{"id":524546,"date":"2024-11-08T14:23:23","date_gmt":"2024-11-08T11:23:23","guid":{"rendered":"https:\/\/sonna.so\/so\/?p=524546"},"modified":"2024-11-08T14:23:23","modified_gmt":"2024-11-08T11:23:23","slug":"warbixinta-toddobaadlaha-ee-dowladda-federaalka-soomaaliya-60","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/sonna.so\/so\/warbixinta-toddobaadlaha-ee-dowladda-federaalka-soomaaliya-60\/","title":{"rendered":"Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya"},"content":{"rendered":"<p>Muqdisho\u2026..1-Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dalka Jarmalka uga qeybgalay Shirweynaha Maalgashiga Afrika iyo Jarmalka, isla markaana sharraxay fursadaha maalgashi ee ka jira Soomaaliya.<\/p>\n<p>2-Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo magaalada Berlin kula kulmay Ra\u2019iisul Wasaaraha Jarmalka, Mudane Olaf Scholz, iyagoo ka wadahadley xoojinta xiriirka iyo iskaashiga u dhexeeya labada dal.<\/p>\n<p>3-Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Baarlamanka Federaalka ka codsadey inay dib u dhigtaan fasaxooda muddo bil ah, kana shaqeeyaan sharciyada xisbiyada iyo arrimaha doorashada ee dalka. Baarlamanka ayaa aqbaley codsiga Madaxweynaha.<\/p>\n<p>4-Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Muqdisho kula kulmey Agaasimaha Hay&#8217;adda Sirdoonka Maraykanka (CIA), Mudane William J. Burns.<\/p>\n<p>5-Guddoomiyaha Baarlamanka Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa xarigga ka jarey xarunta cusub ee Taliska Ciidanka Dhulka ee XDS.<\/p>\n<p>6-Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa kulan la yeeshay Wakiilka KMG ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya James Swan.<\/p>\n<p>7-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamanka Federaalka Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa kulan la yeeshay Danjiraha Britain u fadhiya Soomaaliya Mike Nithavrianakis.<\/p>\n<p>8-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamuud Nuur (Madoobe) ayaa booqday Xarunta lagu diyaarinayo Qorshaha Isbedelka Qaranka.<\/p>\n<p>9-Raiisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa qaabilay Ra\u2019iisul Wasaare Ku-Xigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Slovenia Mrs. Tanja Fajon.<\/p>\n<p>10-Ra\u2019iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa u magacaabay Mudane Axmednur Shiikh Maxamed Loxos, Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha, iyo Mudane Cabdirashiid Maxamed Ducaale inuu noqdo Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare.<\/p>\n<p>11-Ra\u2019iisul Wasaare Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa magaalada Muqdisho kulan kula yeeshay Agaasimaha Hey\u2019adda Caafimaadka Adduunka (WHO) ee Gobolka Bariga Badda Mediterranean, Marwo Dr Hanan Balkhy.<\/p>\n<p>12-Ra\u2019iisul Wasaare Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa qaabilay Ku-Xigeenka Agaasimaha Guud ee ee Midowga Yurub u qaabilsan Qaaradda Afrika, Mr. Mathieu Briens.<\/p>\n<p>13-Ra\u2019iisul Wasaare Ku-Xigeenka Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa furay Bandhigga 8-aad ee Buugaagta ee Muqdisho oo ay ka qeybgelayaan aqoonyahanno, macallimiin, arday iyo qorayaal Soomaaliyeed.<\/p>\n<p>14-Ra\u2019iisul Wasaare Ku-Xigeenka Labaad Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali ayaa si rasmi ah u daah-furey shir looga hadlayay Kor u Qaadida Arrimaha Xalka Waara ee Soomaaliya, oo ka dhacay Magaalada Qaahira.<\/p>\n<p>15-Ra\u2019iisul Wasaare Ku-Xigeenka 2aad Mudane Cabdisalam Cabdi Cali ayaa magaalada Qaahira kaga qeybgaley galey kulanka 12-aad ee madasha magaalooyinka Adduunka WUF12.<\/p>\n<p>16-Wasiiro iyo Xildhibaanno ka tirsan labada aqal ee Baarlamaanka dalka oo ka qeyb galay kulanka dhallinyarada Soomaaliyeed iyo doorkooda doorashada tooska ah ee cod iyo qof.<\/p>\n<p>17-Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu soo bandhigay warbixin ku saabsan qiimeynta qaranka ee la-dagaallanka argagixisadda iyo lacag dhaqista, maadama dowlada Soomaaliya hirgelisay joojinta ilaha dhaqaale ee ay ku tiirsanaayeen kooxaha Khawaarijta.