{"id":520811,"date":"2024-09-11T11:06:27","date_gmt":"2024-09-11T08:06:27","guid":{"rendered":"https:\/\/sonna.so\/so\/?p=520811"},"modified":"2024-09-11T11:06:27","modified_gmt":"2024-09-11T08:06:27","slug":"xamsawaxaan-ka-codsanayaa-siyaasiga-iyo-odeyga-soomaaliyeed-inaaney-khadka-ka-dhuminwarbixin","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/sonna.so\/so\/xamsawaxaan-ka-codsanayaa-siyaasiga-iyo-odeyga-soomaaliyeed-inaaney-khadka-ka-dhuminwarbixin\/","title":{"rendered":"Xamsa\u201cwaxaan ka codsanayaa Siyaasiga iyo Odeyga Soomaaliyeed inaaney khadka ka dhumin\u201d(WARBIXIN)"},"content":{"rendered":"<p>Beryahaanba waxaa jiray far isku tag ka dhex aloosnaa Dowladaha Soomaaliay iyo Itoobiya, kaasi oo ku aadan damac gurracan oo ay la soo baxday Xukuumadda uu hor boodo Abiy Axmed, kaasi oo ku qotoma Is-afgarad beenaad dhex maray isaga iyo Muusi Biixi, kaasi oo salka ku hayay kala bedelasho Dhul-Bad iyo Aqoonsi, taasi oo ay Dowladda Somaaliya ganafka ku dhufatay.<\/p>\n<p>Ra\u2019iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa Shacabka Soomaaliyeed ku boorriyay in ay ilaaliyaan wadajirka iyo madaxbannaanida dalka, isaga oo si gaar ah uga hadlayay farriimha qaldan ee ka imanaya qaar ka mid ah Hoggaamiye goboleedyada dalka ayaa bulshada qaybaheeda kala duwan ugu baaqay in aysan Itoobiya ku garab istaagin damaca gurracan ee ay ka leedahay geyigeenna. \u201cQof kasta oo kala qeybinaya Dadka iyo Dalka Soomaaliyeed oo qabyaalad ku kula qeybinaaya oo masaaliix ku kala qeybinayaa oo gobol ku kala qeybinaaya oo deegaan ku kala qeybinaya, Qofkaasi waa cadow Soomaaliyeed, cadow haddaad maqasho waa kaa uun, \u00a0shacabka Soomaaliyeed waa inay kala bartaa Dadkaasi\u201d<\/p>\n<p>Mudane, Xamsa oo ka hadlayay munaasabad Dhagax dhig ah oo ka dhacday xaruunta Wasaaradda Arrimaha gudaha XFS oo dib loo dayactiraayay ayaa sheegay difaaca Qaranimada iyo midnimada bulshada aan gorgortan laga geli Karin, wuxuuna hoggaamiyeyaasha kala duwan , siyaasiyiinta iyo Odayaashuba ugu baaqan in aysan si qaldan wax ugu sheegin bulshada oo aysan Ummadda ku beerin qabyaalad, iyagoo dana gaar ah eeganaya, taasi oo keeni karta fashil, wuxuuna xusay in ay ku cibra qaataan waxyaabihii la soo maray.<\/p>\n<p>Ra\u2019iisul Wasaaraha oo ka hadlayay soo celinta xiriirka iskaashi ee Soomaaliya iyo Masar ayaa sheegay \u201c in Soomaaliya ay xaq u leedahay in ay cilaaqaad la samaysato dal kasta oo dan u ah dadka iyo dalka, maadaama aynu nahay dowlad madax bannaan.\u201d\u201dDowlad kale oo Soomaaliya ciidan keysaneysa ma jirto, islamarkaana na weydiisatay, laakiin xaq baannu u leenahay haddaan Soomaali nahay, wadan madax banana baannu nahay haddaan dowlad kale u tagnay oo Carbeed oo aan dhahnay na caawiya, taasina macnaheedu ma ahan in aan dowlad kale ku duuleynno.\u201d<\/p>\n<p>Raiisul-wasaaraha Dalka mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa is weydiiyay, \u201cSiyaasiga Soomaaliyeed goormuu qaan gaarayaa, Odeyga Soomaaliyeed goor muu\u00a0 qaan gaara?, ma marka adduunka la rogo? Soomaali oo dalkeeda difacaneysa oo aan gardarro rabin oo mar walba raadineysa iyo dowlad leh \u2018MAYA\u2019 meeshaan gar iyo gardarraba waa inaad is siiso, ama sidii aan u saxiixday aad iigu deyn ama xoog baan ku iman, labadaasi ayay maraysaa, Soomaali is jiid-jiidataahi ama is fiir-fiirsataahi meeshaas boos kuma leh, waxaana ka codsaneynaa siyaasiga Soomaaliyeed, Odeyga iyo dadka Soomaaliyeed inaanan khadka ka dhumin\u201d<\/p>\n<p>\u201cSYL-nimadu waa astaan gobannimadoon, heeryadiidnimo iyo taariikh sharafeed ay tahay in la dhowro\u201d, sidaasi waxaa bartiisa Facebook-ga ku qoray Wasiir Gaashaandhigga XFS mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur Jamac, \u201cWaajibka kowaad ee maanta iyo goor walba oo la joogo naga saaran jiilasha naga dambeeya waa in aan ku sinno Soomaaliya oo mid ah, xor ah, kheyraadkeeduna bad qabo.\u201dWax walba oo kale oo aan ka gaabinno waa naloo cafin karaa, balse waajibka na saaran waa in aan ammaanadi ay awowyaasheen nagu soo simeen aan u wareejinno si dhammeystiran oo nadiif ah\u201dayuu siiu raaciyay qoraalkiisa.