{"id":521068,"date":"2024-09-15T13:46:11","date_gmt":"2024-09-15T10:46:11","guid":{"rendered":"https:\/\/sonna.so\/so\/?p=521068"},"modified":"2024-09-15T13:46:11","modified_gmt":"2024-09-15T10:46:11","slug":"wasaaradda-cadaaladda-xfs-oo-qalab-ku-wareejisay-xarunta-farsamada-ee-xabsiga-dhexe","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/sonna.so\/so\/wasaaradda-cadaaladda-xfs-oo-qalab-ku-wareejisay-xarunta-farsamada-ee-xabsiga-dhexe\/","title":{"rendered":"Wasaaradda Cadaaladda XFS oo qalab ku wareejisay xarunta farsamada ee Xabsiga dhexe"},"content":{"rendered":"<p>Muqdisho-(SONNA)-Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee XFS, ayaa qalab koronto oo lagu tababarayo maxaabiista ku jirta jeelasha ku wareejisay xarunta farsamada ee Xabsiga dhexe.<\/p>\n<p>Agaasimaha waaxda Arrimaha Asluubta Wasaaradda Cadaaladda , Maxamuud \u0130saaq Xasan ayaa munaasabadda wareejinta qalabka ka sheegay in ay muhiimad ballaaran u leedahay maxaabiista in lagu tababaro xirfado ay noloshooda ku horumariyaan oo ay ku shaqeystaan marka ay bulshada ku laabtaan.<\/p>\n<p>Wuxuuna caddeeyay Agaasimuhu in qalabkaan uu qeyb ka yahay qalab lagu barayo maxaabiista xirfadaha biyo gelinta, dhismaha guryaha iyo korontada.<\/p>\n<p>Tababarrada maxaabiista oo qeyb ka ah mashruuca JJCP qeybtiisa horumarinta xabsiyada iyo maxaabiista ayaa horudhac u ah tababarro laga fulin doonaa Xabsiga dhaxe, xabsiga MPCC ee KM7, Xabsiga Baydhabo, Xabsiga Beledweyne, Xabsiga Garowe iyo kan Bosaaso.<\/p>\n<p>Xogahyaha taliska guud ee Asluubta, Gaashaanle Maxamed Siciid Cabdullaahi iyo Agaasimaha xarunta Farsamada ee Xabsiga dhexe, Cabdulle Xasan Nuur oo qalabka la wareegay ayaa Wasaaradda uga mahad-celiyay dedaallada horumarinta xirfadaha maxaabiista, waxayna codsadeen in la joogteeyo si loogu faa\u2019iideeyo maxaabiista.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Muqdisho-(SONNA)-Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee XFS, ayaa qalab koronto oo lagu tababarayo maxaabiista ku jirta jeelasha ku wareejisay xarunta farsamada ee Xabsiga dhexe. Agaasimaha waaxda Arrimaha Asluubta Wasaaradda Cadaaladda , Maxamuud \u0130saaq Xasan ayaa munaasabadda wareejinta qalabka ka sheegay in ay muhiimad ballaaran u leedahay maxaabiista in lagu tababaro xirfado ay noloshooda ku horumariyaan [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":7,"featured_media":521069,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"content-type":"","footnotes":""},"categories":[94,81],"tags":[],"class_list":{"0":"post-521068","1":"post","2":"type-post","3":"status-publish","4":"format-standard","5":"has-post-thumbnail","7":"category-gudaha","8":"category-wararka"},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/521068","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/7"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=521068"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/521068\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":521070,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/521068\/revisions\/521070"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/521069"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=521068"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=521068"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=521068"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}