{"id":521681,"date":"2024-09-25T15:34:21","date_gmt":"2024-09-25T12:34:21","guid":{"rendered":"https:\/\/sonna.so\/so\/?p=521681"},"modified":"2024-09-25T16:32:11","modified_gmt":"2024-09-25T13:32:11","slug":"soomaali-iyo-turkiga-oo-kala-saxiixday-heshiisyo-muhiim-ah","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/sonna.so\/so\/soomaali-iyo-turkiga-oo-kala-saxiixday-heshiisyo-muhiim-ah\/","title":{"rendered":"Soomaaliya iyo Turkiga oo kala saxiixday heshiisyo muhiim ah"},"content":{"rendered":"<p>Ankara-(SONNA)-Xarunta War-bixinnada Maaliyadda Financial Reporting Center (FRC) ee Soomaaliya iyo hay\u2019adda sirdoonka maaliyadda ee Turkiga (MASAK) ayaa magaalada Ankara ku kala saxiixday heshiis is faham iyo wada shaqeyn dhex marta hay\u2019adaha sirdoonka maaliyadeed ee labada dal.<\/p>\n<p>Heshiiskan ayaa looga gol-lahaa adkeeynta xiriirka saaxibtinimo &amp; wada shaqeynta labada dowladood walaalaha ah iyo in ay iska kaashadaan ka-hortagga dembiyada maaliyadda, lacag dhaqida iyo la-dagaallanka maalgelinta argagixisada Anti-money laundering and combating the financing of terrorism (AML\/CFT).<\/p>\n<p>Unugyada Sirdoonka Maaliyadda ee labada dal ayaa iska kaashan doona si waafaqsan sharciga ka-hortaga lacag dhaqidda iyo la-dagaallanka maal gelinta argagixisada ee dalalkooda, ururinta, hourmarinta, falanqeynta macluumaadka iyo xogaha la xiriira dembiyada maaliyadda ee ka dhaca labada dal.<\/p>\n<p>Sidoo kale, labada dal ayaa isweydaarsan doona khibradaha iyo waaya aragnimada la xiriirta la-dagaallanka dembiyada maaliyadda gaar ahaan ka-hortagga lacag dhaqidda iyo la-dagaallanka maal gelinta argagixisada.<\/p>\n<p>Heshiiskan ayaa sare u qaadaya isla markaana xoojinaya tallaabooyinka iyo qorshayaasha ka-hortagga dhammaan dembiyada maaliyadda ee ka dhaca labada dal.<\/p>\n<p>Labada hay\u2019addood ayaa si xor ah isugu dhaafsan doona macluumaadka iyo xogaha, iyadoo la raacayo mabaadii\u2019da Is-weydaarsiga macluumaadka ee u dhexeeya hay\u2019adaha sirdoonka maaliyadda iyo kan caalamiga ah, ayna ku jirto is-weydaarsiga war bixinada dhaq-dhaqaaqyada shakiyada leh \u201cSuspicious Transaction Reports\u201d (STRs) iyo xogaha kale ee khuseeya si loo aqoonsado loolana dagaallamo dambiyada maaliyadeed, ayada oo loo hoggaansaaayo sharciyada iyo xeerarka caalamiga ah.<\/p>\n<p>Xarunta Warbixinada Maaliyadda (XWM) iyo hay\u2019adda sirdoonka maaliyadda ee Turkiga ayaa dhisi doona awoodooda, waxayna ka qayb qaadanayaan barnaamijyo tababar wadajir ah, aqoon-is-weydaarsiyo iyo dedaallo. kale si loo dhiso awoodda loona horumariyo xirfadaha shaqaalaha hay\u2019addaha sirdoon ee labada dal.<\/p>\n<p>Heshiiskan ayaa muhiim u ah ilaalinta shabakadaha sirdoonka maaliyadeed ee xoojinta xiriirka hanaanka la-dagaalanka dembiyada maaliyadeed, nabadgalyada &amp; sare u qaadista kobaca dhaqaalaha ee labada dal.<\/p>\n<p>Munasabadda lagu kala saxiixanayay heshiiskan ayaa waxaa goobjoog ka ahaa safiirka Soomaaliya u fadhiya Turkiga Ambassador Fathudin, agaasimaha xarunta warbixinnada maaliyadda Marwo; Aamino Maxamed Cali iyo agaasimaha hay\u2019adda sirdoonka maaliyadda Turkiga Mr; Xasan KEYMAK.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Ankara-(SONNA)-Xarunta War-bixinnada Maaliyadda Financial Reporting Center (FRC) ee Soomaaliya iyo hay\u2019adda sirdoonka maaliyadda ee Turkiga (MASAK) ayaa magaalada Ankara ku kala saxiixday heshiis is faham iyo wada shaqeyn dhex marta hay\u2019adaha sirdoonka maaliyadeed ee labada dal. Heshiiskan ayaa looga gol-lahaa adkeeynta xiriirka saaxibtinimo &amp; wada shaqeynta labada dowladood walaalaha ah iyo in ay iska kaashadaan [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":7,"featured_media":521682,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"content-type":"","footnotes":""},"categories":[94,81],"tags":[],"class_list":{"0":"post-521681","1":"post","2":"type-post","3":"status-publish","4":"format-standard","5":"has-post-thumbnail","7":"category-gudaha","8":"category-wararka"},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/521681","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/7"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=521681"}],"version-history":[{"count":2,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/521681\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":521690,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/521681\/revisions\/521690"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/521682"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=521681"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=521681"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=521681"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}