{"id":518999,"date":"2024-08-13T10:27:49","date_gmt":"2024-08-13T07:27:49","guid":{"rendered":"https:\/\/sonna.so\/so\/?p=518999"},"modified":"2024-08-13T11:54:02","modified_gmt":"2024-08-13T08:54:02","slug":"shiinaha-oo-cambaareeyay-weerarada-israel-ay-ku-heyso-barakacayaasha-falastiin","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/sonna.so\/so\/shiinaha-oo-cambaareeyay-weerarada-israel-ay-ku-heyso-barakacayaasha-falastiin\/","title":{"rendered":"Shiinaha oo cambaareeyay weerarada Israel ay ku heyso barakacayaasha Falastiin"},"content":{"rendered":"<p>Shiinaha ayaa cambaareeyay weerarkii dhawaan ay ciidamada Israa\u2019iil ku dileen 100 Falastiiniyiin ah,kadib markii ay duqeeyeen iskuul ay gabbaad ka dhiganaayeen dad barakacayaal ah oo ku sugnaa Qaza.<\/p>\n<p>Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Shiinaha, Lin Jian ayaa ayaa bayaan ku sheegay in Beijing ay cambaareysay fal kasta oo lagu waxyeeleynayo dadka rayidka ah,isla markaana ka hor imaanaya sharciga caalamiga ah ee bini&#8217;aadanimada.<\/p>\n<p>Afhayeenku waxa uu ku baaqay in \u00a0Israa\u2019iil ay si degdeg ah u joojiso weerarrada ay ku hayso Qaza, ayna samayso wax kasta oo suurtagal ah si loo badbaadiyo dadka rayidka.<\/p>\n<p>10-kii Agoosto ee ayeey aheyd markii \u00a0militariga Israa&#8217;iil ay weerareen dugsiga Al-Taba&#8217;een ee xaafadda Al-Daraj ee bariga magaalada Gaza, halkaas oo ay ku dhinteen ugu yaraan 100 ruux.<\/p>\n<p>Cambaareynta Shiinaha ,kadib Israel ayaa\u00a0 dishay ugu yaraan 10 qof oo ku sugnaa guri ku yaalla deegaanka Abasan al-Kabira ee bariga Khan Younis, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee Wafa.<\/p>\n<p>Dhanka kale,Xamaas ayaa ugu baaqday Mareykanka, Qatar iyo Masar inay soo gudbiyaan qorshaha lagu dhaqan gelinayo hindisaha xabbad joojinta ee uu soo jeediyay madaxweynaha Mareykanka Joe Biden.<\/p>\n<p>Tirada dadka Falastiiniyiinta ah ee ay dileen ciidamada Israel ayaa la sheegayaa in ay ku dhowdahay 40.000,kadib dagaalkii soo biowday 7-dii Oktoobar ee sanadkii tagay.<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Shiinaha ayaa cambaareeyay weerarkii dhawaan ay ciidamada Israa\u2019iil ku dileen 100 Falastiiniyiin ah,kadib markii ay duqeeyeen iskuul ay gabbaad ka dhiganaayeen dad barakacayaal ah oo ku sugnaa Qaza. Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Shiinaha, Lin Jian ayaa ayaa bayaan ku sheegay in Beijing ay cambaareysay fal kasta oo lagu waxyeeleynayo dadka rayidka ah,isla markaana ka hor [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":46,"featured_media":519001,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"content-type":"","footnotes":""},"categories":[83],"tags":[],"class_list":{"0":"post-518999","1":"post","2":"type-post","3":"status-publish","4":"format-standard","5":"has-post-thumbnail","7":"category-caalamka"},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/518999","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/46"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=518999"}],"version-history":[{"count":3,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/518999\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":519004,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/518999\/revisions\/519004"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/519001"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=518999"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=518999"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=518999"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}