{"id":524895,"date":"2024-11-16T00:01:04","date_gmt":"2024-11-15T21:01:04","guid":{"rendered":"https:\/\/sonna.so\/so\/?p=524895"},"modified":"2024-11-16T00:01:04","modified_gmt":"2024-11-15T21:01:04","slug":"raiisul-wasaare-xamsa-oo-ka-tacsiyeeyay-geerida-madaxweyne-siilaanyo","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/sonna.so\/so\/raiisul-wasaare-xamsa-oo-ka-tacsiyeeyay-geerida-madaxweyne-siilaanyo\/","title":{"rendered":"Ra\u2019iisul Wasaare Xamsa oo ka tacsiyeeyay geerida Madaxweyne Siilaanyo"},"content":{"rendered":"<div class=\"x11i5rnm xat24cr x1mh8g0r x1vvkbs xtlvy1s x126k92a\">\n<div dir=\"auto\">Muqdisho, (SONNA): Ra\u2019iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa ka tacsiyeeyay geerida naxdinta leh ee Allaha u naxariistee Madaxweynihii hore ee Somaliland, Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, oo caawa ku geeriyooday magaalada Hargeysa.<\/div>\n<\/div>\n<div class=\"x11i5rnm xat24cr x1mh8g0r x1vvkbs xtlvy1s x126k92a\">\n<div dir=\"auto\">Ra\u2019iisul Wasaaraha ayaa ku tilmaamay Marxuum Siilaanyo inuu ahaa siyaasi kaalin weyn ka soo qaatay nidaamka dowladnimada Soomaaliyeed, isagoo soo qabtay xilal kala duwan sida Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Wasaaradda Ganacsiga, iyo Guddoomiyaha Guddiga Dhaqaalaha Qaranka ee Soomaaliyeed.<\/div>\n<\/div>\n<div class=\"x11i5rnm xat24cr x1mh8g0r x1vvkbs xtlvy1s x126k92a\">\n<div dir=\"auto\">\u201cMadaxweyne Siilaanyo wuxuu door muhiim ah ka qaatay maamul dhiska, nabadeynta, iyo dimuquraadiyeynta Gobollada Waqooyi ee Somaliland, burburkii kadib, isaga oo kaalin hormuud ah ku lahaa billowgii wada xaajoodkii Dowladda Soomaaliya iyo maamulka Somaliland.\u201d Ayuu yiri Ra\u2019iisul Wasaare Xamsa.<\/div>\n<\/div>\n<div class=\"x11i5rnm xat24cr x1mh8g0r x1vvkbs xtlvy1s x126k92a\">\n<div dir=\"auto\">Ra\u2019iisul Wasaaruhu waxa uu Alle uga baryay marxuumka inuu Janatul Fardowsa ka waraabiyo qoyskiisa, qaraabadiisa, iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxayna Samir iyo iimaan ka siiyo.<\/div>\n<\/div>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Muqdisho, (SONNA): Ra\u2019iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa ka tacsiyeeyay geerida naxdinta leh ee Allaha u naxariistee Madaxweynihii hore ee Somaliland, Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, oo caawa ku geeriyooday magaalada Hargeysa. Ra\u2019iisul Wasaaraha ayaa ku tilmaamay Marxuum Siilaanyo inuu ahaa siyaasi kaalin weyn ka soo qaatay nidaamka dowladnimada Soomaaliyeed, isagoo [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":54,"featured_media":524896,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"content-type":"","footnotes":""},"categories":[94,81],"tags":[],"class_list":{"0":"post-524895","1":"post","2":"type-post","3":"status-publish","4":"format-standard","5":"has-post-thumbnail","7":"category-gudaha","8":"category-wararka"},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/524895","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/54"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=524895"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/524895\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":524897,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/524895\/revisions\/524897"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/524896"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=524895"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=524895"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=524895"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}