{"id":523651,"date":"2024-10-25T17:07:23","date_gmt":"2024-10-25T14:07:23","guid":{"rendered":"https:\/\/sonna.so\/so\/?p=523651"},"modified":"2024-10-25T17:07:23","modified_gmt":"2024-10-25T14:07:23","slug":"madaxweynaha-hirshabeelle-oo-dhiirigelin-ugu-tagay-ciidamada-howgalka-ka-wada-wadada-isku-xirto-balcad-iyo-jowhar","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/sonna.so\/so\/madaxweynaha-hirshabeelle-oo-dhiirigelin-ugu-tagay-ciidamada-howgalka-ka-wada-wadada-isku-xirto-balcad-iyo-jowhar\/","title":{"rendered":"Madaxweynaha Hirshabeelle oo dhiirigelin ugu tagay ciidamada howgalka ka wada wadada isku-xirto Balcad iyo Jowhar"},"content":{"rendered":"<p><span style=\"font-weight: 400;\">Jowhar, (SONNA): Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa tagay deegaanka Mukay-dheere oo ay ku sugan yihiin saraakiisha hoggaamineyso howgalka Ciidamada Dowladda Hirshabeelle iyo kuwa Xoogga Dalka ee lagu soo af-jarayo Khawaarijta.<\/span><\/p>\n<p><span style=\"font-weight: 400;\">Ugu horreyn Taliyaha Ciidamada Booliska Dowladda Hirshabeelle ayaa Madaxweynaha warbixin ka siiyay sida uu socdo howgalka.<\/span><\/p>\n<p><span style=\"font-weight: 400;\">Taliyaha ayaa warbixintiisa ku xusay inay sahaydii ka jareen Khawaarijta ku sugan deegaanka Yaaqle oo ay wajahayaan go\u2019doon adag xilligan.<\/span><\/p>\n<p><span style=\"font-weight: 400;\">\u201cWaxaan halkan idin kugu imid sidii aad u dardargelin laheyd dagaalka aan Hirshabeelle kaga cirib-tireyno Khawaarijta.\u201d<\/span><\/p>\n<p><span style=\"font-weight: 400;\">Sidoo kale Guddoomiyaha Degmada Balcad Qaasim Maxamed Nuur ayaa geel ku wareejiyay ciidamada taas oo qeyb ka ah dhiirogelinta ciidamada nadtood-hurayaasha ah.<\/span><\/p>\n<p><span style=\"font-weight: 400;\">Ugu dambeyn Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa xusay kaddib howgalka inuu bilaaban doono dhismaha laamiga isku-xirayo magaalooyinka Balcad iyo Jowhar.<\/span><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Jowhar, (SONNA): Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa tagay deegaanka Mukay-dheere oo ay ku sugan yihiin saraakiisha hoggaamineyso howgalka Ciidamada Dowladda Hirshabeelle iyo kuwa Xoogga Dalka ee lagu soo af-jarayo Khawaarijta. Ugu horreyn Taliyaha Ciidamada Booliska Dowladda Hirshabeelle ayaa Madaxweynaha warbixin ka siiyay sida uu socdo howgalka. Taliyaha ayaa warbixintiisa ku [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":54,"featured_media":523652,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"content-type":"","footnotes":""},"categories":[94,81],"tags":[],"class_list":{"0":"post-523651","1":"post","2":"type-post","3":"status-publish","4":"format-standard","5":"has-post-thumbnail","7":"category-gudaha","8":"category-wararka"},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/523651","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/54"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=523651"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/523651\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":523653,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/523651\/revisions\/523653"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/523652"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=523651"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=523651"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=523651"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}