{"id":527444,"date":"2024-12-20T11:21:24","date_gmt":"2024-12-20T08:21:24","guid":{"rendered":"https:\/\/sonna.so\/so\/?p=527444"},"modified":"2024-12-20T11:21:24","modified_gmt":"2024-12-20T08:21:24","slug":"warbixinta-toddobaadlaha-ee-dowladda-federaalka-soomaaliya-66","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/sonna.so\/so\/warbixinta-toddobaadlaha-ee-dowladda-federaalka-soomaaliya-66\/","title":{"rendered":"Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda\u00a0 Federaalka\u00a0 Soomaaliya"},"content":{"rendered":"<p>Muqdisho.SONNA\u2026.1-Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud Ayaa qaabilay Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Jamhuuriyadda Midowday ee Tanzania, Mudane Mohamud Thabit Kombo iyo Wafdi uu hoggaaminayo oo safar shaqo ku jooga dalka.<\/p>\n<p>2-Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa daah-furay Hindisaha Muqdishada cusub, kaasi oo isugu jira dhismaha garoon diyaaradeed casri ah, dekad caalami ah iyo aagga dhaqaalaha Muqdisho.<\/p>\n<p>3-Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Muqdisho ku qaabilay Ergayga Gaarka ah ee Shiinaha\u00a0 u qaabilsan Geeska Afrika Xue Bing.<\/p>\n<p>4-Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Muqdisho ka dhagax-dhigay mashruuca casriga ah ee Gateway Complex, kaas oo ay maalgelinayaan ganacsato Soomaaliyeed, qeyb weynna ka qaadan doonto horumarinta dhaqaalaha iyo ganacsiga.<\/p>\n<p>5-Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa guddoomiyey Shirka Golaha Amniga Qaranka oo looga hadley xaaladda amniga dalka, dagaalka argagixisada, hawlgalka nabad ilaalinta Soomaaliya ee ATMIS iyo diyaar garowga howlgalka cusub ee AUSSOM.<\/p>\n<p>6-Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Daah-furay, Shirweynaha 15-aad ee Ururka Caalamiga ah ee Daraasaadka Soomaaliyeed, kaas oo Muqdisho lagu qabtay muddo 35 sanno ah kaddib.<\/p>\n<p>7-Ra\u2019iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo ka qeybgaley munaasabad uu xilka kula wareegayey Guddoomiyaha cusub ahna Duqa Magaalada Muqdisho Maxamed Axmed Amiir.<\/p>\n<p>8-Ra\u2019iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa furay Shirweyanaha Iskaashiga Dowladda, Ganacsatada iyo Bulshada ee Qorshaha Ka Hortagga iyo la Dagaallanka Maalgelinta Argagixisada.<\/p>\n<p>9-Ra\u2019iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre iyo Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur ayaa magaalada Baydhabo uga qeyb galaya munaasabadda lix sanno guurada ka soo wareegtay muddada xil-haynta Madaxweynaha Dowlad Gobolleedka Koofur Galbeed, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen).<\/p>\n<p>10-Ra\u2019iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo guddoomiyay shir heerkiisu sareeyo oo looha hadley istaraatiijiyadda warbaahinta qaranka.<\/p>\n<p>11-\u00a0 Ra\u2019iisul Wasaare Ku-Xigeenka\u00a0 Saalax Axmed Jaamac oo kormeer ku tagay xarunta Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa bogaadiyay guulaha diblomaasiyadeed ee Soomaaliya ka gaartay ee saaxadda caalamka.<\/p>\n<p>12-Ra\u2019iisul Wasaare ku Xigeenka Saalax Axmed Jaamac oo kormeer shaqo ku tagey Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyadda ayaa u\u00a0 kuur-galay habsami u socodka shaqada ay Wasaaraddu u hayso bulshada.<\/p>\n<p>13-Ra\u2019iisul Wasaare Ku Xigeenka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa ka qeyb galay munaasabad lagu soo bandhigayey warbixin ka hadlaysay heerarka saboolnimada, taas oo ay iska kaashadeen Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada iyo Hey\u2019adda Istaatiistikada Qaranka.<\/p>\n<p>14-Ra\u2019iisul Wasaare Ku-Xigeenka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa ka qeybgaley munaasabad ay Soomaaliya iyo Tanzania ku kala saxiixdeen heshiisyo iskaashi iyo xoojinta xiriirka labada dal.<\/p>\n<p>15-Wasiirka Arrimaha Dibedda Mudane Axmed Macallin Fiqi ayaa casho sharaf ugu sameeyay magaalada Muqdisho wafdiga ballaaran ee uu horkacayao Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Tanzania Mudane Maxamuud Thaabit Kombo.<\/p>\n<p>16-Golaha Wasiirrada ayaa yeeshay kulan gaar ah oo\u00a0 lagu soo bandhigay qaar kamid ah qodobbada Dastuurka ee dib-u-eegista lagu sameynayo iyo kuwii horey loogu sameeyey.