax looga qabto abaarta oo saameysay in ka badan 13 gobol oo ka mid ah 18-ka gobol ee dalka.<\/p>\n<p>Guddoomiyaha Hay\u2019adda Maareynta Musiibooyinka, Maxamuud Macallin ayaa ugu baaqay hay\u2019adaha Dowladda, dadka Soomaaliyeed ee wax heysta iyo deeq-bixiyayaasha, in wadajir loogu istaago u qareemidda gargaarka iyo sidii looga hortagi lahaa in abaartu ka gudubto xaddiga ay hadda joogto, halka uu u mahad-celiyay dowladaha iyo deeq-bixiyayaasha taageerada muujiyay.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Muqdisho(SONNA):-Guddoomiyaha Hay\u2019adda Maareynta Musiibooyinka Md. Maxamuud Macallin Cabdulle oo shir jaraa\u2019id ku qabtay xarunta dhexe ee Hay\u2019adda SoDMA, ayaa ku dhawaaqay in dalku galay marxalad abaar oo adag, loona baahan yahay gurmad iyo dadaal aan kala har lahayn, kadib markii uu baaqday xilli roobaadkii Dayrta ee la filayay bilihii September, October iyo November. Sida ay [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":44,"featured_media":528159,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"content-type":"","footnotes":""},"categories":[94,81],"tags":[],"class_list":{"0":"post-528158","1":"post","2":"type-post","3":"status-publish","4":"format-standard","5":"has-post-thumbnail","7":"category-gudaha","8":"category-wararka"},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/528158","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/44"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=528158"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/528158\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":528160,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/528158\/revisions\/528160"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/528159"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=528158"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=528158"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=528158"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}