{"id":526269,"date":"2024-12-06T19:28:04","date_gmt":"2024-12-06T16:28:04","guid":{"rendered":"https:\/\/sonna.so\/so\/?p=526269"},"modified":"2024-12-06T19:28:18","modified_gmt":"2024-12-06T16:28:18","slug":"ciidamada-cirka-soomaaliya-oo-ku-biiray-dagaalka-ka-dhanka-ah-khawaarijta-ee-jubbaland","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/sonna.so\/so\/ciidamada-cirka-soomaaliya-oo-ku-biiray-dagaalka-ka-dhanka-ah-khawaarijta-ee-jubbaland\/","title":{"rendered":"Ciidamada Cirka oo ku biiray dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta ee Jubbaland"},"content":{"rendered":"<p>Raas Kaambooni, (SONNA): Ciidamada Cirka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa ku biiray howlgalada milateri ee ka socda deegaanada Jubbaland, kuwaas oo lagula dagaalamayo Khawaarijta.<\/p>\n<p>Diyaaradaha qumaatiga u kaca ee ciidamada cirka ayaa lagu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha ee Raas Kaambooni, halkaas oo ay ku sugnayeen saraakiil sare, oo uu ka mid yahay Taliyaha Guutada 80-aad ee Kumaandooska Gorgor, Xasan Ciraaqi.<\/p>\n<p>Taliyaha ayaa sheegay in ku biiritaanka ciidamada cirka ay muhiimad weyn u leedahay dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta, isagoo xusay in howlgalada cirka ay si weyn u fududeyn doonaan hawlgallada dhulka ka socda.<\/p>\n<p>Diyaaradaha ayaa hadda ka howlgala Raas Kaambooni, halkaas oo loo diyaariyay saldhig ay ku jiraan adeegyada muhiimka ah sida keydka shidaalka, farsamayaqaanno, iyo qalab kale oo muhiim ah.<\/p>\n<p>Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dhowrkii bilood ee la soo dhaafay ku hawlanayd dib u qalabeynta iyo xoojinta ciidamada qalabka sida, iyada oo soo iibsatay gaadiid dagaal iyo diyaarado si loo xoojiyo dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Raas Kaambooni, (SONNA): Ciidamada Cirka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa ku biiray howlgalada milateri ee ka socda deegaanada Jubbaland, kuwaas oo lagula dagaalamayo Khawaarijta. Diyaaradaha qumaatiga u kaca ee ciidamada cirka ayaa lagu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha ee Raas Kaambooni, halkaas oo ay ku sugnayeen saraakiil sare, oo uu ka mid yahay Taliyaha Guutada 80-aad ee [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":54,"featured_media":526270,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"content-type":"","footnotes":""},"categories":[94,81],"tags":[],"class_list":{"0":"post-526269","1":"post","2":"type-post","3":"status-publish","4":"format-standard","5":"has-post-thumbnail","7":"category-gudaha","8":"category-wararka"},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/526269","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/54"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=526269"}],"version-history":[{"count":2,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/526269\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":526272,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/526269\/revisions\/526272"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/526270"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=526269"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=526269"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=526269"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}