{"id":519044,"date":"2024-08-13T20:16:22","date_gmt":"2024-08-13T17:16:22","guid":{"rendered":"https:\/\/sonna.so\/so\/?p=519044"},"modified":"2024-08-14T10:13:15","modified_gmt":"2024-08-14T07:13:15","slug":"wareegga-2-aad-ee-wadada-hadalka-soomaaliya-iyo-ethiopia-oo-soo-gabangaboobay","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/sonna.so\/so\/wareegga-2-aad-ee-wadada-hadalka-soomaaliya-iyo-ethiopia-oo-soo-gabangaboobay\/","title":{"rendered":"Wareegga 2-aad ee wada-xaajoodka Soomaaliya iyo Ethiopia oo soo gabangaboobay"},"content":{"rendered":"<p>Ankara (SONNA): Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay in magaalada Ankara lagu soo gabagabeeyay wareegii 2-aad ee wada-xaajoodkii u dhexeeyay Somalia iyo Ethiopia oo gareadeen ay ka tahay dowladda aan walaalaha nahay ee Turkiga.<\/p>\n<p>Wasiirka arrimaha dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Soomaaliya Mudane Axmed Macallin Fiqi oo u waramey warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in wareeggii 2-aad ee wadahadalka looga dooday arrimo badan, Soomaaliyana ay caddeysey mowqifkeeda ku aadan dhowrista Qaranimada iyo madaxbanaanida dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo uu Wasiirku ku tilmaamey lama taabtaan.<\/p>\n<p>Waxaa wareeg 3-aad oo wadahadal ah loo balansan yahay bisha September, sida ay shaacisay Dowladda Turkiga.<\/p>\n<p>Wasiirka arrimaha dibadda ee Soomaaliya mudane Fiqi ayaa u mahad celiyay Dowladda Turkiga sida mas\u2019uuliyadda leh ee ay ugu istaagtey xal u helista xasaraddan ka dhalatey heshiiskii sharcidarrada ahaa ee Ethiopia la gashey mid ka mid ah gobollada dalka Soomaaliya.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Ankara (SONNA): Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay in magaalada Ankara lagu soo gabagabeeyay wareegii 2-aad ee wada-xaajoodkii u dhexeeyay Somalia iyo Ethiopia oo gareadeen ay ka tahay dowladda aan walaalaha nahay ee Turkiga. Wasiirka arrimaha dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Soomaaliya Mudane Axmed Macallin Fiqi oo u waramey warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in wareeggii 2-aad [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":47,"featured_media":519045,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"content-type":"","footnotes":""},"categories":[94,81],"tags":[],"class_list":{"0":"post-519044","1":"post","2":"type-post","3":"status-publish","4":"format-standard","5":"has-post-thumbnail","7":"category-gudaha","8":"category-wararka"},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/519044","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/47"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=519044"}],"version-history":[{"count":2,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/519044\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":519067,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/519044\/revisions\/519067"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/519045"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=519044"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=519044"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=519044"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}