{"id":527313,"date":"2024-12-19T13:11:08","date_gmt":"2024-12-19T10:11:08","guid":{"rendered":"https:\/\/sonna.so\/so\/?p=527313"},"modified":"2024-12-19T13:12:10","modified_gmt":"2024-12-19T10:12:10","slug":"wasiirka-gaadiidka-xfs-oo-ka-hadashay-fursadaha-uu-keeni-doono-garoonka-cusub-ee-muqdisho","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/sonna.so\/so\/wasiirka-gaadiidka-xfs-oo-ka-hadashay-fursadaha-uu-keeni-doono-garoonka-cusub-ee-muqdisho\/","title":{"rendered":"Wasiirka Gaadiidka XFS oo ka hadashay fursadaha uu keeni doono Garoonka Cusub ee Muqdisho"},"content":{"rendered":"<p><strong>Muqdisho, (SONNA): \u2013<\/strong> Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Fardowsa Cusmaan Cigaal, ayaa ka hadashay fursadaha ka dhalan doona mashruuca cusub ee &#8220;Muqdishada Cusub,&#8221; kaas oo lagu daah-furay munaasabad weyn oo ka dhacday caasimadda.<\/p>\n<p>Marwo Fardowsa ayaa sheegtay in dhismaha garoonka cusub ee diyaaradaha uu xal u noqon doono duruufaha duulimaadka ee dalka ka jira, iyada oo tilmaantay muhiimadda uu mashruucani u leeyahay horumarinta isku socodka gudaha iyo kan caalamiga ah.<\/p>\n<p>\u201cAnaga oo ka tirsan Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada, maanta waxa ay noo tahay maalin taariikhi ah. Riyo aan muddo dheer ku riyoonaynay ayaa maanta dhab u noqotay,\u201d ayay tiri wasiirka.<\/p>\n<p>Wasiirka ayaa sidoo kale ka warbixisay horumarka uu sanadihii u dambeeyay sameeyay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, kaas oo haatan u adeegaya 60% duulimaadyada dalka. Waxay sheegtay in kor u kaca adeegyada garoonka uu caddayn u yahay baahida sii kordheysa ee adeegyada duulimaadka.<\/p>\n<p>\u201cSanadihii la soo dhaafay, waxaan aragnay tirada duulimaadyada oo si aad ah u sii kordheysa, waxaana rajeyneynaa in tiradaas ay sii laba-laaban doonto marka la howlgeliyo garoonka cusub ee diyaaradaha Muqdisho,\u201d ayay raacisay wasiirka.<\/p>\n<p>Mashruucan cusub ayaa la filayaa in uu kor u qaado isku xirnaanta Soomaaliya iyo caalamka, isaga oo abuuri doona fursado shaqo, xoojin doona ganacsiga, isla markaana sare u qaadi doona dhaqaalaha guud ee dalka.<\/p>\n<p>Wasiirka ayaa ku adkeysatay in dadaallada Wasaaradda ay diiradda saarayaan sidii loo horumarin lahaa kaabayaasha dhaqaalaha ee muhiimka u ah horumarka dalka.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Muqdisho, (SONNA): \u2013 Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Fardowsa Cusmaan Cigaal, ayaa ka hadashay fursadaha ka dhalan doona mashruuca cusub ee &#8220;Muqdishada Cusub,&#8221; kaas oo lagu daah-furay munaasabad weyn oo ka dhacday caasimadda. Marwo Fardowsa ayaa sheegtay in dhismaha garoonka cusub ee diyaaradaha uu xal u noqon doono duruufaha duulimaadka [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":54,"featured_media":527314,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"content-type":"","footnotes":""},"categories":[94,81],"tags":[],"class_list":{"0":"post-527313","1":"post","2":"type-post","3":"status-publish","4":"format-standard","5":"has-post-thumbnail","7":"category-gudaha","8":"category-wararka"},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/527313","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/54"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=527313"}],"version-history":[{"count":2,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/527313\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":527316,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/527313\/revisions\/527316"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/527314"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=527313"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=527313"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=527313"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}