{"id":521979,"date":"2024-09-30T10:47:52","date_gmt":"2024-09-30T07:47:52","guid":{"rendered":"https:\/\/sonna.so\/so\/?p=521979"},"modified":"2024-09-30T10:49:04","modified_gmt":"2024-09-30T07:49:04","slug":"xasan-sh-waxaan-diyaar-u-nahay-tallaabo-kasta-haddii-itoobiya-damacdo-dhulkeenna-warbixin","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/sonna.so\/so\/xasan-sh-waxaan-diyaar-u-nahay-tallaabo-kasta-haddii-itoobiya-damacdo-dhulkeenna-warbixin\/","title":{"rendered":"Xasan Sh.\u201dWaxaan diyaar u nahay tallaabo kasta haddii Itoobiya damacdo dhulkeenna\u201d (WARBIXIN)"},"content":{"rendered":"<p>Wali waxaa taagan xiisaddi ka dhalatay Isfaham ku sheegii dhex maray 1-dii Janaayo ee sanadkan Raiisul-wasaraha Itoobiya iyo Muuse Biixi, kaasi oo ku saabsanaa marin biyoodka, sidaasi awgeedna Madaxweynaha JFS oo ka hadlay xaalada ka taagan Badda Cas ayaa sheegay in ay aad uga xun yihiin waxa ka socda halkaas, oo saameyn taban ku leh horumarka, nabadgelyada iyo xasilloonida Soomaaliya, isagoo ka hadlaya taageerada Milateri ee dowladda Masar ay siiso Soomaaliya, waxa uu tilmaamay in \u201cQaahira ay na taageerto, oo ay tababarto ciidamadeena amniga, waxayna na siisaa Agabka ay ciidamadaasi u baahan yihiin, iyadoo la raacayo heshiiskii difaaca ee Masar lala galay,\u201d Wuxuuna xaqiijiyay in aanay jirin Askar Masaari ah oo xilligan ku sugan Soomaaliya.<\/p>\n<p>\u201cWaxaan ka codsanay dalal kala duwan inay gacan ka geystaan \u200b\u200bdagaalka aan kula jirno argagixisada, Masarna waxay ka mid ahayd dalalkii ka soo jawaabay baaqeena oo nagu taageeray Agabka iyo qalabka aan u baahn nahay\u201d, waxa uu hadaladaasi uu sheegay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, Telefishinka Aljazeera, mar uu wareysi siinayay, isagoo si qoto dheer uga hadlay arrimo dhowr ah oo heer qaran iyo heer gobol ah, wuxuuna sidoo kale taabtay mowduucyo la xiriira xaaladaha ka taagan wadamada Carbeed, gaar ahaan arrinta Falastiin.<\/p>\n<p>Madaxweynaha oo ka hadlay xiisadaha ka jira gobolka, gaar ahaan xiriirka Soomaaliya iyo Itoobiya, ayaa sheegay in Itoobiya ay dooneyso in ay ka taliso dhul Soomaaliyeed, iyadoo saldhig ciidan ka samaysanaysa Gacanka Cadmeed, wuxuuna xaqiijiyay in DFS aanay ogolaan doonin qorshayaashaasi, wuxuuna intaas ku daray in Itoobiya ay jebisay dhammaan shuruucdii iyo heshiisyadii la gaaray, mas\u2019uulna ka tahay xasillooni darrada ka jirta gobolka. \u201cDalkeennu waa dal madax bannaan, waxaana diyaar u nahay inaan qaadanno tallaabo kasta oo lagama maarmaan ah haddii ay Itoobiya isku daydo inay qabsato qeyb ka mid ah dhulkeenna\u201d.<\/p>\n<p>\u201c Haddii Itoobiya Xabad ku riddo Soomaaliya, ma waxaad u maleyni in Wiilka jooga Soomaaliya, kan Gaarisa jooga iyo kan Jig-jiga uu aamusi, taasi ma dhicin Taariikhda, waa wada galaayaan dagaalka\u201d, sidaasi waxaa yiri:- Xildhibaan Aaden Barre Ducaale oo ka tirsan Baarlamaanka Dalka Kenya, mar uu ka hadlaayay damaca waalan ee Abiy Axmed uu ku doonayo Dhul iyo Bad Soomaaliyeed.<\/p>\n<p>Madaxweynaha Soomaaliya Dr: Xasan Sheekh Maxamujud oo ka hadlaayay wadahadallada ay gar wadeenka ka tahay dowladda Turkiye ayaa sheegay in Soomaaliya ay rajeyneyso in Turkiga uu ku guuleysto dadaallada lagu doonayo in xal siyaasadeed loogu helo khilaafka u dhaxeeya Soomaaliya iyo Itoobiya, isagoo Madaxweynuhu ka dhawaajiyay in xalka kaliya ee u furan Soomaaliya iyo Itoobiya ay tahay nabad ku wada noolaanshaha iyo in laga wada shaqeeyo sidii loo gaari lahaa is dhaxgal dhaqaale; taas oo barwaaqo u horseedi karta Shacabka labada dal.<\/p>\n<p>Mar uu ka hadlaayay Madaxweynaha Soomaaliya Dr: Xasan Sheekh ayaa sheegay in Turkiga uu mar walba garab taagnaa Soomaaliya, gaar ahaan wakhtiyada baahidu jirtay, isaga oo carabka ku adkeeyay in uu kala dhaxeeyo Soomaaliya \u201cwada shaqayn fiican si aan danteena ugu adeegno\u201d, sida uu ku sheegay Wareysigii Telefishinka Al-jasiira.<\/p>\n<p>\u201cSoomaaliya kuma taageerno Itoobiya darteed. Waxaanu u taageernay sababtoo ah waxay ku jireen xaalad xasilooni darro ah muddo 30 sano ah,\u201d ayuu yiri:- Madaxweynaha Masar Abdifitaax el-Sisi mar uu la hadlayay madax kala duwan oo uu ka qeyb galayay xaflad ay ku qalin jabinayeen dufcad cusub oo ka qalin jabisay Akadeemiyada Booliska Axaddii shalay. Hadalka Madaxweyne el-Sisi ayaa daba socda muddo toddobaad ah oo la hadal hayay doorka Masar ee taageerada xasilloonida Soomaaliya.