{"id":526796,"date":"2024-12-13T09:52:01","date_gmt":"2024-12-13T06:52:01","guid":{"rendered":"https:\/\/sonna.so\/so\/?p=526796"},"modified":"2024-12-13T09:52:01","modified_gmt":"2024-12-13T06:52:01","slug":"imaaraatka-carabta-oo-soo-dhoweysay-heshiiskii-turkiga-ee-lagu-soo-afjaray-khilaafkii-soomaaliya-iyo-itoobiya","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/sonna.so\/so\/imaaraatka-carabta-oo-soo-dhoweysay-heshiiskii-turkiga-ee-lagu-soo-afjaray-khilaafkii-soomaaliya-iyo-itoobiya\/","title":{"rendered":"Imaaraatka Carabta oo soo dhoweysay heshiiskii Turkiga ee lagu soo afjaray khilaafkii Soomaaliya iyo Itoobiya"},"content":{"rendered":"<p>Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa warsaxaafadeed ay soo saartay Khamiistii ku soo dhaweysay heshiiskii Turkiga uu dhexdhexaadinayey ee u dhaxeeyay Soomaaliya iyo Itoobiya, kaasoo lagu soo afjarayay khilaafkii u dhaxeeyay labada dal.<\/p>\n<p>\u201cTallaabadan muhiimka ah waxay xoojin doontaa xiriirka labada dal iyo sidii gacan looga geysan lahaa xasilloonida iyo iskaashiga wax-ku-oolka ah ee Geeska Afrika\u201d, ayaa lagu yiri warsaxaafadeedkaan ka soo baxay \u00a0wasaaradda arrimaha dibadda ee Khaliijka .<\/p>\n<p>Bayaankaan \u00a0ayaa lagu caddeeyay sida ay Imaaraadka Carabta uga go\u2019an tahay horumarinta nabadda iyo xasilloonida gobolka, waxaana lagu adkeeyay muhiimadda ay leedahay in khilaafaadka lagu xalliyo qaab nabadeed.<\/p>\n<p>War saxaafadeedka ayaa lagu ammaanay dadaalka Turkiga iyo doorka madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ee ka mira dhalinta heshiiska,iyadoo dhanka kale wada-hadallada ku tilmaamay in ay ka dhigan yihiin tallaabo muhiim ah oo lagu horumarinayo arrimaha gobolka iyo kan caalamka.<\/p>\n<p>Dhowaan ayeey aheyd markii hoggaamiyeyaasha Soomaaliya iyo Itoobiya ay si wadajir ah u soo saareen bayaan ay ugu magacdareen Baaqa Ankara ,iyagoo xaqiijiyay\u00a0\u00a0 ixtiraam iyo sida ay uga go\u2019an tahay midba midka kale in uu ilaaliyo madaxbannaanidiisa, midnimadiisa iyo wadajirka dhuleed, sida laga soo xigtay Agaasinka Isgaarsiinta ee Turkiga<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa warsaxaafadeed ay soo saartay Khamiistii ku soo dhaweysay heshiiskii Turkiga uu dhexdhexaadinayey ee u dhaxeeyay Soomaaliya iyo Itoobiya, kaasoo lagu soo afjarayay khilaafkii u dhaxeeyay labada dal. \u201cTallaabadan muhiimka ah waxay xoojin doontaa xiriirka labada dal iyo sidii gacan looga geysan lahaa xasilloonida iyo iskaashiga wax-ku-oolka ah ee Geeska Afrika\u201d, ayaa [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":46,"featured_media":526798,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"content-type":"","footnotes":""},"categories":[94],"tags":[],"class_list":{"0":"post-526796","1":"post","2":"type-post","3":"status-publish","4":"format-standard","5":"has-post-thumbnail","7":"category-gudaha"},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/526796","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/46"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=526796"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/526796\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":526797,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/526796\/revisions\/526797"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/526798"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=526796"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=526796"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=526796"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}