{"id":519556,"date":"2024-08-21T12:02:50","date_gmt":"2024-08-21T09:02:50","guid":{"rendered":"https:\/\/sonna.so\/so\/?p=519556"},"modified":"2024-08-21T12:10:04","modified_gmt":"2024-08-21T09:10:04","slug":"wasiirka-warfaafinta-xfs-oo-khudbad-ka-jeediyay-shirka-iskaashiga-warbaahinta-afrika-iyo-china","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/sonna.so\/so\/wasiirka-warfaafinta-xfs-oo-khudbad-ka-jeediyay-shirka-iskaashiga-warbaahinta-afrika-iyo-china\/","title":{"rendered":"Wasiirka Warfaafinta XFS oo khudbad ka jeediyay shirka Iskaashiga Warbaahinta Afrika iyo China"},"content":{"rendered":"<p>Beijing-(SONNA)-Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS, Mudane Daa&#8217;uud Aweys Jaamac oo ka qeyb galay Shirka lixaad ee iskaashiga China iyo Afrika ee dhinaca warbaahinta oo maanta ka furmay magaalada Beijing ee caasimadda dalka China ayaa ka jeediyay khudbad uu uga hadlay ahmiyadda iskaashiga Soomaaliya iyo China iyo Afrika iyo China.<\/p>\n<p>Wasiirka ayaa ugu horreyn uga mahad celiyay dowladda China casuumaadda iyo soo dhoweynta wanaagsan ee ay u sameeyeen wafdigii uu hoggaaminayay Wasiirka ee shalay soo gaaray dalka China.<\/p>\n<p>Wasiirka ayaa yiri &#8220;Warbaahinta waxa ay lagama maarmaan u tahay dhismaha nabadda, horumarinta dowlad wanaagga, la tacaalidda isbeddelka cimillada iyo horumarka bulshada, casriyaynta iyo horumarka xowliga ah ee warbaahinta dunida waxa ay u baahan tahay iskaashi xooggan oo ay yeeshaan dowladaha, qabashada shirkan wuxuu muhiim u yahay xoojiynta wada shaqeynta iyo iskaashiga dowladaha Afrika iyo China, waana tusaale muujinaya ka go&#8217;naanta dowladda China ee hagaagjinta xiriirka Qaaradda Afrika&#8221;<\/p>\n<p>Wasiirka Warfaafinta Mudane Daa&#8217;uud Aweys ayaa dowladda China ku amaanay sida ay u taageereen madax banaanida siyaasadeed iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya markii ay ku soo xad gudubtay\u00a0 dowladda Itoobiya oo la saxiixatay heshiis sharci darra ah gobol ka mid ah Soomaaliya.<\/p>\n<p>Wasiirka ayaa hoosta ka xarriiqay muhiimadda ay leedahay iskaashiga Soomaaliya iyo China ee dhinaca warbaahinta iyo guud ahaan Qaaradda Afrika.<\/p>\n<p>&#8221; Si gaar ah maadaama Soomaaliya oo soo koraysa, kuna jirto marxalad dib u xasilin dalkeeda iyo la dagaallanka argagaxisadda, ahmiyad gaar ah ayay innoo leedahay iskaashigan horumarinta warbaahinta&#8221;<\/p>\n<p>Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Daa\u2019uud Aweys ayaa sidoo kulan doceedyo la qaatay madaxda heerka sare ee ka qeyb galay shirka Iskaashiga Warbaahinta Afrika iyo China oo ay ka\u00a0 mid tahay Wasiirka Warfaafinta China oo xubin sare ka ah Golaha Dhexe ee\u00a0 Xisbiga Hantiwadaagga ee dalka ka arrimiya Ms CAO Shumin.<\/p>\n<p><img loading=\"lazy\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone wp-image-519562 \" src=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2024\/08\/W1.png\" alt=\"\" width=\"484\" height=\"585\" srcset=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2024\/08\/W1.png 406w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2024\/08\/W1-248x300.png 248w\" sizes=\"auto, (max-width: 484px) 100vw, 484px\" \/> <img loading=\"lazy\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone wp-image-519563 size-full\" src=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2024\/08\/W2.png\" alt=\"\" width=\"735\" height=\"378\" srcset=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2024\/08\/W2.png 735w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2024\/08\/W2-300x154.png 300w\" sizes=\"auto, (max-width: 735px) 100vw, 735px\" \/> <img loading=\"lazy\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone wp-image-519564 \" src=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2024\/08\/W3.png\" alt=\"\" width=\"484\" height=\"565\" srcset=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2024\/08\/W3.png 460w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2024\/08\/W3-257x300.png 257w\" sizes=\"auto, (max-width: 484px) 100vw, 484px\" \/><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Beijing-(SONNA)-Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS, Mudane Daa&#8217;uud Aweys Jaamac oo ka qeyb galay Shirka lixaad ee iskaashiga China iyo Afrika ee dhinaca warbaahinta oo maanta ka furmay magaalada Beijing ee caasimadda dalka China ayaa ka jeediyay khudbad uu uga hadlay ahmiyadda iskaashiga Soomaaliya iyo China iyo Afrika iyo China. Wasiirka ayaa ugu horreyn uga [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":7,"featured_media":519559,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"content-type":"","footnotes":""},"categories":[94,81],"tags":[],"class_list":{"0":"post-519556","1":"post","2":"type-post","3":"status-publish","4":"format-standard","5":"has-post-thumbnail","7":"category-gudaha","8":"category-wararka"},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/519556","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/7"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=519556"}],"version-history":[{"count":3,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/519556\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":519565,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/519556\/revisions\/519565"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/519559"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=519556"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=519556"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=519556"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}