{"id":518675,"date":"2024-08-08T13:15:04","date_gmt":"2024-08-08T10:15:04","guid":{"rendered":"https:\/\/sonna.so\/so\/?p=518675"},"modified":"2024-08-08T13:15:04","modified_gmt":"2024-08-08T10:15:04","slug":"golaha-wasiirada-xfs-oo-ansixiyay-xeerka-doorashooyinka-jamhuuriyadda-federaalka-soomaaliya","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/sonna.so\/so\/golaha-wasiirada-xfs-oo-ansixiyay-xeerka-doorashooyinka-jamhuuriyadda-federaalka-soomaaliya\/","title":{"rendered":"Golaha Wasiirada XFS oo ansixiyay Xeerka Doorashooyinka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya"},"content":{"rendered":"<p>Muqdisho, (SONNA): Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankooda toddobaadlaha ah, oo Shir-guddoominayey Ra\u2019iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre.<\/p>\n<p>Shirka Golaha Wasiirada ayaa lagu ansixiyay labo xeer oo muhiimad gaar ah u leh shacabka Soomaaliyeed, kuwaasi oo kala ah Xeerka Doorashooyinka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Xeerka Ururrada iyo Xisbiyada Siyaasadda oo lagu hagayo hannaanka doorashooyinka dalka.<\/p>\n<p>Labadan sharci ayaa hagi doona hanaanka doorasho ee dalka, waxayna shacabka Soomaaliyeed u suurtagelinayaan inay doortaan madaxda matali doonta qaranka.<\/p>\n<p>Afhayeenka XFS Mudane Farxaan Maxamed Jimcaale oo ka hadlay muhiimada ay shacabka Soomaaliyeed u leeyihiin xeerarka maanta goluhu ansixiyey ayaa yiri:<\/p>\n<p>\u201cXeerka doorashadu waxa uu farayaa in dalka ay ka qabsoonto doorasho Qof iyo Cod ah oo dalka oo dhan ka dhaca, muwaadin kastaa waxa uu xaq u siinayaa in uu u codeeyo qofka doonaya in uu qabto hogaanka dalka\u201d.<\/p>\n<p>Afheyeenka ayaa intaa ku daray in xeerarka maanta la ansixiy ay dalka ka gudbin doonaan hanaankii hore ee doorashooyinka ee dadbanaa oo mudada dheer lagu soo caana maaliyay dalka.<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Muqdisho, (SONNA): Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankooda toddobaadlaha ah, oo Shir-guddoominayey Ra\u2019iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre. Shirka Golaha Wasiirada ayaa lagu ansixiyay labo xeer oo muhiimad gaar ah u leh shacabka Soomaaliyeed, kuwaasi oo kala ah Xeerka Doorashooyinka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Xeerka Ururrada iyo [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":54,"featured_media":518676,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"content-type":"","footnotes":""},"categories":[94,81],"tags":[],"class_list":{"0":"post-518675","1":"post","2":"type-post","3":"status-publish","4":"format-standard","5":"has-post-thumbnail","7":"category-gudaha","8":"category-wararka"},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/518675","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/54"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=518675"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/518675\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":518677,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/518675\/revisions\/518677"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/518676"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=518675"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=518675"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=518675"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}