{"id":525155,"date":"2024-11-21T12:05:39","date_gmt":"2024-11-21T09:05:39","guid":{"rendered":"https:\/\/sonna.so\/so\/?p=525155"},"modified":"2024-11-21T12:05:39","modified_gmt":"2024-11-21T09:05:39","slug":"madaxweynaha-jfs-oo-hambalyo-u-diray-macalimiinta-soomaaliyeed","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/sonna.so\/so\/madaxweynaha-jfs-oo-hambalyo-u-diray-macalimiinta-soomaaliyeed\/","title":{"rendered":"Madaxweynaha JFS oo hambalyo u diray Macalimiinta Soomaaliyeed"},"content":{"rendered":"<p>Muqdisho, (SONNA): \u2013 Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta dhammaan macalimiinta Soomaaliyeed uga hambalyeeyay xuska Maalinta Macalinka ee 21ka Nofeembar.<\/p>\n<p>Mudane Xasan Sheekh ayaa macalimiinta ku bogaadiyay kaalinta muhiimka ah ay ku leeyihiin horumarinta aqoonta, xirfadaha, iyo akhlaaqda bulshada Soomaaliyeed.<\/p>\n<p>Wuxuu sidoo kale sheegay in macalinku yahay tiir-dhexaadka bulshada, isagoo carabka ku adkeeyay muhiimadda ay shaqadiisu leedahay.<\/p>\n<p>\u201cMacallinka waxa uu qaabeeyaa bulshada sida ay u ekaaneyso mustaqbalka fog, halka askarigu uu maanta Soomaaliya ka siibayo qodxaha ku taagan, waana labada shaqo ee ugu muhiimsan dalka\u201d ayuu yiri Madaxweynaha.<\/p>\n<p>Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa tilmaamay inay muhiim tahay in la xoojiyo taageerada macalimiinta, isagoo xusay in Dowladda Federaalka ay qorsheysay qorista 10,000 oo macallimiin ah, xilligaana la howlgeliyay 6 kun oo ka mid ah.<\/p>\n<p>Wuxuuna intaa raaciyay in tiradan ay weli ka yartahay baahida bulshada, balse ay tahay bilow wanaagsan oo lagu horumarinayo tayada waxbarashada dalka.<\/p>\n<p>Madaxweynaha ayaa ugu baaqay dhammaan bulshada Soomaaliyeed inay qadariyaan kaalinta muhiimka ah ee macalimiinta, maadaama ay yihiin kuwa hagaya jiilka cusub iyo mustaqbalka dalka.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Muqdisho, (SONNA): \u2013 Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta dhammaan macalimiinta Soomaaliyeed uga hambalyeeyay xuska Maalinta Macalinka ee 21ka Nofeembar. Mudane Xasan Sheekh ayaa macalimiinta ku bogaadiyay kaalinta muhiimka ah ay ku leeyihiin horumarinta aqoonta, xirfadaha, iyo akhlaaqda bulshada Soomaaliyeed. Wuxuu sidoo kale sheegay in macalinku yahay tiir-dhexaadka bulshada, isagoo carabka [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":54,"featured_media":525156,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"content-type":"","footnotes":""},"categories":[94,81],"tags":[],"class_list":{"0":"post-525155","1":"post","2":"type-post","3":"status-publish","4":"format-standard","5":"has-post-thumbnail","7":"category-gudaha","8":"category-wararka"},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/525155","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/54"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=525155"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/525155\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":525157,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/525155\/revisions\/525157"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/525156"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=525155"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=525155"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=525155"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}