{"id":523991,"date":"2024-10-30T11:10:40","date_gmt":"2024-10-30T08:10:40","guid":{"rendered":"https:\/\/sonna.so\/so\/?p=523991"},"modified":"2024-10-30T11:14:23","modified_gmt":"2024-10-30T08:14:23","slug":"itoobiya-oo-hamigeedii-badda-soo-gaabtay-warbixin","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/sonna.so\/so\/itoobiya-oo-hamigeedii-badda-soo-gaabtay-warbixin\/","title":{"rendered":"Itoobiya oo hamigeedii Badda soo gaabtay (WARBIXIN)"},"content":{"rendered":"<p>Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Soomaaliya ayaa waxay qaadday tallaabo adag, si ay u ilaaliso danaha guud ee Qaranka oo ay u adkeyso heerarka diblumaasiyadeed ee Caalamiga ah, taasi oo muujinaysa sida \u2018Soomaaliya ay uga go\u2019an tahay ilaalinta madax-bannaanideeda iyo ku dhaqanka sharciga Caalamiga ah\u2019.<\/p>\n<p>Warka ka soo baxay Wasaaradda ayaa waxay ku dhawaaqaysaa \u201cin Cali Maxamed Aadan, oo hadda ah La-taliye II ama ahaa ku xigeenka qunsulka Safaaradda Itoobiya ee Muqdisho,\u00a0 ee Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Dimuqraadiga Itoobiya ee joogay Soomaaliya, uu ku kacay falal aan waafaqsaneyn xilkiisa diblumaasiyadeed. Ficilladiisu waxay jebinayaan heshiiska Vienna ee Xiriirka Diblumaasiyadeed ee soo baxay sanadkii 1961-kii, gaar ahaan Qodobbada 41-aad iyo 42-aad, kuwaasi oo faraya diblumaasiyiintu inay ixtiraamaan shuruucda dalka martida loo yahay oo aysan ku lug yeelan arrimaheeda gudaha.<\/p>\n<p>&#8216;Sidaasi darteed&#8217;,ayaa lagu yiri;- Waraka ka soo baxay Wasaaradda arrimaha dibadda ee Somaaliya in Cali Maxamed Aadan ayaa lagu dhawaaqay inuu yahay \u201cshakhsi aan la rabin\u201d (persona non grata), waxaana laga doonayaa inuu ka baxo Soomaaliya 72 saacadood gudahood marka uu helo ogeysiiskan\u201d, waxaa kaloo la soo raaciyay \u201c Tallaabadani waxay marag u tahay sida Soomaaliya ay uga go\u2019an tahay ilaalinta habraaca diblumaasiyadeed ee caalamiga ah iyo difaacidda Madax-bannaanideeda Qaranka Soomaaliyeed.<\/p>\n<p>\u201cSoomaaliya, oo ah dal madax-bannaan, waxay xaq u leedahay inay go\u2019aansato dalalka ka howlgali karaya xuduudaheeda, gaar ahaan arrimaha ammaanka iyo nabad ilaalinta. Go\u2019aankani waa inuu noqdaa mid ku qotoma ixtiraamka madax-banaanideena, madaxbanaanida dhulkeena iyo himilooyinka dadkeenna. Nasiib darro, Itoobiya waxay jabisay kalsoonidii lama huraanka u ahayd iskaashigaasi, iyadoo ku dhaqaaqday falal si toos ah u wiiqaya danaha Soomaaliya, oo ay ugu weyn tahay inay heshiis is-faham oo sharci-darro ah (MOU) la saxiixatay maamulka Somaliland. Heshiiskan, oo la saxiixay iyadoo ogolaansho laga haysan Dawladda Soomaaliya, ayaa ah xadgudub bareer ah oo ka dhan ah madax-banaanidayada, wuxuuna su\u2019aal gelinayaa damaca Itoobiya\u201d, sidaasi waxaa Bartiisa Bulshada ku qoray Sadiiq Warfaa oo horey u soo noqday Wasiirka Shaqada iyo arrimaha Bulshdada ee Xukuumaddii hore.<\/p>\n<p>Muddo sanado ah, Itoobiya waxa ay aheyd ciyaaryahan firfircoon ee arrimaha gudaha ah ee Soomaaliya, islamarkaana uu caalamka kala tashado, sidii inay wali tahay ayay ismoodaa, balse\u00a0 si kastaba ha ahaatee, ficilladeeda ayaa isa soo taraysa, taasi oo daaha ka qaaadysa istiraatijiyad looga gol leeyahay in lagu kobciyo kala qaybsanaanta Soomaaliya dhexdeeda, halkii la horumarin lahaa midnimada. Faragelinta Itoobiya waxaa sii xoojisay oo kaliya khaladaadka ku jira hab -dhaqankeena siyaasadeed iyo bulsho, iyada oo ka faa&#8217;iidaysanaysa caqabadahayaga si aan u sii wadno ajandaheeda iyo habkeeda xun. Hab-dhaqanka itoobiya waxa uu ka hor imanayaa rabitaanka shacabka Soomaaliyeed oo si weyn u raadinaya midnimo, xasilooni iyo nabad.<\/p>\n<p>\u201cAjendaheena Qaranku waa cad yahay: inaan dhisno Soomaaliya mid ah oo ka madax bannaan faragelinta shisheeye, gaar ahaan kuwa doonaya inay ka faa&#8217;iidaystaan \u200b\u200b dayaceena iyo kala qeybsanaanteena, si ay u helaan danahooda dhaqaale ama siyaasadeed\u201d, ayuu sii raaciyay Sadiiq Warfaa.