{"id":520173,"date":"2024-08-30T09:13:43","date_gmt":"2024-08-30T06:13:43","guid":{"rendered":"https:\/\/sonna.so\/so\/?p=520173"},"modified":"2024-08-30T09:13:43","modified_gmt":"2024-08-30T06:13:43","slug":"tallaalka-cudurka-dabeysha-oo-gaza-ka-bilaabanaya-axadda-soo-socota","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/sonna.so\/so\/tallaalka-cudurka-dabeysha-oo-gaza-ka-bilaabanaya-axadda-soo-socota\/","title":{"rendered":"Tallaalka cudurka dabeysha oo Gaza ka bilaabanaya Axadda soo socota"},"content":{"rendered":"<p>Madaxa Ururka Caafimaadka Adduunka WHO Tedros Adhanom Ghebreyesus ayaa sheegay in 1-da Sebtembar uu Gaza ka bilaaban doono tallaalka cudurka Dabeysha, iyadoo kooxaha caafimaadka ay u baahan yihiin 48 saacadood si loogu diyaargaroobo ololaha tallaalka iyo xaadirinta carruura la tallaalayo.<\/p>\n<p>Ururka Caafimaadka ayaa ku dhawaaqay in Israa&#8217;iil ay ogolaatay gurmadka tallaalka ee la siinayo caruurta Gaza,inkastoo la tilmaamay in howsha tallaalka ay ka dhici doonaan oo keliya meelo gaar ah iyo waqtiyo gaar ah.<\/p>\n<p>Ogolaanshaha tallalka cudurka Dabeysha ayaa imaanaya xilli Israa&#8217;iil ay weeraradii u dambeeyay ku \u00a0dishay ugu yaraan 79 falastiiniyiin ah 24-kii saac ee la soo dhaafay.iyadoo dhaawacday 77 qof, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka ee Gaza.<\/p>\n<p>Dhinaca kale,Shiinaha ayaa Israa&#8217;iil ku cambaareeyay shirka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, isagoo yiri&#8221;waa in aan marnaba la oggolaan in masiibo bini&#8217;aadanimo oo la mid ah Gaza ay ka dhacdo Daanta Galbeed, taasoo u rogi doonta Daanta Galbeed cadaab kale oo dhulka ah.<\/p>\n<p>Ugu yaraan 40,602 qof ayaa lagu dilay dagaalka Gaza,halka 93,855 oo kalana la dhaawacay,kadib colaaddii Israel ee bilowda sanadkii hore.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Madaxa Ururka Caafimaadka Adduunka WHO Tedros Adhanom Ghebreyesus ayaa sheegay in 1-da Sebtembar uu Gaza ka bilaaban doono tallaalka cudurka Dabeysha, iyadoo kooxaha caafimaadka ay u baahan yihiin 48 saacadood si loogu diyaargaroobo ololaha tallaalka iyo xaadirinta carruura la tallaalayo. Ururka Caafimaadka ayaa ku dhawaaqay in Israa&#8217;iil ay ogolaatay gurmadka tallaalka ee la siinayo caruurta [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":46,"featured_media":520175,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"content-type":"","footnotes":""},"categories":[83],"tags":[],"class_list":{"0":"post-520173","1":"post","2":"type-post","3":"status-publish","4":"format-standard","5":"has-post-thumbnail","7":"category-caalamka"},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/520173","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/46"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=520173"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/520173\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":520174,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/520173\/revisions\/520174"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/520175"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=520173"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=520173"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=520173"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}