<\/p>\n<p>Todobaadkii hore waxaa Soomaaliya soo gaaray markab sida shixnad gargaar milatari oo aad u badan oo ka timid ciidamada qalabka sida ee Masar. \u201cWaan garanaynaa dantayada, waxaanan kala dooran doonnaa xulafadayada iyo cadawgeenna. Mahadsanid Masar\u201d ayuu yiri Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur oo hoosta ka xariiqay xoojinta xiriirka difaaca ee labada dal.<\/p>\n<p>Taageerada milateri oo ka mid ah shixnadaha hubka casriga ah ee ugu weyn ee ay Soomaaliya ka hesho xulafadeeda caalamiga ah, ayaa muujinaysa tallaabo lagu xoojinayo saameynta Soomaaliya ay ku leedahay masraxa caalamiga ah.<\/p>\n<p>Bishii Agoosto, Masar iyo Soomaaliya waxay kala saxiixdeen heshiiska difaaca iyo hab-maamuuska iskaashiga milateriga, xilli uu Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud booqasho ku tagay Qaahira. Heshiisku wuxuu dib u xaqiijinayaa sida ay uga go&#8217;an tahay labada dal xoojinta xiriirka labada dal iyo xoojinta amniga gobolka.<\/p>\n<p><strong>\u00a0<\/strong>\u201d ficillada Itoobiya qaadayso waa kuwo qalqal gelinaya nabadgalyada waxay na halis weyn ku yihiin Amniga iyo xasiloonida guud ahaan Geeska Afrika\u201d ,\u00a0\u00a0 sidaasi waxaa yiri:- Ra\u2019iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mar uu Khudbad ka jeedinaayay shirka golaha guud ee Qaramada Midoobay, \u00a0mudane Xamse Cabdi Barre, wuxuuna tilmaamay in Soomaaliya ay cadayneyso xaqa ay u leedahy Difaaca midnimadeeda dhulkeed ee jamhuuriyadda Soomaaliya.<\/p>\n<p>\u201cSoomaaliya waxay cadeynaysaa xaqa ay u leedahay inay difaacdo midnimada dhulkeeda, waxa ayna ugu baaqaysaa Itoobiya in ay joojiso daandaansiga ay waddo oo ay u hoggaansanto shuruucda Caalamka\u201d ayuu sii Ra\u2019iisul wasaare Xamsa, wuxuuna Beesha caalamka uga mahadceliyey garab istaaga Soomaaliya, iyagoo cambaareyay xadgudubyada Itoobiya, sidoo kalena taageeray ilaalinta mabaadi\u2019da Qaranka, gobanimada iyo wadajirka dhuleed, kuwaasi oo ah tiirar u ah nabadda iyo amniga Caalamka.<\/p>\n<p>\u201cXasiloonida gobolku waxay ku xidhan tahay is ixtiraamka Mabaadi\u2019daas, Itoobiyana waa in lagula xisaabtamaa falalka khalkhal galinaya Xasiloonida Gobalka Geeska Afrika\u201d, waxa uu ugu dambeyntii tilmaamay in ay muhiim tahay in la iskula xisaabtamo ficiladda ku xadgudubka xuduudaha Caalamiga ah ee Itoobiya ku kacayso.<\/p>\n<p><strong>By. C\/lahi Ruush<\/strong><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Wali waxaa taagan xiisaddi ka dhalatay Isfaham ku sheegii dhex maray 1-dii Janaayo ee sanadkan Raiisul-wasaraha Itoobiya iyo Muuse Biixi, kaasi oo ku saabsanaa marin biyoodka, sidaasi awgeedna Madaxweynaha JFS oo ka hadlay xaalada ka taagan Badda Cas ayaa sheegay in ay aad uga xun yihiin waxa ka socda halkaas, oo saameyn taban ku leh [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":50,"featured_media":521720,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"content-type":"","footnotes":""},"categories":[94,82,7],"tags":[],"class_list":{"0":"post-521979","1":"post","2":"type-post","3":"status-publish","4":"format-standard","5":"has-post-thumbnail","7":"category-gudaha","8":"category-maqaallada","9":"category-siyaasadda"},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/521979","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/50"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=521979"}],"version-history":[{"count":2,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/521979\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":521986,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/521979\/revisions\/521986"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/521720"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=521979"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=521979"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=521979"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}