{"id":525145,"date":"2024-11-21T09:04:11","date_gmt":"2024-11-21T06:04:11","guid":{"rendered":"https:\/\/sonna.so\/so\/?p=525145"},"modified":"2024-11-21T09:04:11","modified_gmt":"2024-11-21T06:04:11","slug":"maansada-waa-bare-dhanbaalkii-muunaynta-maalinka-macallinka-soomaaliyeed","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/sonna.so\/so\/maansada-waa-bare-dhanbaalkii-muunaynta-maalinka-macallinka-soomaaliyeed\/","title":{"rendered":"MAANSADA &#8220;WAA BARE DHANBAALKII&#8221; &#038; MUUNAYNTA MAALINKA MACALLINKA SOOMAALIYEED"},"content":{"rendered":"<p>Maansadani, waxa ay soo baxday 19\\2\\2015-kii, waxa ayna diiradda saaraysaa kaalinta Barahu ku leeyahay bulshada dhexdeeda, macalinku waa buddhiga horseedka, marna waa halbowlaha haba xidida jiritaanka, tallaala geedka horumarka bulsho.<br \/>\nShaki kuma jiro; inuu macalinku diyaariyo hormudka dadweynaha. Muddo 10 gu\u2019 ah ayaan ku dhexjirey xarumaha waxbarashada iyo goobaha ka shaqeeya xirfadda tacliinta.<\/p>\n<p>Maansadan kooban waxa aan kaga hadlay miraha macalinka si guud, gaar ahaan ka soomaaliyeed. Bulsho kasta oo gaarta tanaad iyo tisqaad nololeed ogow \u201cwaa bulsho tixgelisa baraha\u201d. Dhanka kale, bulsho kasta oo hoos uga dhacda dhabbaha guusha kuna hoos noqota burburkeeda ogow \u201cwaa bulsho bahdisha baraha\u201d.<\/p>\n<p>Dhaqanside abwaankow<br \/>\nAbabshihii dhallaankow<br \/>\nIndhoweyd dhankeedii<br \/>\nDhigaalkaygi maansada<br \/>\nDhaad baan ku xirayo<br \/>\nMa dhanbalin halkeedii<br \/>\nMana dhimin shenkeedee<br \/>\nMana dhumin tixdaydii<br \/>\nDhoon baan ku shubayo<br \/>\nDhitadii ku keydshee<br \/>\nWuxu gogol dhiggiiyahay<br \/>\nDhallintii dalkaygaay<br \/>\nDheeha aan ka qaadee<br \/>\nBare iyo dhanbaalkii.<\/p>\n<p>Cilmigaan dhadhaminiyo<br \/>\nDheefsiga aqoontiyo<br \/>\nDheregtiyo barwaaqada<br \/>\nDhaaxa waa sugeynee<br \/>\nDharaartan iftiintiyo<br \/>\nDhoolkaa inoo da\u2019ay<br \/>\nWaa bare dhanbaalkii.<\/p>\n<p>Dedaal kaan dhudhumine<br \/>\nDhumucdiisa gaarnee<br \/>\nDhan kastaba hanoqotee<br \/>\nNoo dhalatay guushu e<br \/>\nWaxa dhaliyey hadafkaa<br \/>\nDhabarkooda nagu sidey<br \/>\nDhallaankooda naga dhigay<br \/>\nWaa bare dhanbaalkii.<\/p>\n<p>Xafladdan dhalaashee<br \/>\nSida dheemnan iyo luul<br \/>\nDhaayuhu ku darareen<br \/>\nLagu dhaafay hadimada<br \/>\nWaxaa soo dhakooloo<br \/>\nDhidibbada u taagoo<br \/>\nDhaliishana u diidoo<br \/>\nDhaqso soo abaabuley<br \/>\nWaa bare dhan baalkii.<\/p>\n<p>Dhalliney hubaashiin<br \/>\nDhalliney ogaalkiin<br \/>\nDhalliney aqoontiin<br \/>\nDhalliney garaadkiin<br \/>\nDhalliney hal-beeggiin<br \/>\nDhalliney socdaalkiin<br \/>\nDhalliney siday tahay<br \/>\nDhalliney wax lays baro<br \/>\nDhalliney wax lays faro<br \/>\nDhalliney wax loo kaco<br \/>\nDhabta aan ka hadalnee<br \/>\nDhalliney warkaa maqal<br \/>\nWaa bare dhanbaalkii.<\/p>\n<p>Dhaqankiyo hiddaha iyo<br \/>\nDheehashada tacliintiyo<br \/>\nDhanbaal kaad direysaan<br \/>\nAdanuhu dhammaantii<br \/>\nDersi ay ka dheegtaan<br \/>\nDhaqan kana ka yeeshaan<br \/>\nDhabta aan ka hadalnee<br \/>\nDhalliney warkaa maqal<br \/>\nWaa bare dhanbaalkii.