{"id":525309,"date":"2024-11-23T11:07:29","date_gmt":"2024-11-23T08:07:29","guid":{"rendered":"https:\/\/sonna.so\/so\/?p=525309"},"modified":"2024-11-23T11:07:29","modified_gmt":"2024-11-23T08:07:29","slug":"denmarka-oo-17-malyan-ka-cafisay-soomaaliya-warbixin","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/sonna.so\/so\/denmarka-oo-17-malyan-ka-cafisay-soomaaliya-warbixin\/","title":{"rendered":"Denmarka oo $17 Malyan ka cafisay Soomaaliya (WARBIXIN)"},"content":{"rendered":"<p>Hey\u2019adda Lacagta Adduunka IMF iyo Baanka Adduunka ayaa ku dhawaaqay in Soomaaliya laga cafiyay deyn dhan 4.5 bilyan oo doolarka Mareykanka ah, waxaana isa soo taraya boogaadinta saaxiibada caalamka ay u dirayaan dowlada iyo shacabka Soomaaliyeed oo gaaray guul taariiqi ah, waxaa kaloo jirta in Kristalina Georgieva oo ah Madaxa IMF ay Soomaaliya ugu hambalyeeysay guushan.<\/p>\n<p>Kristalina waxay kaloo tilmaantay in IMF ay sii wadeyso xoojinta wada shaqeynta iyo xiriirka ay Soomaaliya la leedahay, waxaa kaloo isna soo hambalyeeyay Xoghayaha guud ee Urur Goboleedka IGAD Workneh Gebeyehu oo isna ammaanay dadaalka dheeriga ah ee dowladda Soomaaliya ay ku bixineyso dib u habeynta dhaqaalaha iyo arimaha bulshada, waxaa kaloo uu bogaadiyay doorka hogaamineed ee gaarka ah ee horseeday isbedallo muhiim ah, iyadoo dhinaca\u00a0Midowga Yurub-na ay iyaguna sheegeen in ay ka go\u2019an tahay taageerida Soomaaliya guushaan weyn ka dib, iyaga oo sare u qaadaya isbedalka dhaqaalaha.<\/p>\n<p>Mareykanka oo laalay $1.1bn oo deyn ah oo Soomaaliya lagu leeyahay oo ah heshiis maaliyadeed oo taariikhi ah, taasi oo aheyd Ballan-qaadka deyn-bixiyaha ugu weyn ayaa ah kii ugu dambeeyay heshiisyo taxane ah oo lagu cafiyay deyn dhan $4.5bn.<\/p>\n<p>Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday in inka badan $1.1bn (\u00a3860m) oo deymo ah oo baaqi ahaa uu Mareykanku baabi&#8217;in doono, taasoo ka dhigan qiyaastii rubuc ka mid ah deynta harsan ee dalka Soomaaliya lagu lahaa, sida uu qoray Wargeyska the Guardian ee Dalka Ingiriiska.<\/p>\n<p>Ku dhawaaqista ayaa ah heshiisyadii ugu dambeeyay ee ay Soomaaliya deymaha lagu leeyahay ay ku balameen in ay ka cafiyaan. Inta badan deymaha Soomaaliya lagu leeyahay waxa ay aheyd xilligii kaligii Taliskii Millatari ee Siyaad Barre, kaasi oo burburay dabayaaqadii 1990-aadkii oo dhaliyay dagaal sokeeye oo burburiyay Seddex iyo Toban sano. Madaxweynaha Soomaaliya, mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay in dalka \u201cuu ku caburoobay culeys weyn oo deyn ah oo aan la aqbali karin\u201d taasoo ah lacago dulsaar ah oo aan la bixin karin \u201cintii lagu jiray muddada dheer ee burburka dowladeed\u201d.<\/p>\n<p>Dhawaantaan, Mareykanka iyo Soomaaliya ayaa kala saxiixday heshiis rasmi ah oo deyn cafinta oo ku kacaya $1.14bn.\u00a0Qoraal uu soo dhigay Bartiisa X, Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya, Biixi Cige, ayaa mahad-celin u jeediyay, isagoo uga mahad-celiyay &#8220;Dowladda Mareykanka iyo shacabka sida hagar la&#8217;aanta ah ee ay u garab taagan yihiin dib u habeynta dhaqaalaha iyo kobacayada ka socda Soomaaliya&#8221;. Safiirka Maraykanka u fadhiya Soomaaliya, Richard Riley, iyo Wasiirka Maaliyadda ee Soomaaliya, mudane Biixi Cige, ayaa ku kala saxiixday heshiiska, kaasi oo ka dhacay Safaaradda Mareykanka, ee magaalada Muqdisho\u00a0Maxamed Shire, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Soomaaliya, ayaa bogaadiyay heshiiska \u201ctaariikhiga ah\u201d, isaga oo intaa ku daray in uu \u201cwar aad u wanaagsan u yahay dadaalka dib u soo kabashada Soomaaliya ee socda\u201d.\u00a0Qoraal uu soo dhigay Bartiisa Tweeter-ka ee X, Maxamed Dubo, oo ah Madaxa Xafiiska dhiirrigelinta maalgashiga ee dowladda Soomaaliya, ayaa soo dhigay: \u201cSoomaaliya hadda waxa ay wajihi kartaa mustaqbalkeeda, iyada oo aan loo kala harin\u201d.