<\/p>\n<p>17-Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe\u00a0 ayaa\u00a0 warxibinno\u00a0 ka dhageystay\u00a0 Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha.<\/p>\n<p>18-Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa kulan la qaatay Guddiga La-socodka Dib-u-eegista Dastuurka BJFS iyo Guddoomiyaha Guddiga Madaxabannaan ee Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka.<\/p>\n<p>19-Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa baaq nabadeed u dirtay\u00a0 beelaha walaalaha ah ee colaadda ku dhexmartay\u00a0 Magaalada Ceerigaabo ee Gobolka Sanaag.<\/p>\n<p>20-Wasaaradda Waxbarashada\u00a0 ayaa\u00a0 Magaalada Muqdisho ka daah furtay barnaamijka\u00a0 dib-u-eegis loogu sameynayo Qorshaha Horumarinta Waxbarashada\u00a0 Soomaaliya (2022-2026).<\/p>\n<p>21-Wasiir\u00a0 Ku-Xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Isaaq Maxamuud Mursal ayaa dalka kusoo dhaweeyey ergeyga gaarka ah ee\u00a0 dowladda Shiinaha u qaabilsan Geeska Afrika danjire Xue Bing .<\/p>\n<p>22-Danjiraha\u00a0 Soomaaliya\u00a0 u fadhiya dalka shiinaha Dr. Hodan Cismaan Cabdi ayaa kulan iyo is-xog wareysi la yeeletay ganacstada iyo jaaliyada Soomaliyeed ee ku nool magaalada Yiwu ee dalka Shiinaha.<\/p>\n<p>23-Waqtigii Dowladda Federaalka Soomaaliya u qabatey diiwaan gelinta weriyeyaasha ka hawlgala hay\u2019adaha warbaahinta caalamiga\u00a0 oo maanta ku eg.<\/p>\n<p>24-Wasiirka\u00a0 Beeraha iyo Waraabka\u00a0 Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa furay kulan aqoon is-weydaarsi\u00a0 oo lagu xaqiijinayey baahiyaha iyo awoodda oo ay ka qeybgaleen wasaaradaha heer maamul Goballeed.<\/p>\n<p>25-Wasiirka Qorsheynta\u00a0 Maxamuud Sheekh Faarax\u00a0 Beene Beene ayaa kulan la yeeshay guddoomiyeyaasha cusub ee Kooxda Deeq-Bixiyeyaasha Soomaaliya oo kala matalayay dalalka Britain, Switzerland iyo Sweden.<\/p>\n<p>26-Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka\u00a0\u00a0 Xasan Macallim Maxamuud oo la kulmay jaaliyadda Soomaaliyeed ee\u00a0 dalka Turkiga ayaa\u00a0 ka warbixiyey horumarka laga gaarey dib-u-habeynta cadaaladda, geedi-socodka dhammeystirka dastuurka.<\/p>\n<p>27-Wasiirka Hawlaha Guud Dr. Cilmi Maxamuud Nuur ayaa\u00a0 sagoontin u sameeyay 25 injineer oo daraasad ku soo sameyn doona waddooyinka burbursan ee gobollada dalka.<\/p>\n<p>28-Safiirka Soomaaliya u fadhiya\u00a0 ee dalka Masar ahna wakiilka joogtada ah\u00a0 ee Ururka Jaamacadda Carabta Danjire Cali Cabdi Awaare ayaa kulan la yeeshay Guddoomiyaha Baarlamaanka Carabta Mudane Maxamed Axmed Al-yamaaxi.<\/p>\n<p>29-Bayaan ka soo baxay Hay\u2019adda Nabad Sugidda NISA ayaa lagu sheegay in lagu raad jooga xogta Xasan Cali Maxamed oo loo yaqaano Xasan Afgooye kaas oo Al-Shabaab u qaabilsan dabagalka lacagaha baadda ah iyo xiriirka shirkadaha.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Muqdisho.SONNA\u2026.1-Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud Ayaa qaabilay Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Jamhuuriyadda Midowday ee Tanzania, Mudane Mohamud Thabit Kombo iyo Wafdi uu hoggaaminayo oo safar shaqo ku jooga dalka. 2-Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa daah-furay Hindisaha Muqdishada cusub, kaasi oo isugu jira dhismaha garoon diyaaradeed casri ah, dekad caalami ah iyo aagga dhaqaalaha Muqdisho. 3-Madaxweyne Xasan [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":46,"featured_media":527446,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"content-type":"","footnotes":""},"categories":[94],"tags":[],"class_list":{"0":"post-527444","1":"post","2":"type-post","3":"status-publish","4":"format-standard","5":"has-post-thumbnail","7":"category-gudaha"},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/527444","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/46"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=527444"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/527444\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":527445,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/527444\/revisions\/527445"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/527446"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=527444"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=527444"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=527444"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}