<\/p>\n<p>Duqaydiyo dhallaankiyo<br \/>\nGololada dhaclaha xiran<br \/>\nInta dhaqanka jecel iyo<br \/>\nInta dhiigga noo shubay<br \/>\nDheddigiyo laboodka le<br \/>\nDhulkeeney u gaartahay<br \/>\nDhaqan baan u leenahay<br \/>\nWaa dhaxal awoowee<br \/>\nDhabta aan ka hadalnee<br \/>\nDhalliney warkaa maqal<br \/>\nWaa bare dhanbaalkii.<br \/>\nDhakhaatiirta qarankiyo<br \/>\nOdayada sancada dhiga<br \/>\nDhurka jiilka noo baray<br \/>\nDhulka noo ilwaad furay<br \/>\nNoo dhiibey oog kacay<br \/>\nNaga dhiciyey cadowgana<br \/>\nDhabta aan ka hadalnee<br \/>\nDhalliney warkaa maqal<br \/>\nWaa bare dhanbaalkii.<\/p>\n<p>Dhulka baaristiisiyo<br \/>\nDhakhso loo ogaadiyo<br \/>\nDheemanta iyo luulkiyo<br \/>\nDhuumaha shidaalkiyo<br \/>\nDhagaxaanta dahabkiyo<br \/>\nBiyihiiba laga dhuro<br \/>\nWaxa dhaliyey guushaa<br \/>\nDhabta aan ka hadalnee<br \/>\nWaa bare dhanbaalkii.<\/p>\n<p>Aaladaha is dhaafiyo<br \/>\nHawadaa dhex qaadee<br \/>\nSatalaydku dhiibee<br \/>\nDhegta qayb la saaree<br \/>\nDiyaaradaha dhoofkee<br \/>\nDhakhsanaaya socodkee<br \/>\nArladaba dhammaanteed<br \/>\nSoowada dhanbaliyee<br \/>\nGaadiid dhammaantii<br \/>\nBadda qaar dhexqaade<br \/>\nBuuraha dhulkaa mara<br \/>\nWaxa dhaliyey guushaa<br \/>\nCilmi dhurashadiisiyo<br \/>\nWaa bare dhan baalkii.<\/p>\n<p>Dad caqliga dhitaystoo<br \/>\nGarashadoodu dheertahay<br \/>\nDhankii aad ka eegtoba<br \/>\nDhaqankiyo asluubtana<br \/>\nDhaawaca ka jirayoo<br \/>\nDhowraaya diintana<br \/>\nDhammaantood rag iyo dumar<br \/>\nWaxaa laga dhex helayaa<br \/>\nDhabta aan ka hadalnee<br \/>\nWaa bare dhan baalkii.<\/p>\n<p>Kuwa geela noo dhaqa<br \/>\nKuwa gidirka dhiinkiyo<br \/>\nDhaameelka ugubkiyo<br \/>\nDhulka noogu soofshee<br \/>\nDhitadana guryaha dhiga<br \/>\nGeedka dhowrta geeyee<br \/>\nOo dhakaalka noo sida<br \/>\nOo dhaarta noo maray<br \/>\nCadowguna ka dhuuntee<br \/>\nDhulka aan xaraashayn<br \/>\nWeligoog dhudhuminayn<br \/>\nDhabta aan ka hadalnee<br \/>\nDhalliney warkaa maqal<br \/>\nWaa bare dhanbaalkii.<\/p>\n<p>Kuwa dhuuxa noo shubay<br \/>\nKuwa dhaanka noo raray<br \/>\nKuwa dhaxanta naga raray<br \/>\nKuwa codowga naga dhigay<br \/>\nKuwa dhimirka noo furay<br \/>\nKuwa dheefta noo sida<br \/>\nDhiilahana noo talay<br \/>\nDhulka siir ku beeree<br \/>\nDhuguc iyo bisalkana<br \/>\nDhoomaha ka buuxshee<br \/>\nDhabta aan ka hadalnee<br \/>\nDhalliney warkaa maqal<br \/>\nWaa bare dhanbaalkii.<\/p>\n<p>Dhaadasha Qur\u2019aaankiyo<br \/>\nDheegasha axkaamtiyo<br \/>\nTowxiid ku dhaqankiyo<br \/>\nLagu dhigo ardiyo geed<br \/>\nDhowr godlna loo qoro<br \/>\nAma labo dharaarood<br \/>\nDubaaqooda lagu dhigo<br \/>\nLacanqariyo dhimirkood<br \/>\nKa dhaadhicnta Nebigana<br \/>\nDhaladkiisa sooyaal<br \/>\nDhigaal loogu sama falo<br \/>\nKu sar go\u2019an dhab iyo xeel<br \/>\nDhacdo loogu sheegiyo<br \/>\nDhaxal ay u haystaan<br \/>\nNinna uusan dhiilliyo<br \/>\nDhofoorkiisa taagayn<br \/>\nSidii inu dhukaan yahay<br \/>\nAma uu dhabcaal iyo<br \/>\nDhoohane inuu yahay<br \/>\nDhabta aan ka hadalnee<br \/>\nDhalliney warkaa maqal<br \/>\nWaa bare dhanbaalkii.