{"id":519535,"date":"2024-08-21T11:02:31","date_gmt":"2024-08-21T08:02:31","guid":{"rendered":"https:\/\/sonna.so\/so\/?p=519535"},"modified":"2024-08-21T11:02:31","modified_gmt":"2024-08-21T08:02:31","slug":"guddoomiyaha-sodma-oo-la-kulmay-kooxda-baniaadannimada-ee-soomaaliya-hct","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/sonna.so\/so\/guddoomiyaha-sodma-oo-la-kulmay-kooxda-baniaadannimada-ee-soomaaliya-hct\/","title":{"rendered":"Guddoomiyaha SoDMA oo la kulmay Kooxda Bani\u2019aadannimada ee Soomaaliya HCT"},"content":{"rendered":"<p>Muqdisho-(SONNA)-Guddoomiyaha Hay\u2019adda Maaraynta Musiibooyinka, Md. Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa kulan wax-ku-ool ah oo la xariira xaaladda dalka la qaatay Kooxda Bani\u2019aadannimada ee Soomaaliya (HCT) oo uu hoggaaminayo Ku Xigeenka Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabbilsan dalka, Md. George Conway.<\/p>\n<p>Kulanka waxaa diiradda lagu saaray xaaladaha bani\u2019aadannimo ee waddanka ka taagan, iyadoo in ka badan 6.9 milyan oo qof ay xilligaan u baahan yihiin gargaar degdeg ah, waxaana kulanka layskula soo qaaday dhibaatada ay kheyraadka dalka ku hayaan musiibooyinka dabiiciga ah iyo kuwa kale ee ay colaaduhu ugu horreeyaan.<\/p>\n<p>Guddoomiyaha Hay\u2019adda ayaa tilmaamay shaqada adag ee SoDMA ka qabatay howlaha la xariira ka hortagga iyo yareynta saameynta musiibooyinka tan iyo dib u howlgalintii SoDMA, isagoo xusay in mar kasta Dowladda Soomaaliya ay diyaar u tahay qaadashada doorkeeda.<\/p>\n<p>Guddoomiye Maxamuud Macallin, wuxuu sidoo kale ka hadlay muhiimadda ay ku fadhiso madasha Bani\u2019aadannimo ee soo socota, dedaallada hay\u2019adda ee ka hortagga leexsashada gargaarka, ilaha dhaqaale oo xaddidan iyo in loo baahan yahay xoojinta u diyaargarowga, dhisidda awoodda, kor u qaadista iyo isku-duwidda ka hor musiibooyinka.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Muqdisho-(SONNA)-Guddoomiyaha Hay\u2019adda Maaraynta Musiibooyinka, Md. Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa kulan wax-ku-ool ah oo la xariira xaaladda dalka la qaatay Kooxda Bani\u2019aadannimada ee Soomaaliya (HCT) oo uu hoggaaminayo Ku Xigeenka Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabbilsan dalka, Md. George Conway. Kulanka waxaa diiradda lagu saaray xaaladaha bani\u2019aadannimo ee waddanka ka taagan, [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":7,"featured_media":519540,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"content-type":"","footnotes":""},"categories":[94,81],"tags":[],"class_list":{"0":"post-519535","1":"post","2":"type-post","3":"status-publish","4":"format-standard","5":"has-post-thumbnail","7":"category-gudaha","8":"category-wararka"},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/519535","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/7"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=519535"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/519535\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":519542,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/519535\/revisions\/519542"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/519540"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=519535"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=519535"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=519535"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}