{"id":523629,"date":"2024-10-25T13:41:55","date_gmt":"2024-10-25T10:41:55","guid":{"rendered":"https:\/\/sonna.so\/so\/?p=523629"},"modified":"2024-10-25T13:41:55","modified_gmt":"2024-10-25T10:41:55","slug":"wasiirka-maaliyadda-xfs-oo-la-kulmay-madaxda-yurub-ee-xaadiray-shirka-heyadda-lacagta-iyo-bangiga-adduunka","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/sonna.so\/so\/wasiirka-maaliyadda-xfs-oo-la-kulmay-madaxda-yurub-ee-xaadiray-shirka-heyadda-lacagta-iyo-bangiga-adduunka\/","title":{"rendered":"Wasiirka Maaliyadda XFS oo la kulmay madaxda Yurub ee xaadiray shirka Hey\u2019adda Lacagta iyo Bangiga Adduunka"},"content":{"rendered":"<p>Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda XFS oo ka qeybgalaya shirka sanadlaha ah ee hey\u2019adda lacagta IMF iyo Bangiga Adduunka ayaa kulamo doceedyo miro-dhal ah la yeeshay masuuliyiin ka socotay Dalalka Qaaradda Yurub ee qeybta ka ah ama ka shaqeeya horumarinta dhaqaalaha ee\u00a0 Soomaaliya.<\/p>\n<p>Kulamadaasi oo ka dhacay Magaalada Washingyon waxaa looga hadlay ama uu salka ku hayaa horumarinta Dhaqaalaha guud iyo dib-u-habeynta Maaliyadda Soomaaliya.<\/p>\n<p>Kulamadii uu Wasiirku la yeeshay madaxda Yurub waxaa kamid ahaa:-<\/p>\n<p>\ud835\udc03\ud835\udc28\ud835\udc30\ud835\udc25\ud835\udc1a\ud835\udc1d\ud835\udc1d\ud835\udc1a \ud835\udc14\ud835\udc0a<\/p>\n<p>Wasiirka Maaliyadda XFS iyo Wafdigii uu hoggaaminayay ayaa wada-xaajiod midho-dhal ah Washington ku la yeeshay \ud835\udc0c\ud835\udc2b. \ud835\udc0d\ud835\udc22\ud835\udc1c\ud835\udc24 \ud835\udc03\ud835\udc32\ud835\udc1e\ud835\udc2b oo ka socda Wasaaradda Arimaha Debedda iyo Horumarinta ee Dawladda UK.<\/p>\n<p>Kukanka ayaa diiradda lagu saaray sidii ay Dowladda UK u kordhin lahaayeen taageerada ay siiyaan Dowladda Soomalaiya, taas oo qeyb ka qaadanaysa dar-dar galinta qorshayaasha horumarineed ee dib-u-habaynta hanaanka dhaqaalaha guud ee Soomaaliya.<\/p>\n<p>\ud835\udc03\ud835\udc28\ud835\udc30\ud835\udc25\ud835\udc1a\ud835\udc1d\ud835\udc1d\ud835\udc1a \ud835\udc0d\ud835\udc28\ud835\udc2b\ud835\udc30\ud835\udc1a\ud835\udc32<\/p>\n<p>Wasiirka Maaliyadda Xukumadda Federalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige ayaa kulan muhiimad gaar ah lahaa la qaatay Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Caalamiga ah ee Dowladda Norway haweenayda lagu magacaabo \ud835\udc00\ud835\udc27\ud835\udc27\ud835\udc1e \ud835\udc01\ud835\udc1e\ud835\udc1a\ud835\udc2d\ud835\udc21\ud835\udc1e iyo masuuliyiintii la scotay.<\/p>\n<p>Wasiirka Maaliyadda Dowladda Soomaaliya ayaa uga mahadceliyay Dowladda Norway kaalintii ay ka qaadatay in Soomaaliya ay ka baxdo dalalka loo yaqaano \u2018kuwa ay la dageen Qaamaha\u2019 (\ud835\udc07\ud835\udc08\ud835\udc0f\ud835\udc02) taas oo Dowladda Soomaaliya Masiib wanaag ay ka baxday dabayaaqadii 2023-kii.<\/p>\n<p>\ud835\udc03\ud835\udc28\ud835\udc30\ud835\udc25\ud835\udc1a\ud835\udc1d\ud835\udc1d\ud835\udc1a \ud835\udc12\ud835\udc30\ud835\udc1e\ud835\udc1d\ud835\udc1e\ud835\udc27<\/p>\n<p>Kulankan oo ka mid ahaa kulamo doceedyada Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda XFS Mudane Biixi Imaan Cige aey la yeesheen Wafdigii ka socday Dowladda Sweden, gaar ahaan gabadha lagu magacaabo \ud835\udc03\ud835\udc22\ud835\udc1a\ud835\udc27\ud835\udc1a \ud835\udc09\ud835\udc1a\ud835\udc27\ud835\udc2c\ud835\udc1e oo ah madaxa xafiiska horumarinta Siyaasadda iyo Diblumaasiyadda ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Dowladda Sweden, wadahadalka labada dhinac waxaa ugu muhiimsanaa maalgalinta arrimaha isbadalka cimilada oo saameyn ku yeeshay dhaqaalaha dunida oo Soomaaliya na ay qeyb ka tahay.