{"id":522082,"date":"2024-10-01T15:50:42","date_gmt":"2024-10-01T12:50:42","guid":{"rendered":"https:\/\/sonna.so\/so\/?p=522082"},"modified":"2024-10-02T11:19:49","modified_gmt":"2024-10-02T08:19:49","slug":"wasiirka-amniga-xfs-iyo-taliyaha-cusub-ee-ciidanka-booliiska-oo-kormeeray-xarunta-taliska-ciidanka-booliiska","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/sonna.so\/so\/wasiirka-amniga-xfs-iyo-taliyaha-cusub-ee-ciidanka-booliiska-oo-kormeeray-xarunta-taliska-ciidanka-booliiska\/","title":{"rendered":"Wasiirka Amniga XFS iyo Taliyah Booliska oo kormeeray Taliska Booliska Guud"},"content":{"rendered":"<p>Muqdisho-(SONNA)-Wasiirka Amniga XFS Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag)\u00a0 iyo Taliyaha cusub ee Ciidanka\u00a0 Booliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cusmaan Cabdullaahi ayaa maanta kormeeray Xarunta Taliska Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed, halkaas oo uu si diirran ugu soo dhoweeyay Taliyaha xilka ka dagaya ee Ciidanka Booliiska Sarreeye Gaas Sulub Axmed Firin.<\/p>\n<p>Wasiirka iyo Taliyaha ayaa u kuurgalay hannaanka shaqo ee Hoggaannada iyo fadhiyada madaxa-bannaan ee\u00a0 Ciidanka Booliiska, wuxuuna Wasiirku halkaas ugu kala wareejiyey galka guud iyo hoggaaminta shaqada Ciidanka oo uu si buuxda ula wareegey Xafiiska Taliska Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed, Taliyaha Cusub ee Ciidanka Boliiska S\/guuto Asad\u00a0 Cusmaan Cabdullaahi.<\/p>\n<p>Taliyaha cusub ayaa faray Saraakiisha in ay dardargeliyaan gudashada waajibaadkooda shaqo ee xaqiijinta amniga dalka, ilaalinta nafta, hantida iyo sharafta muwaadiniinta Soomaaliyeed iyo ku dhaqanka xeerarka iyo shuruucda Ciidanka\u00a0 Boliiska Soomaaliyeed.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Muqdisho-(SONNA)-Wasiirka Amniga XFS Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag)\u00a0 iyo Taliyaha cusub ee Ciidanka\u00a0 Booliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cusmaan Cabdullaahi ayaa maanta kormeeray Xarunta Taliska Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed, halkaas oo uu si diirran ugu soo dhoweeyay Taliyaha xilka ka dagaya ee Ciidanka Booliiska Sarreeye Gaas Sulub Axmed Firin. Wasiirka iyo Taliyaha ayaa u kuurgalay hannaanka shaqo [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":7,"featured_media":522089,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"content-type":"","footnotes":""},"categories":[94,81],"tags":[],"class_list":{"0":"post-522082","1":"post","2":"type-post","3":"status-publish","4":"format-standard","5":"has-post-thumbnail","7":"category-gudaha","8":"category-wararka"},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/522082","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/7"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=522082"}],"version-history":[{"count":4,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/522082\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":522128,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/522082\/revisions\/522128"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/522089"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=522082"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=522082"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=522082"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}