<\/p>\n<p>Markaan uu ka hadlaayay ATMIS-ka kadib (Howlgalka Ku-meel-gaarka ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya), waxa uu yiri:- \u201cSoomaaliya waa inay si caqli-gal ah u doorataa la-hawlgalayaasheeda. Mustaqbalka nabada iyo xasiloonida qarankeenu waxa uu ku xidhan yahay la shaqaynta wadamada iyo ururada sida dhabta ah u ixtiraama madax-banaanidayada oo ay ka go\u2019an tahay in aan taageerno dadaalkeena ku wajahan dib u heshiisiinta iyo dib u dhiska. Itobiya, ficilkeeda, waxay ku caddaysay in aanay ahayn saaxiibkaa.\u00a0 Waa wax aan la qiyaasi karin in ummad si firfircoon uga qaybqaadanaysa kala qaybsanaanteena ay yeelan karto cod sharci ah oo lagu qaabeynayo mustaqbalkeenna, gaar ahaan arrimaha la xiriira nabad-dhisidda\u201d.<\/p>\n<p>\u201cWaxaan si adag ugu taagan nahay in aan aaminsan nahay in Itoobiya laga saaro wax kasta oo ku lug leh lahaanshiyaha Soomaaliya ee ATMIS-ka kadib. In la oggolaado waddan muujiyay rabitaan ah inuu ina kala qaybiyo si uu kaalin uga qaato geeddi-socodkeena nabadeed, waxayna noqonaysaa mid aan faa&#8217;iido laheyn, waxayna u adeegaysaa xasilloonida darrada dalkeenna. Soomaaliya waxay u baahan tahay saaxiibo si dhab ah u maalgeliya midnimadeena, amnigeena, iyo barwaaqadeena. Waddan kasta oo doonaya in uu wax-is-daba-marin iyo jab nagu sameeyo laguma aamini karo inuu si togan uga qayb-qaato socdaalkayaga ku aaddan nabad iyo xasillooni waarta. Waa in aan mudnaanta siinaa kuwa nala garab taagan, ee ma ahan in aan ka hor imaano, marka aan dhiseyno Soomaaliya midnimo, adkeysi iyo gobanimo, ayuu ku soo qatimay Xildhibaan hore iyo Wasiir hore mudane Sadiiq Warfaa.<\/p>\n<p>Dhinaca kale Ra&#8217;iisulwasaaraha Ethiopia Abiy Ahmed oo dhawaan hadlay ayaa ku celceliyey muhiimadda ay Ethiopia u leedahay inay gaarto Badda Cas, wuxuuna sheegay in riyada Ethiopia ee ah inay BAD hesho ay rumoobi doonto \u2018maanta ama jiilka dambe ay ka dhabeyn doonaan gaarista hadafka Ethiopia ee ah inay saldhig ku yeelato Badda Cas.<\/p>\n<p>Abiy Ahmed wuxuu sheegay in markii uu is-afgaradka la saxiixday Somaliland lagu cambaareeyey, laakiinse maanta dadku isweydiinayaan sababta aan ficil uga dhigi la&#8217;nahay is-afgaradkaas. Abiy wuxuu si adag u difaacay saxna u arkaa is-afgaradka badda ee uu la gaaray maamulka Somaliland, waxaa kaloo uu sheegay inuusan jirin deg deg ay ku meelmarinayaan is-afgaradka, laakiinse ay qaadan karto tobannaan sano, si looga dhabeeyo riyada Ethiopia ee ah gaarista Badda Cas.<\/p>\n<p>Dadka falanqeeya arrimaha siyaasadda Caalamka ayaa hadalkaasi ka soo yeeray Abiy Axmed ku fasiray inuu muujinaayo inuu ku hungoobay damaciisa la xariira gaarista Badda Soomaaliyeed iyo meelmarinta Is-afgarad ku sheeggii (MOU) ee sharci darrada ahaa ee ay wada gaareen isaga iyo Muuse Biixi, marka falanqeeyayaashu waxay qabaan in Itoobiya uu hamigeedii Badda uu hadda soo gaababoobay.<\/p>\n<p><strong>By. C\/lahi Ruush <\/strong><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Soomaaliya ayaa waxay qaadday tallaabo adag, si ay u ilaaliso danaha guud ee Qaranka oo ay u adkeyso heerarka diblumaasiyadeed ee Caalamiga ah, taasi oo muujinaysa sida \u2018Soomaaliya ay uga go\u2019an tahay ilaalinta madax-bannaanideeda iyo ku dhaqanka sharciga Caalamiga ah\u2019. Warka ka soo baxay Wasaaradda ayaa waxay ku [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":50,"featured_media":523992,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"content-type":"","footnotes":""},"categories":[94,82,7],"tags":[],"class_list":{"0":"post-523991","1":"post","2":"type-post","3":"status-publish","4":"format-standard","5":"has-post-thumbnail","7":"category-gudaha","8":"category-maqaallada","9":"category-siyaasadda"},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/523991","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/50"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=523991"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/523991\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":523993,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/523991\/revisions\/523993"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/523992"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=523991"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=523991"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=523991"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}