<\/p>\n<p>\ud835\udc03\ud835\udc28\ud835\udc30\ud835\udc25\ud835\udc1a\ud835\udc1d\ud835\udc1d\ud835\udc1a \ud835\udc12\ud835\udc29\ud835\udc1a\ud835\udc22\ud835\udc27<\/p>\n<p>Wasiirka Maaliyadda oo ka warbixinaya kulankii uu la qaatay Wafdiga Dowladda Spain ayaa yiri \u201cWaxa fursad ii ahayd in aan la kulmo \ud835\udc0c\ud835\udc2c. \ud835\udc0f\ud835\udc1a\ud835\udc2e\ud835\udc25\ud835\udc1a \ud835\udc02\ud835\udc28\ud835\udc27\ud835\udc2d\ud835\udc21\ud835\udc1e oo ah Xoghayaha Guud ee Maamulka Lacagta iyo Maaliyadda Caalamiga ah ee Wasaaradda Maaliyadda Spain, iyada oo la gu jiro shirarka sanadlaha ah ee Bangiga iyo IMF.<\/p>\n<p>Waxa aan falanqaynay geeddigii dayn-cafinta Soomaaliya iyo dadaalada aan haatan wadno ee dib-u-habaynta Maaliyadda oo Dowladda Spain ay door muuqdo ku laheyd.<\/p>\n<p>\ud835\udc03\ud835\udc28\ud835\udc30\ud835\udc25\ud835\udc1a\ud835\udc1d\ud835\udc1d\ud835\udc1a \ud835\udc03\ud835\udc1e\ud835\udc27\ud835\udc26\ud835\udc1a\ud835\udc2b\ud835\udc24<\/p>\n<p>Wasiirka Maaliyadda ayaa kulan muhiim ah la qaatay wafdi ka socday Dowladda Denmark oo ay hoggaaminaysay \ud835\udc0c\ud835\udc2c. \ud835\udc0b\ud835\udc28\ud835\udc2d\ud835\udc2d\ud835\udc1e \ud835\udc0c\ud835\udc1a\ud835\udc1c\ud835\udc21\ud835\udc28\ud835\udc27 oo ah Xoghaya Horumarinta Siyaasadda Caalamiga ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Dowladda Denmark, wadahalaka oo ku qotomay xiriirka labada dal ka sukoow waxaa la falanqeeyay doorkii Dowladda Denmark ay kulaheyd hannaankii deyn cafinta iyo wadamada ku bahoobay Naadiga Paris.<\/p>\n<p>Dhammaam kulamadaas ay yeesheen Wafdiga Dowladda Soomaaliya ee Shirka Washington DC ayaa ku soo idlaaday natiijo horumar u ah Maaliyadda iyo dhaqaalaha guud ee Soomaaliya.<\/p>\n<p><a href=\"https:\/\/www.facebook.com\/photo\/?fbid=1094306296030320&amp;set=pcb.1094306536030296&amp;__cft__%5b0%5d=AZWCMiSqDFp8cE5wHvggDQfI4joPWKlVX0IUAxlBCKe5SC3fHP-V3-xsLCNNDmIBqHkV4XEZ3P0iQw5lZFlV7ApKyI6LAFyKvciLFzJkYUpCRnQTHCf6b1M7YJHHY1XTHYdD6obMhR12lh52ZCFc8vSl-uqBvX1pZaji6SWKv_uVjhRSkpOa4RF4N6p8_-Hw2InQFj1kJslQ1VIOccQEvmIe&amp;__tn__=*bH-R\">\u00a0<\/a><\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda XFS oo ka qeybgalaya shirka sanadlaha ah ee hey\u2019adda lacagta IMF iyo Bangiga Adduunka ayaa kulamo doceedyo miro-dhal ah la yeeshay masuuliyiin ka socotay Dalalka Qaaradda Yurub ee qeybta ka ah ama ka shaqeeya horumarinta dhaqaalaha ee\u00a0 Soomaaliya. Kulamadaasi oo ka dhacay Magaalada Washingyon waxaa looga hadlay ama uu salka ku hayaa [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":46,"featured_media":523631,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"content-type":"","footnotes":""},"categories":[94],"tags":[],"class_list":{"0":"post-523629","1":"post","2":"type-post","3":"status-publish","4":"format-standard","5":"has-post-thumbnail","7":"category-gudaha"},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/523629","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/46"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=523629"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/523629\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":523630,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/523629\/revisions\/523630"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/523631"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=523629"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=523629"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=523629"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}