{"id":520189,"date":"2024-08-30T16:46:46","date_gmt":"2024-08-30T13:46:46","guid":{"rendered":"https:\/\/sonna.so\/so\/?p=520189"},"modified":"2024-08-30T16:46:46","modified_gmt":"2024-08-30T13:46:46","slug":"hayadda-socdaalka-iyo-jinsiyadda-soomaaliya-oo-aqoon-is-weydaarsi-ku-soo-gabagabeeysay-magaalada-kigali","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/sonna.so\/so\/hayadda-socdaalka-iyo-jinsiyadda-soomaaliya-oo-aqoon-is-weydaarsi-ku-soo-gabagabeeysay-magaalada-kigali\/","title":{"rendered":"Hay\u2019adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya oo aqoon is-weydaarsi ku soo gabagabeeysay magaalada Kigali"},"content":{"rendered":"<p>Kigali, (SONNA): Hay\u2019adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya oo kaashanaysa Hay\u2019adda Socdaalka Adduunka ee IOM ayaa magaalada Kigali ee dalka Rwanda waxa ay ku soo gabagabeeysay aqoon is-weydaarsi socday muddo afar maalmood ah.<\/p>\n<p>Mas\u2019uuliyiinta ka qayb gashay Aqoon is-waydaarsigaan ayaa kulamo kala duwan la qaatay dhiggooda oo ay isku dhaafsadeen Khibradda shaqo, waxa ayna sidoo kale booqdeen xarumaha Hay\u2019adda Socdaalka Rwanda, Hay\u2019adda howlaha Maraakiibta Rwanda, Hay\u2019adda Dakhliga Rwanda, Bar-xaduudeedka Cornishe oo u dhaxeeya Congo iyo Rwanda iyo Garoonka Caalamiga ah ee Kigali.<\/p>\n<p>Aqoon is-weydarsigan ayaa waxa qayb ka ahaa Mas\u2019uuliyiin ka kala socotay Maamulka Garoonka Aaden Abdulle, Booliiska Garoonka AAIA, Custamka Airport, Xafiiska Caafimaadka ee Garoonka iyo Hay\u2019adda Socdaalka iyo Jinsiyadda.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Kigali, (SONNA): Hay\u2019adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya oo kaashanaysa Hay\u2019adda Socdaalka Adduunka ee IOM ayaa magaalada Kigali ee dalka Rwanda waxa ay ku soo gabagabeeysay aqoon is-weydaarsi socday muddo afar maalmood ah. Mas\u2019uuliyiinta ka qayb gashay Aqoon is-waydaarsigaan ayaa kulamo kala duwan la qaatay dhiggooda oo ay isku dhaafsadeen Khibradda shaqo, waxa ayna sidoo kale [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":54,"featured_media":520190,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"content-type":"","footnotes":""},"categories":[94,81],"tags":[],"class_list":{"0":"post-520189","1":"post","2":"type-post","3":"status-publish","4":"format-standard","5":"has-post-thumbnail","7":"category-gudaha","8":"category-wararka"},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/520189","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/54"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=520189"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/520189\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":520191,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/520189\/revisions\/520191"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/520190"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=520189"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=520189"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=520189"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}