{"id":525100,"date":"2024-11-20T10:55:32","date_gmt":"2024-11-20T07:55:32","guid":{"rendered":"https:\/\/sonna.so\/so\/?p=525100"},"modified":"2024-11-20T10:55:32","modified_gmt":"2024-11-20T07:55:32","slug":"xogsoomaaliya-oo-ka-mid-noqon-karta-10-ka-dal-ee-ugu-keydka-shidaalka-badan-adduunka","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/sonna.so\/so\/xogsoomaaliya-oo-ka-mid-noqon-karta-10-ka-dal-ee-ugu-keydka-shidaalka-badan-adduunka\/","title":{"rendered":"XOG:Soomaaliya oo ka mid noqon karta 10-ka Dal ee ugu keydka Shidaalka badan Adduunka"},"content":{"rendered":"<p>Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka Dabiiciga dalka Turkiga Dr. Alparslan Baytaktar iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa soo gaaray magaalada Muqdisho, si uu markaasi uga qeyb galo munaasabadda soo dhaweynta Markabla shidaalka sahminaya Oruc Reis, kaasi oo ku soo xirtay Dekedda Muqdisho, balse haatan sahmin ka wada 3 Xermo oo ku teedsan Xeebaha magaalooyinka Mareeg ilaa Hobyo ee Maamul Goboleedka Galmudug ayaa sheegay in tani ay muujineyso walaaltinimada labada Dal iyo labada Shacbi. \u201cImaatinka Mudane Baytaktar iyo wufuudda kale ee dalka soo gaaray ayaa caddeyn u ah loo daahfurka marxalad cusub oo horumar ku soo kordhinaya xiriirka iskaashiga dhaqaale ee labada dal\u201d ayuu yiri Wasiirka Batroolka iyo Keyraadka Dabiiciga ee XFS Cabdirisaaq Cumar.<\/p>\n<p>\u201cAnigoo ku hadlaya magaca Umadda Soomaalyeed waxaan u mahadcelinayaa shacabka, Dowladda Turkiga iyo hoggaankeeda Mudane Rajab Dayib Ordogan oo markasta oo aad istiraahdid Soomaaliya waa laga sii jeestay dib u xasuusiya caalamka. Maanta mar kale ayaad qaadateen go\u2019aan ku saabsan xoojinta horumarka, dhaqaalaha iyo awoodda Soomaaliya\u201d, sidaasi waxaa yiri:- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, \u201cSoomaliya waa cusub ayaa u baryey Shidaalka dalkeena ku jiro ayaan la soo baxeena\u201d, ayuu sii raaciyay.<\/p>\n<p>Haddaba Warar hordhac ah ayaa laga helayaa sahanka baariseed ee laga bilaabay Soomaaliya, taasi ee uu bilaabay Markabka laga leeyaha dalka Turkiye, islamarkaana ay wehlinayaan maraakiib kale oo isugu jira kuwa caawinaya isaga iyo kuwa ay saara yihiin ciidamada badda ee Turkiye oo u ah ilaalo gaar ah, bal aan eegno warbixin dhawaan la helay, sida uu ku waramayo Wargeys laga leeyahay dalka aannu Walaalaha nahay ee Turkiye, kaasi oo lagu magacaabo<strong>Turkish Century<\/strong> ayaa Boggiisa lagu shaaciyay in sahminta hordhaca ah ee uu sameeyay <strong>Markabka Oruc Reis<\/strong> inay Soonaaliya ay qarka u saran tahay inay noqoto dalkii ugu dambeeyey ee ku soo biira dalalka Tamarta iyo Shidaalka Adduunka.<\/p>\n<p>Warbixinta ayaa sheegaysa in sahmintan oo socota wax ka yar bil, sidoo kalena laba Xirmo (block) kaliya oo la fiiriyay lagu ogaaday in<strong> keyd\u00a0 Gaaska dabiiciga ah u ceegaago goobaha kala ah Xirmooyinka ama\u00a0 block-yada 152 iyo 153,<\/strong> waxaana la qiyaasayaa inay Soomaaliya dhawaan ka mid noqon doonto <strong>10ka dal ee ugu keydka badan Shidaalka iyo Gaaska Caalamka,<\/strong> taasi oo u ah \u00a0bishaaro weyn haddii bil ka yar intaasi oo keyd ah lagu ogaaday, waxaana la filaaya in baarista iyo sahminta sii socoto ilaa bisha May 2025-ka, si loo sii ogaado Kheraadka uu Eebbe ku maneystay Dhulka iyo Badda Soomaaliya.