{"id":527880,"date":"2024-12-27T09:09:45","date_gmt":"2024-12-27T06:09:45","guid":{"rendered":"https:\/\/sonna.so\/so\/?p=527880"},"modified":"2024-12-27T09:09:45","modified_gmt":"2024-12-27T06:09:45","slug":"israel-oo-in-ka-badan-60-ruux-ku-dishay-gaza-iyo-yemen","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/sonna.so\/so\/israel-oo-in-ka-badan-60-ruux-ku-dishay-gaza-iyo-yemen\/","title":{"rendered":"Israel oo in ka badan 60 ruux ku dishay Gaza iyo Yemen"},"content":{"rendered":"<p>Agaasimaha cisbitaalka Kamaal Adwan ee woqooyiga Gaza ayaa sheegay in ilaa 50 qof ay ku dhinteen duqeyn ay Israel\u00a0 ku fulisay dhismo ku dhow cisbitaalkaasi oo ay ku sugnaayeen dad barakacayaal ah.<\/p>\n<p>Dadka la dilay ayaa la sheegay in ay ku jireen shan ka mid ah shaqaalaha caafimaadka,kadib \u00a0weerar cagga cirka ah oo ay Israa&#8217;iil ku qaaday halkaasi sida ay ku warrantay wakaaladda wararka Falastiin ee Wafa.<\/p>\n<p>Dagaalka Israel ka sokoow \u00a0cunuggii afraad oo falastiiniyiin ah ayaa u dhintay qabow ba&#8217;an oo ka jira Gaza 72-kii saac ee la soo dhaafay, iyadoo boqolaal kun oo qof oo ku barakacay dagaalka Israa&#8217;iil ay u halgamayaan inay kullaalaan\u00a0\u00a0 teendhooyin jilicsan, sida ay sheegtay Wafa.<\/p>\n<p>Dhanka kale ugu yaraan lix qof ayaa lagu dilay duqeymihii ugu dambeeyay ee Israa&#8217;iil ay ka geysatay Yemen,sida uu xaqiijiyay Madaxa Hay&#8217;adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Caafimaadka Adduunka (WHO) oo ku sugnaa Magaalada Sanca.<\/p>\n<p>Tirada dhimashada Gaza ayaa ma gaartay 45,399 ,halka dhaawaca lagu sheegay 107,940 tan iyo Oktoobar 7, 2023.<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Agaasimaha cisbitaalka Kamaal Adwan ee woqooyiga Gaza ayaa sheegay in ilaa 50 qof ay ku dhinteen duqeyn ay Israel\u00a0 ku fulisay dhismo ku dhow cisbitaalkaasi oo ay ku sugnaayeen dad barakacayaal ah. Dadka la dilay ayaa la sheegay in ay ku jireen shan ka mid ah shaqaalaha caafimaadka,kadib \u00a0weerar cagga cirka ah oo ay Israa&#8217;iil [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":46,"featured_media":527882,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"content-type":"","footnotes":""},"categories":[83],"tags":[],"class_list":{"0":"post-527880","1":"post","2":"type-post","3":"status-publish","4":"format-standard","5":"has-post-thumbnail","7":"category-caalamka"},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/527880","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/46"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=527880"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/527880\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":527881,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/527880\/revisions\/527881"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/527882"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=527880"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=527880"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=527880"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}