{"id":522349,"date":"2024-10-05T18:03:06","date_gmt":"2024-10-05T15:03:06","guid":{"rendered":"https:\/\/sonna.so\/so\/?p=522349"},"modified":"2024-10-05T18:05:12","modified_gmt":"2024-10-05T15:05:12","slug":"wasiirka-difaaca-itoobiya-ciidankeeda-qeyb-kama-noqon-doonaan-howlgallada-ciidan-ee-dalka-ka-socda-haddii-aysan-ka-laaban-heshiis-beenaadka","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/sonna.so\/so\/wasiirka-difaaca-itoobiya-ciidankeeda-qeyb-kama-noqon-doonaan-howlgallada-ciidan-ee-dalka-ka-socda-haddii-aysan-ka-laaban-heshiis-beenaadka\/","title":{"rendered":"Wasiirka Difaaca &#8220;Itoobiya ciidankeeda qeyb kama noqon doonaan howlgallada ciidan ee dalka ka socda haddii aysan ka laaban heshiis beenaadka&#8221;"},"content":{"rendered":"<div class=\"x1swvt13 x1pi30zi xyamay9\">\n<div class=\"xjkvuk6\">\n<div class=\"xdj266r x11i5rnm xat24cr x1mh8g0r x1vvkbs\">\n<p dir=\"auto\">Muqdisho.(SONNA):- Wasiirka Gaashaandhigga xukuumadda federaalka Soomaaliya Cabdiqaadir Maxamed Nuur oo ka hadlay xaaladda howlgalka ATMIS iyo halka uu marayo qorshahooda ayaa sheegay in ciidamada xoogga dalka 27-xarun ciidan ay kala wareegeen ciidamada ATMIS. Sannadka 2024-ka, ayaa loo asteeyay waqtiga ugu dambeeya ee ay Soomaaliya ka baxayaan guud ahaan ciidamada nabad ilaalinta ee Midowga Afrika.<\/p>\n<p dir=\"auto\">Sidoo kale, wasiirka ayaa soo hadal qaaday ciidamada Itoobiya ee qeybta ka ah howlgalka ATMIS iyo doodda ka taagan damaca gurracan ee Itoobiya ku dooneyso qeybo ka mid ah Baddeenna, wuxuuna hoosta ka xariiqay haddii aysan ka laaban heshiis beenaadkaas qarankeenna iyo Baddeenna ay ku damacday in aysan ka mid ahaan doonin howlgalkaas (Mission), oo Dowladdo kale booskaas ay buuxin doonaan.<\/p>\n<div dir=\"auto\">&#8221; Xaaladda ATMIS meesha ay mareyso ayaan rabaa in aan kalmad ka iraahdo, ciidadamada xoogga dalka wejigii seddaxaad wuu dhammeeyay, guud ahaan ATMIS 27-xarumood ayaa lagala wareegay in intaas la mid ahna ilaa iyo 2024-ta waa la dhammeystirayaa oo 3-bilood ka dhamin tahay howlgalku (Missionka) ku egyahay 2024-ka,waxay doodi ka taagneyd, sidiina u taagan tahay Dowladda Itoobiya oo aad la socotiin haddii aysan ka laabanin heshiis beeneedkaas qarankeenna iyo Baddeenna ay ku damacday in aysan ka mid ahaan doonin howlgalkaas (Mission), oo Dowlado kale booskaas ay buuxin doonaan,&#8217;.<\/div>\n<\/div>\n<\/div>\n<\/div>\n<div dir=\"auto\"><\/div>\n<div dir=\"auto\">Dhanka kale, wasiirka Difaaca Soomaaliya ayaa tilmaamay in Dowladda Federaalka iyo xubnaha beesha caalamka ee caawiya howlgalka ATMIS ay u socdaan wadahadallo ku aaddan arrimaha farsamo ee lagu dhammeystiri lahaa howlgalkaas iyo sida uu noqon doono.<\/div>\n<div class=\"x1swvt13 x1pi30zi xyamay9\">\n<div class=\"xjkvuk6\">\n<div class=\"xdj266r x11i5rnm xat24cr x1mh8g0r x1vvkbs\">\n<div dir=\"auto\"><\/div>\n<div dir=\"auto\">&#8221;Doodaha badan aad qabi kartaan waxaa ka mid ah howlgalkaas iyo siduu noqon doono, waad la socotiin howlgalka magaciisa waa la bixiyay, waxaana wali socda arrimihii farsamo ee lagu dhammeystiri lahaa howlgalkaas, wada-hadalkaas wuxuu noo socdaa anaga iyo African Union, United Nation iyo hay&#8217;adihii kaalmeyn lahaa,waxay doodi ka taagneyd,&#8221;.<\/div>\n<\/div>\n<\/div>\n<\/div>\n<div dir=\"auto\"><\/div>\n<div dir=\"auto\">Ciidamada xoogga dalka ayaa si buuxda ula wareegaya amniga guud ee dalka, marka si dhammeystiran dalka uga baxaan ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika ee ATMIS.<\/div>\n<div dir=\"auto\">\n<p>&nbsp;<\/p>\n<\/div>\n<div class=\"x1swvt13 x1pi30zi xyamay9\">\n<div class=\"xjkvuk6\">\n<div class=\"xdj266r x11i5rnm xat24cr x1mh8g0r x1vvkbs\">\n<div dir=\"auto\"><\/div>\n<div dir=\"auto\"><\/div>\n<\/div>\n<\/div>\n<\/div>\n<div class=\"x78zum5 xdt5ytf x1n2onr6 x1iyjqo2 x2lwn1j xw7yly9\">\n<div class=\"x1jx94hy x78zum5 xdt5ytf x1iyjqo2 x1ja2u2z x6ikm8r x10wlt62\"><\/div>\n<\/div>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Muqdisho.(SONNA):- Wasiirka Gaashaandhigga xukuumadda federaalka Soomaaliya Cabdiqaadir Maxamed Nuur oo ka hadlay xaaladda howlgalka ATMIS iyo halka uu marayo qorshahooda ayaa sheegay in ciidamada xoogga dalka 27-xarun ciidan ay kala wareegeen ciidamada ATMIS. Sannadka 2024-ka, ayaa loo asteeyay waqtiga ugu dambeeya ee ay Soomaaliya ka baxayaan guud ahaan ciidamada nabad ilaalinta ee Midowga Afrika. Sidoo [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":41,"featured_media":522352,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"content-type":"","footnotes":""},"categories":[94,81],"tags":[],"class_list":{"0":"post-522349","1":"post","2":"type-post","3":"status-publish","4":"format-standard","5":"has-post-thumbnail","7":"category-gudaha","8":"category-wararka"},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/522349","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/41"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=522349"}],"version-history":[{"count":2,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/522349\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":522354,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/522349\/revisions\/522354"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/522352"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=522349"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=522349"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=522349"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}