<\/p>\n<p>Wargeysa Turkish Century ee ka soo baxa dalka Turkiga ee walaalaha aan nahay ayaa qoray warbixin hordhac ah oo ku saabsan arimaha sahminta shidaalka Soomaaliya, waxa uuna yiri:- \u201cSoomaaliya waxay u muuqataa inay noqon doonto meesha laga bilaabo is-bahaysiga cusub ee Tamarta Adduunka, ka dib markii Markabka sahaminta ee loo yaqaano<strong> seismic survey<\/strong> oo ah kii waday baarista gunta hoose ee dhulka ee\u00a0 Markabka Turkida OrucReis\u00a0 uu sameeyay baaritaanno hordhac ah oo ku saabsan dhulka hoostiisa ee badda dhacda <strong>Deegaanka Mareeg ee Degmada Ceeldheer<\/strong> ee Goboka Galguduud ee Baloogyada 152 iyo 153 oo ay Shati ka haysato TPAO, kuwaasi oo la sheegay inay muujinayaan keyd aad u weyn oo Gaaska dabiiciga ah iyo Shidaalka Ceyriin\u201d, waxuuna Wargeysku isticmaalay ereyga<strong> \u2018MASSIVE\u2019<\/strong> oo ah<strong> \u2018aad u weyn ama aad u badan\u2019<\/strong> islamarkaana uu <strong>Far waaweyn ku qoray,<\/strong> taasi oo ula jeedo in xaddi badan oo shidaal ah ku jiro badda gunteeda hoose.<\/p>\n<p>Inkastoo baaritaanku socdo ilaa iyo hadda waxaa la\u00a0 ogaaday \u2018waa in uu jiro keyd Gaas dabiici ah oo aad u faro badan, haddii baaristaasi lagu baahiyo Aagga dhaqaalaha gaarka ah ee Soomaaliya<strong> (EEZ),<\/strong> waxaa la rumeysan yahay in aan faqri dambe laga soo sheegi doonin Soomaaliya, \u201cHaddii uu keydkaan ku sii fido inta kale ee Aagga dhaqaale ee gaarka ah ee badda Soomaaliya (EEZ), waxa ay dalka Walaalaha ah ee Geeska Afrika ee Soomaaliya ka dhigi kartaa mid ka mid ah tobanka dal ee ugu kaydka badan shidaalka iyo Gaaska Aduunka\u201d, sidaasina waxaa qoray \u00a0Wargeysa Turkish Century ee ka soo baxa dalka Turkiga.<\/p>\n<p>Markabka Turkida OrucReis\u00a0 ayaa 24-kii saacba macluumaadka la wadaaga Wasaaradda Batroolka iyo Kheyraadka Dabiiciga ah ee Xukuumadda Soomaaliya, waxaana la filaayaa in maalmaha soo socda ay Dadweynaha Soomaaliyeed la wadaagi doonaa wararka sahan baariseedka shidaalka Soomaalida ee hordhaca ah, iyagoo aad u faahfaahin doona ilaa iyo hadda waxa ka soo baxay sahankaasi, iyadoo la filaayo in uu Markabku u sii gudbi doono magaalo xeebeedka Hobyo oo iyana lag filaayo in laga helo mid kaa ka sii baaxad iyo mug weyn kii laga helay Magaalada Xebeedka Mareeg.<\/p>\n<p><strong>By. C\/laahi Ruush<\/strong><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka Dabiiciga dalka Turkiga Dr. Alparslan Baytaktar iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa soo gaaray magaalada Muqdisho, si uu markaasi uga qeyb galo munaasabadda soo dhaweynta Markabla shidaalka sahminaya Oruc Reis, kaasi oo ku soo xirtay Dekedda Muqdisho, balse haatan sahmin ka wada 3 Xermo oo ku teedsan Xeebaha magaalooyinka Mareeg ilaa Hobyo [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":50,"featured_media":525101,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"content-type":"","footnotes":""},"categories":[11,94,82],"tags":[],"class_list":{"0":"post-525100","1":"post","2":"type-post","3":"status-publish","4":"format-standard","5":"has-post-thumbnail","7":"category-dhaqanka","8":"category-gudaha","9":"category-maqaallada"},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/525100","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/50"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=525100"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/525100\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":525102,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/525100\/revisions\/525102"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/525101"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=525100"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=525100"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=525100"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}