{"id":525118,"date":"2024-11-20T13:53:56","date_gmt":"2024-11-20T10:53:56","guid":{"rendered":"https:\/\/sonna.so\/so\/?p=525118"},"modified":"2024-11-20T13:55:13","modified_gmt":"2024-11-20T10:55:13","slug":"safiirka-danmark-oo-raali-galin-ka-bixiyay-hadal-uu-ugu-gafay-wadajir-dhuleed-ee-jfs","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/sonna.so\/so\/safiirka-danmark-oo-raali-galin-ka-bixiyay-hadal-uu-ugu-gafay-wadajir-dhuleed-ee-jfs\/","title":{"rendered":"Safiirka Danmark oo raali galin ka bixiyay hadal uu ugu gafay Wadajir dhuleed ee JFS\u00a0"},"content":{"rendered":"<p>Muqdisho(SONNA):-Danjiraha Dowladda Denmark u fadhiya Soomaaliya Steen Sonne Andersen ayaa raali galin iyo cudur daar ka bixiyay hadal uu ugu gafay Madax-banaanida iyo Wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Soomaaliya.<\/p>\n<p>Safiirka ayaa la kulmay Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Mudane Axmed Macalin Fiqi, isagoo ka jawaabay, una hoggaamsamay u yeeristii Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya.<\/p>\n<p>\u201cDenmark waxay ixtiraamaysaa midnimada dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo ay ku jirto Somaliland,\u201d ayuu ku yiri qoraal uu ku baahiyey bartiisa X Danjire Steen Sonne Andersen.<\/p>\n<p>\u201cDenmark iyo Soomaaliya waa labo dal oo uu ka dhexeeyo xiriir wanaagsan, kana wada shaqeeya arrimo badan oo ay ku jiraan dhismaha dowladnimada, isbedelka cimillada iyo nabadda iyo amniga,\u201d ayuu hadalkiisa sii raaciyay safiiirka.<\/p>\n<p>Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa horay digniin ugu dirtay diblomaasiyiinta qaar, iyadoo uga digtay inay ku xadgudbaan madax-banaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Muqdisho(SONNA):-Danjiraha Dowladda Denmark u fadhiya Soomaaliya Steen Sonne Andersen ayaa raali galin iyo cudur daar ka bixiyay hadal uu ugu gafay Madax-banaanida iyo Wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Soomaaliya. Safiirka ayaa la kulmay Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Mudane Axmed Macalin Fiqi, isagoo ka jawaabay, una hoggaamsamay u yeeristii Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya. \u201cDenmark waxay ixtiraamaysaa midnimada [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":43,"featured_media":525119,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"content-type":"","footnotes":""},"categories":[94,81],"tags":[],"class_list":{"0":"post-525118","1":"post","2":"type-post","3":"status-publish","4":"format-standard","5":"has-post-thumbnail","7":"category-gudaha","8":"category-wararka"},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/525118","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/43"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=525118"}],"version-history":[{"count":2,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/525118\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":525121,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/525118\/revisions\/525121"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/525119"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=525118"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=525118"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=525118"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}