{"id":523182,"date":"2024-10-17T05:14:19","date_gmt":"2024-10-17T02:14:19","guid":{"rendered":"https:\/\/sonna.so\/so\/?p=523182"},"modified":"2024-10-17T05:14:40","modified_gmt":"2024-10-17T02:14:40","slug":"523182-2","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/sonna.so\/so\/523182-2\/","title":{"rendered":"Ra\u2019iisul Wasaare Xamsa \u201cGobolka Banaadir ayaa ugu horreyn doona doorashooyinka\u201d"},"content":{"rendered":"<p>Muqdisho(SONNA):- Ra\u2019iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo xalay\u00a0 ka qayb galay bandhigga wax-qabadka maamulka Gobolka Banaadir ee 2023-2024, ayaa sheegay in maamulku uu xaqiijiyey labadii sano ee la soo dhaafay guulo waaweyn oo dhinacyada amniga, horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha iyo adeegyada bulshada.<\/p>\n<p>Ra\u2019iisul Wasaaraha ayaa sheegay in Xukuumadda DanQaran ay ka go\u2019an tahay sidii bulshada caasimadda ku dhaqan u heli lahaayeen maamul ay iyagu soo doorteen, isla markaana ay horseed u noqonayaan sidii maamullada kale ee dalkuna hoggaankooda u soo dooran lahaayeen.<\/p>\n<p>Waxa uu xusay Ra\u2019iisul Wasaaruhu in caasimaddu ay lafdhabar u tahay dhaqaalaha ummadda Soomaaliyeed, sidaa awgeedna ay lagama maarmaan tahay in masuuliyadda gaara ah la iska saaro sidii ay ula tartami lahayd caasimadaha kale ee dhiggeeda ah, isaga oo ku bogaadiyey maamulka Gobalka Banaadir horumarka ay ka sameeyeen dib u dhiska, bilicda iyo kaabayaasha muhiimka ah ee caasimadda.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Muqdisho(SONNA):- Ra\u2019iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo xalay\u00a0 ka qayb galay bandhigga wax-qabadka maamulka Gobolka Banaadir ee 2023-2024, ayaa sheegay in maamulku uu xaqiijiyey labadii sano ee la soo dhaafay guulo waaweyn oo dhinacyada amniga, horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha iyo adeegyada bulshada. Ra\u2019iisul Wasaaraha ayaa sheegay in Xukuumadda DanQaran ay ka [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":43,"featured_media":523183,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"content-type":"","footnotes":""},"categories":[94,81],"tags":[],"class_list":{"0":"post-523182","1":"post","2":"type-post","3":"status-publish","4":"format-standard","5":"has-post-thumbnail","7":"category-gudaha","8":"category-wararka"},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/523182","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/43"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=523182"}],"version-history":[{"count":2,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/523182\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":523185,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/523182\/revisions\/523185"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/523183"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=523182"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=523182"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=523182"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}