<\/p>\n<p>Dhudhunkii nin garabsada<br \/>\nDhaqankii ku weynyahay<br \/>\nMarna aan ka dhoofayn<br \/>\nDhoobaduu ku noolyahay<br \/>\nDhul shisheeye aadayn<br \/>\nDhoof-qaran ka doonayn<br \/>\nSaxaraha ku dhimanayn<br \/>\nDhimrkiisa magansada<br \/>\nHoggaamiye dhulkii jira<br \/>\nKa ilaasha dheelliga<br \/>\nMaatadiisa dhicinkara<br \/>\nDuqaydiisa dhacnsada<br \/>\nMarka cadow u soo dhaco<br \/>\nUga dhiga mus iyo teed<br \/>\nIsagoo dhifdhiif qaba<br \/>\nDhaqaaleeya duunyada<br \/>\nDheefsada markuu rabo<br \/>\nWaxa ka dhiiba goortaa<br \/>\nDhabta aan ka hadalnee<br \/>\nDhalliney warkaa maqal<br \/>\nWaa bare dhanbaalkii.<\/p>\n<p>Anna soo dhameeyoo<br \/>\nDhisay oo hagaajoo<br \/>\nDhidibbada u aasee<br \/>\nKa ilaashey dheelliga<br \/>\nIdinkuna dhammantiin<br \/>\nDhegihiina geliyoo<br \/>\nBarashada ku dhaatoo<br \/>\nUbadkaa dhashaaniin<br \/>\nJahlinimo ka dhowroo<br \/>\nDhammaan tiin ka dhiidhiya<br \/>\nOo waxad dhex maaxdaan<br \/>\nWaa bare dhanbaakii.<\/p>\n<p><em>&#8211; Macallin,Maxamuud cali Aadan Hoorri\u2014cilmibaare ka tirsan Akademiyada Cilmiga, Dhaqanka iyo Suugaanta Soomaaliyeed &amp; bare ka tirsan macallimiinta Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed\u2013Muqdisho.<\/em><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Maansadani, waxa ay soo baxday 19\\2\\2015-kii, waxa ayna diiradda saaraysaa kaalinta Barahu ku leeyahay bulshada dhexdeeda, macalinku waa buddhiga horseedka, marna waa halbowlaha haba xidida jiritaanka, tallaala geedka horumarka bulsho. Shaki kuma jiro; inuu macalinku diyaariyo hormudka dadweynaha. Muddo 10 gu\u2019 ah ayaan ku dhexjirey xarumaha waxbarashada iyo goobaha ka shaqeeya xirfadda tacliinta. Maansadan kooban [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":54,"featured_media":525146,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"content-type":"","footnotes":""},"categories":[82],"tags":[],"class_list":{"0":"post-525145","1":"post","2":"type-post","3":"status-publish","4":"format-standard","5":"has-post-thumbnail","7":"category-maqaallada"},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/525145","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/54"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=525145"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/525145\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":525147,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/525145\/revisions\/525147"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/525146"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=525145"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=525145"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=525145"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}