{"id":523987,"date":"2024-10-30T10:27:01","date_gmt":"2024-10-30T07:27:01","guid":{"rendered":"https:\/\/sonna.so\/so\/?p=523987"},"modified":"2024-10-30T10:27:56","modified_gmt":"2024-10-30T07:27:56","slug":"madaxweynaha-jfs-oo-ugu-baaqay-dowlad-gobolleedyada-ka-maqan-shirka-madasha-in-ay-ka-soo-qayb-galaan","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/sonna.so\/so\/madaxweynaha-jfs-oo-ugu-baaqay-dowlad-gobolleedyada-ka-maqan-shirka-madasha-in-ay-ka-soo-qayb-galaan\/","title":{"rendered":"Madaxweynaha JFS oo ugu baaqay dowlad gobolleedyada ka maqan shirka madasha in ay ka soo qayb galaan"},"content":{"rendered":"<p>Muqdisho(SONNA):-Munaasabadda xalay ka qabsoomtay Madaxtooyadda taas oo madaxweynaha qaranku ku maamuusay Xildhibaanada laba aqal ayaa waxaa ka qeyb-galay Ra&#8217;iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre, iyo kuxigeennadiisa, iyo Madaxweyneyaasha Dowlad-goboleedyada; Galmudug, Mudane Axmed Cabdi Kaariye; Koonfur-galbeed, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed; iyo Hirshabeelle, Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen.<\/p>\n<p>Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa bogaadiyey Madaxda Dowlad-goboleedyada ka qayb-galay Madasha Wadatashiga Qaranka, taasoo lagaga arrinsanayo aayaha iyo horumarka dalkeenna, gaar ahaan dhammaystirka dib-u-xoreynta deegaannada gacanta argagixisada ku jira, adkaynta amniga, dib-u-dhiska Ciidamada Qalabka Sida, iyo xaqiijinta himilada shacabka Soomaaliyeed ee doorashada hoggaankooda.<\/p>\n<p>Dhanka kale Madaxweynaha ayaa ugu baaqay dowlad gobolleedyadxa ka maqan shirka madasha wadatashiga in ay ka soo qayb galaan shirka &#8220;Walaalaheen naga aragtida duwan waa la hadlaynaa; haddii ay noo ogolaadaan waan u tagayaa, haddii kalena way noo imaanayaan. Wadajir iyo midnimo ayaan rabaa. Maanta dadkeenna waxaa u furan fursad weyn oo ay ku gaari karaan rajadooda, waxaana si wadajir ah uga shaqeynaynaa adkaynta amniga dalka, dhammaystirka dib-u-xoreynta deegaannada ay ku dhuumaaleysanayaan argagixisadu, iyo xaqiijinta Soomaaliyada ay inaga sugayaan shacabkeennu&#8221;ayuu yiri Madaxweynuhu.<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Muqdisho(SONNA):-Munaasabadda xalay ka qabsoomtay Madaxtooyadda taas oo madaxweynaha qaranku ku maamuusay Xildhibaanada laba aqal ayaa waxaa ka qeyb-galay Ra&#8217;iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre, iyo kuxigeennadiisa, iyo Madaxweyneyaasha Dowlad-goboleedyada; Galmudug, Mudane Axmed Cabdi Kaariye; Koonfur-galbeed, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed; iyo Hirshabeelle, Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa bogaadiyey Madaxda [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":42,"featured_media":523980,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"content-type":"","footnotes":""},"categories":[94,81],"tags":[],"class_list":{"0":"post-523987","1":"post","2":"type-post","3":"status-publish","4":"format-standard","5":"has-post-thumbnail","7":"category-gudaha","8":"category-wararka"},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/523987","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/42"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=523987"}],"version-history":[{"count":2,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/523987\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":523989,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/523987\/revisions\/523989"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/523980"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=523987"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=523987"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=523987"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}