<\/p>\n<p>18-Guddoonka labada aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa magacaabay guddi u xilsaaran diyaarinta xeerarka doorashooyinka, ururada, xisbiyadda, sharciga dhismaha guddiga doorashooyinka iyo sidoo kale soohdimaha.<\/p>\n<p>19-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa kulan sagootin ah magaaladda Muqdisho ugu sameeyay Guddoomiyaha Baarlamaanka Jabuuti Mudane Dileita Mohamed Dileita.<\/p>\n<p>20-Mudanayaasha labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ansixiyay qoondada miisaaniyadda dowladda ee sannadka 2025-ka oo gaareyso $1,359,714,328 dollars.<\/p>\n<p>21-Wasiirada Waxbarashada iyo Arimaha Gudaha ayaa magaalada Muqdisho ka furay mashruuca ssIsku-xirka Aqoonsiga Qaranka iyo adeegyada Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta Sare.<\/p>\n<p>22-Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xildhibaan Cali Yuusuf Cali (Xoosh) ayaa si rasmi ah u furay Shirwaynaha U Adkaysiga Aafooyinka ee Soomaaliya oo ay si wadajir ah usoo agaasimeen Hay\u2019adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliyeed iyo Jaamacadda Muqdisho.<\/p>\n<p>23-Wasiirka Amniga Qaranka Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil ayaa dalka Britain uga qeybgalay shirka guud ee 92-aad ee INTERPOL oo sannadkan diirradda lagu saaray wada-shaqeynta booliska caalamka iyo ka hortagga dambiyadda khataraha ah.<\/p>\n<p>24-Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Fardowso Cismaan Cigaal ayaa booqatay xarunta sheybaarada diyaarinta Qorshaha Isbeddelka Qaranka.<\/p>\n<p>25-Wasiiru Dowlaha Gaashaandhigga Cumar Cali Cabdi ayaa ka guddoomay Midowga Yurub gaadiid ciidan iyo agabyo kale oo muhiim ah.<\/p>\n<p>26-Wasiirka Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa Mudane Xasan Xuseen Maxamed ayaa kormeeray xarunta sheybaarada loogu talagalay diyaarinta Qorshaha Isbeddelka Qaranka.<\/p>\n<p>27-Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xasan Macallin ayaa booqday sheybaarada lagu diyaarinayo Qorshaha Isbeddelka Qaranka.<\/p>\n<p>28-Ciidanka Hay\u2019adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ee NISA ayaa 27 maleeshiyaad Khawaarij ah ku dilay hawlgal ka dhacay deegaanka Yaaqle ee Gobalka Shabeellaha Dhexe.<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Muqdisho\u2026..1-Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dalka Jarmalka uga qeybgalay Shirweynaha Maalgashiga Afrika iyo Jarmalka, isla markaana sharraxay fursadaha maalgashi ee ka jira Soomaaliya. 2-Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo magaalada Berlin kula kulmay Ra\u2019iisul Wasaaraha Jarmalka, Mudane Olaf Scholz, iyagoo ka wadahadley xoojinta xiriirka iyo iskaashiga u dhexeeya labada dal. 3-Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Baarlamanka [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":46,"featured_media":524548,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"content-type":"","footnotes":""},"categories":[94],"tags":[],"class_list":{"0":"post-524546","1":"post","2":"type-post","3":"status-publish","4":"format-standard","5":"has-post-thumbnail","7":"category-gudaha"},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/524546","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/46"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=524546"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/524546\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":524547,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/524546\/revisions\/524547"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/524548"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=524546"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=524546"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=524546"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}