<\/p>\n<p>Dhinaca kale Dowladaha Soomaaliya iyo Denmarka ayaa kala saxiixsday heshiis deynta looga cafinayay Soomaaliya\u00a0<span style=\"font-size: 12.0pt; font-family: 'Verdana','sans-serif'; color: #282828; font-weight: normal;\">sida ay qortay Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee SONNA, iyadoo laga cafiyay lacag gaareysa 17 Milyan oo Doolar, iyadoo <span style=\"background: #F4F4F4;\">heshiiskaani uu daba socdo wada-xaajoodyo gaar gaar ah oo Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya uu la lahaa dhammaan xubnaha dalalka Paris Club oo horay u go\u2019aamiyay Bishii Maarso 2024-ka, in ay cafiyeen deymihii Soomaaliya ay ku lahaayeen, go\u2019aankaasi oo sidoo kale waajibinayay in Dowladda Soomaaliya ay si gaar ah ula macaamisho dalalka deymaha ku lahaa.<\/span><\/span><\/p>\n<h1 style=\"background: #F4F4F4; vertical-align: baseline; margin: 0in 0in 11.5pt 0in;\"><span style=\"font-size: 12.0pt; font-family: 'Verdana','sans-serif'; color: #282828; background: #F4F4F4; font-weight: normal;\">Wasiirka Maaliyadda Xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige iyo Safiirka Dowladda Denmark u jooga Soomaaliya Mr. Steen Sonne Andersen ayaa si wadajir ah ugu saxiixay magaalada Muqdisho heshiis Dowaldda Soomaaliya looga cafinayo lacagihii deynta ahaa ee Dowaldda Denmark ay ku laheyd Dowladda Soomaaliya.<\/span><\/h1>\n<h1 style=\"background: #F4F4F4; vertical-align: baseline; margin: 0in 0in 11.5pt 0in;\"><span style=\"font-size: 12.0pt; font-family: 'Verdana','sans-serif'; color: #282828; background: #F4F4F4; font-weight: normal;\">Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda XFS Mudane Biixi Imaan Cige ayaa qoraal kooban oo uu soo saaray heshiiska kadib wuxuu ku yiri \u201cWaxaa dhaboobay miraha ka dhashay barnaamijka dib-u-habeynta Maaliyadda iyo guulihii laga gaaray hannaankii deyn cafinta, waxa aan u mahadcelineynaa Dowladda Denmark oo ah saaxiib qiimo leh oo qeyb ka ah horumarka maaliyadeed ee Soomaaliya\u201d.<\/span><\/h1>\n<h1 style=\"background: #F4F4F4; vertical-align: baseline; margin: 0in 0in 11.5pt 0in;\"><strong><span style=\"font-size: 12pt; font-family: Verdana, 'sans-serif'; color: #282828; background: #f4f4f4;\">By. C\/lahi Ruush<\/span><\/strong><\/h1>\n<h1 style=\"background: #F4F4F4; vertical-align: baseline; margin: 0in 0in 11.5pt 0in;\"><span style=\"font-size: 12.0pt; font-family: 'Verdana','sans-serif'; color: #282828; font-weight: normal;\">\u00a0<\/span><\/h1>\n<pre style=\"line-height: 20.75pt; background: #F8F9FA;\"><span style=\"font-size: 12.0pt; font-family: 'Verdana','sans-serif'; color: #1f1f1f;\">\u00a0<\/span><\/pre>\n<pre style=\"line-height: 20.75pt; background: #F8F9FA;\"><span style=\"font-size: 12.0pt; font-family: 'Verdana','sans-serif'; color: #1f1f1f;\">\u00a0<\/span><\/pre>\n<pre style=\"line-height: 20.75pt; background: #F8F9FA;\"><\/pre>\n<h1><\/h1>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Hey\u2019adda Lacagta Adduunka IMF iyo Baanka Adduunka ayaa ku dhawaaqay in Soomaaliya laga cafiyay deyn dhan 4.5 bilyan oo doolarka Mareykanka ah, waxaana isa soo taraya boogaadinta saaxiibada caalamka ay u dirayaan dowlada iyo shacabka Soomaaliyeed oo gaaray guul taariiqi ah, waxaa kaloo jirta in Kristalina Georgieva oo ah Madaxa IMF ay Soomaaliya ugu hambalyeeysay [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":50,"featured_media":525306,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"content-type":"","footnotes":""},"categories":[94,82],"tags":[],"class_list":{"0":"post-525309","1":"post","2":"type-post","3":"status-publish","4":"format-standard","5":"has-post-thumbnail","7":"category-gudaha","8":"category-maqaallada"},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/525309","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/50"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=525309"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/525309\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":525310,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/525309\/revisions\/525310"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/525306"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=525309"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=525309"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=525309"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}