{"id":527496,"date":"2024-12-21T12:05:20","date_gmt":"2024-12-21T09:05:20","guid":{"rendered":"https:\/\/sonna.so\/so\/?p=527496"},"modified":"2024-12-21T12:05:20","modified_gmt":"2024-12-21T09:05:20","slug":"xuutiyiinta-oo-gantaal-la-beegsaday-tel-aviv-iyo-xasuuqa-israel-oo-weli-ka-socda-gaza","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/sonna.so\/so\/xuutiyiinta-oo-gantaal-la-beegsaday-tel-aviv-iyo-xasuuqa-israel-oo-weli-ka-socda-gaza\/","title":{"rendered":"Xuutiyiinta oo gantaal la beegsaday Tel Aviv iyo xasuuqa Israel oo weli ka socda Gaza"},"content":{"rendered":"<p>Milatariga Israel ayaa sheegay in gantaal laga soo tuuray Yemen uu ku dhacay aagga Tel Aviv ka dib markii nidaamyada difaaca cirka ay awoodi waayeen inay ka hortagaan gantaalkaasi.<\/p>\n<p>Weerarkaasi gantaal oo la sheegay in uu aargoosi u yahay duqeymo dhowaan lala beegsaday goobo muhiim ah oo ku yiillay Yemen ayaa lagu waramay in uu geystay dhaawac soo gaaray 16 ruux,isla,sida ay ku warameen saraakiisha Israel.<\/p>\n<p>Dhanka kale dhakhaatiirta caafimaadka ee Gaza ayaa sheegay in weerarrada cirka Israa&#8217;iil ee dhacay shalay oo Jimco ah \u00a0lagu dilay yaraan 25 falastiiniyiin ,halka 24 kii sac ee u dambeeyay tirade dhimashada dadkaasi ka dhigeysa 77 qof sida ay \u00a0xaqiijiyeen Wasaaradda Caafimaadka ee Gaza.<\/p>\n<p>Hey\u2019adda UNICEF ayaa sheegtay in 96 boqolkiiba haweenka iyo carruurta ku nool deegaanada Gaza ay la ildaran yihiin xanuunno,dhaawacyo iyo qabow,isla markaana aysan awoodin in ay daboolaan\u00a0 baahiyahooda nololeed.<\/p>\n<p>Ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan xuquuqul insaanka ee dhulka la haysto ee Falastiin ayaa wax laga xishoodo ku tilmaamay go\u2019aanka Sweden ee ah joojinta dhaqaalihii ay siin jirtay hay\u2019adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga Falastiin ee UNRWA .<\/p>\n<p>Illaa 45,206 falastiiniyiin ah ayaa ku dhintay dagaalka Gaza,halka uu dhaawac ka soo gaaray 107,512 ruux \u00a0tan iyo bishii \u00a0Oktoobar sanadkii tagay.<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Milatariga Israel ayaa sheegay in gantaal laga soo tuuray Yemen uu ku dhacay aagga Tel Aviv ka dib markii nidaamyada difaaca cirka ay awoodi waayeen inay ka hortagaan gantaalkaasi. Weerarkaasi gantaal oo la sheegay in uu aargoosi u yahay duqeymo dhowaan lala beegsaday goobo muhiim ah oo ku yiillay Yemen ayaa lagu waramay in uu [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":46,"featured_media":527498,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"content-type":"","footnotes":""},"categories":[83],"tags":[],"class_list":{"0":"post-527496","1":"post","2":"type-post","3":"status-publish","4":"format-standard","5":"has-post-thumbnail","7":"category-caalamka"},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/527496","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/46"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=527496"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/527496\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":527497,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/527496\/revisions\/527497"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/527498"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=527496"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=527496"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=527496"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}