{"id":528060,"date":"2024-12-29T14:12:08","date_gmt":"2024-12-29T11:12:08","guid":{"rendered":"https:\/\/sonna.so\/so\/?p=528060"},"modified":"2024-12-29T14:51:30","modified_gmt":"2024-12-29T11:51:30","slug":"wadatashi-ku-saabsan-diyaarinta-qorshe-howleedka-2025-ee-hayadaha-dowladda-oo-furmay-muqdisho","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/sonna.so\/so\/wadatashi-ku-saabsan-diyaarinta-qorshe-howleedka-2025-ee-hayadaha-dowladda-oo-furmay-muqdisho\/","title":{"rendered":"Wadatashi ku saabsan Diyaarinta Qorshe Howleedka 2025 ee Hay&#8217;adaha Dowladda oo ka furmay Muqdisho"},"content":{"rendered":"<p>Muqdisho(SONNA):-Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha ayaa maanta ku qabatay xarunta dhexe shir wadatashi ah oo lagu diyaarinayo Qorshe Howleedka Sanadlaha ee 2025 ee Hay\u2019adaha Dowladda Federaalka. Shirka waxaa si rasmi ah u furay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Mudane Maxamed Shire, oo carrabka ku adkeeyay muhiimadda qorshahan uu u leeyahay isku-dubbaridka hawlaha hay\u2019adaha dowladda si loo gaaro yoolalka istiraatiijiga ah ee qaranka.<\/p>\n<p>Mudane Sayid A. Cabdillaahi, oo ka tirsan Waaxda Qorsheynta, ayaa soo bandhigay qabyo-qoraalka Qorshaha Howleedka 2025. Waxa uu faahfaahin ka bixiyay howlaha muhiimka ah ee la qorsheeyay, jadwalka shaqo, iyo natiijooyinka la filayo, isagoo adkeeyay muhiimada fulinta qorshaha si waafaqsan yoolalka qaranka.<\/p>\n<p>Mudane Cabdullaahi Duqow, oo ka socda Waaxda Kormeerka iyo Qiimeynta, ayaa soo bandhigay warbixin ku saabsan guulihii la gaaray Qiimeynta Qorshaha 9-aad ee Horumarinta Qaranka sannadkii 2024. Waxa uu ka hadlay casharrada laga bartay iyo sida guulahaasi saldhig ugu noqon karaan qorshaha cusub ee 2025.<\/p>\n<p>Intii uu shirku socday, dood furan ayaa lagu falanqeeyay talooyin muhiim ah oo ku saabsan horumarinta qorshaha. Wakiillada hay\u2019adaha dowladda ayaa diiradda saaray arrimaha xoojinta iskaashiga hay\u2019adaha, hagaajinta nidaamyada kormeerka iyo qiimeynta, iyo sidii loo heli lahaa dhaqaale ku filan oo lagu hirgeliyo qorshaha.<\/p>\n<p>Agaasimaha Waaxda Qorsheynta, Mudane Muse Maxamed, ayaa uga mahadceliyay ka qaybgalayaasha dadaalkooda iyo talooyinka wax ku oolka ah ee ay soo bandhigeen. Waxa uu hoosta ka xariiqay sida Wasaaradda uga go\u2019an tahay hirgelinta qorshe wax ku ool ah oo waafaqsan baahiyaha dalka iyo yoolalka qaranka.<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p><img loading=\"lazy\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-528061\" src=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2024\/12\/IMG-20241229-WA0011-300x200.jpg\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"200\" srcset=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2024\/12\/IMG-20241229-WA0011-300x200.jpg 300w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2024\/12\/IMG-20241229-WA0011-1024x683.jpg 1024w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2024\/12\/IMG-20241229-WA0011-768x512.jpg 768w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2024\/12\/IMG-20241229-WA0011-330x220.jpg 330w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2024\/12\/IMG-20241229-WA0011-420x280.jpg 420w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2024\/12\/IMG-20241229-WA0011-615x410.jpg 615w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2024\/12\/IMG-20241229-WA0011-860x573.jpg 860w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2024\/12\/IMG-20241229-WA0011.jpg 1080w\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" \/> <img loading=\"lazy\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-528062\" src=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2024\/12\/IMG-20241229-WA0012-300x200.jpg\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"200\" srcset=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2024\/12\/IMG-20241229-WA0012-300x200.jpg 300w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2024\/12\/IMG-20241229-WA0012-1024x683.jpg 1024w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2024\/12\/IMG-20241229-WA0012-768x512.jpg 768w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2024\/12\/IMG-20241229-WA0012-330x220.jpg 330w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2024\/12\/IMG-20241229-WA0012-420x280.jpg 420w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2024\/12\/IMG-20241229-WA0012-615x410.jpg 615w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2024\/12\/IMG-20241229-WA0012-860x573.jpg 860w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2024\/12\/IMG-20241229-WA0012.jpg 1080w\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" \/> <img loading=\"lazy\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-528063\" src=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2024\/12\/IMG-20241229-WA0010-300x200.jpg\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"200\" srcset=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2024\/12\/IMG-20241229-WA0010-300x200.jpg 300w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2024\/12\/IMG-20241229-WA0010-1024x683.jpg 1024w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2024\/12\/IMG-20241229-WA0010-768x512.jpg 768w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2024\/12\/IMG-20241229-WA0010-330x220.jpg 330w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2024\/12\/IMG-20241229-WA0010-420x280.jpg 420w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2024\/12\/IMG-20241229-WA0010-615x410.jpg 615w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2024\/12\/IMG-20241229-WA0010-860x573.jpg 860w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2024\/12\/IMG-20241229-WA0010.jpg 1080w\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" \/><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Muqdisho(SONNA):-Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha ayaa maanta ku qabatay xarunta dhexe shir wadatashi ah oo lagu diyaarinayo Qorshe Howleedka Sanadlaha ee 2025 ee Hay\u2019adaha Dowladda Federaalka. Shirka waxaa si rasmi ah u furay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Mudane Maxamed Shire, oo carrabka ku adkeeyay muhiimadda qorshahan uu u leeyahay isku-dubbaridka hawlaha hay\u2019adaha dowladda si [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":44,"featured_media":528063,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"content-type":"","footnotes":""},"categories":[94,81],"tags":[],"class_list":{"0":"post-528060","1":"post","2":"type-post","3":"status-publish","4":"format-standard","5":"has-post-thumbnail","7":"category-gudaha","8":"category-wararka"},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/528060","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/44"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=528060"}],"version-history":[{"count":2,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/528060\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":528073,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/528060\/revisions\/528073"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/528063"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=528060"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=528060"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=528060"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}