<\/p>\n<p>Wasiirka waxaa kaloo qoraalkiisa ku yiri:-\u201cMa jiro Qof xaq u leh in uu ku takrifalo gobannimada, midnimada iyo danaha qaranka soomaaliyeed, waxaana si gaar ah sharaf noogu ah aniga iyo inta ila midka ah in aan doonta siyaasadda iyo u adeegista qaranka aan ka soo raacnay fagaarayaasha halganka, gobannimo u dirirka, iyo iska caabinta cadawga soojireenka ah ee Ummadda Soomaaliyeed. Taariikhda difaaca Qaranka Soomaaliyeed waa qori isu dhiib, marba heer soo mareysay. waxaana naga go\u2019an in dhimbisha difaaca Qaranka oo nool aan uga tagno jiilasha naga dambeeya.\u201d<\/p>\n<p>Wasiir Jaamac oo si gaar ah ula hadlayaa dadkeyga ka soo jeeda deegaannada Baay, Bakool iyo Shabeellada Hoose, \u201cmarna ma dhici karto in naloo hoosaasiyo cadaw taariikhi ah oo ay awoowyaasheen diideen in uu dhulkeena boobo, dadkeenana gumeeyo. SYL-nimadu waa astaan gobannimadoon, heeryadiidnimo iyo taariikh sharafeed ay tahay in la dhowro. Xildhibaannada iyo siyaasiyiinta reer Koonfur Galbeedna waxaan xasuusinayaa in kuraasta ay ku fadhiyaan ay yihiin kuraas gobeed oo leh sooyaal sharfan oo ay tahay in si gaar ah loo dhowro. Waxaan ku fadhinaa kuraas ay milkiilayaashooda dhabta ah yihiin Cabdulqaadir Sakhaawadiin, Maxamed Cusmaan Baarbe, Xaaji Maxamed Xuseen iyo halgamayaal aan tira lagu koobi karin oo ah Aabayaasha halganka taariikhiga ah ee difaaca Qaranka Soomaaliyeed.\u201d<\/p>\n<p>\u201cWaxaan ku faraxsanahay in ogaalka iyo fahamka heerkaa gaarsiisan ay leeyihiin rag iyo dumar badan oo maanta indho u ah siyaasadda Koonfur Galbeed. Waxaase waajib naga wada saaran yahay in aan garbaduub u xirno cid walba oo wasakheyneysa sooyaalka quruxda badan ee aan huwannahay. Deegaannada Koonfur Galbeed Soomaaliya, iyo dadka gobta ah ee daga uma qaadi karno dhegxumo iyo wax dhaawacaya sumcaddooda taariikhiga ah,\u00a0 kana weecsan taxanaha sooyaalkooda gobannima doonka ku asteysan. Qof walba oo naga mid ahna waa in uu dareenkaa qabaa kuna dhaqmaa. Sidaan taariikhda ka baranay, Koonfur Galbeed iyo dadkeedu marna gogol soo dhaweysa uma noqon doonaan cadawga taariikhiga ah ee qarannimadeena.\u201d<\/p>\n<p>\u201cALLOW YAA DARWIISHKII FARRIIN DABACSAN GAARSIIYA;<\/p>\n<p>IN DARIIQADII NOOSHAHOO, DIHINA SOO GAADHAY;<\/p>\n<p>OO UU DABKUU SHIDAY, RAG KALE DOGOBYO SII SAARAY.\u201d, Gabeygaan ee uu tiriyay Abwaan Axmed ismaciil diiriye (Qaasim)\u00a0\u00a0 ayuu ku soo gunaanaday Wasiir Jaamac Qoraalkiisa.<\/p>\n<p><strong>By. C\/lahi Ruush<\/strong><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Beryahaanba waxaa jiray far isku tag ka dhex aloosnaa Dowladaha Soomaaliay iyo Itoobiya, kaasi oo ku aadan damac gurracan oo ay la soo baxday Xukuumadda uu hor boodo Abiy Axmed, kaasi oo ku qotoma Is-afgarad beenaad dhex maray isaga iyo Muusi Biixi, kaasi oo salka ku hayay kala bedelasho Dhul-Bad iyo Aqoonsi, taasi oo ay [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":50,"featured_media":520812,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"content-type":"","footnotes":""},"categories":[94,82,7],"tags":[],"class_list":{"0":"post-520811","1":"post","2":"type-post","3":"status-publish","4":"format-standard","5":"has-post-thumbnail","7":"category-gudaha","8":"category-maqaallada","9":"category-siyaasadda"},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/520811","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/50"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=520811"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/520811\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":520813,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/520811\/revisions\/520813"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/520812"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=520811"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=520811"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=520811"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}