{"id":518582,"date":"2024-08-07T11:42:27","date_gmt":"2024-08-07T08:42:27","guid":{"rendered":"https:\/\/sonna.so\/so\/?p=518582"},"modified":"2024-08-07T11:51:59","modified_gmt":"2024-08-07T08:51:59","slug":"odayga-sidii-looga-dhaadhicin-lahaa-leyska-rabaa-warbixin","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/sonna.so\/so\/odayga-sidii-looga-dhaadhicin-lahaa-leyska-rabaa-warbixin\/","title":{"rendered":"\u2018Odayga sidii looga dhaadhicin lahaa leyska rabaa\u2019 (WARBIXIN)"},"content":{"rendered":"<p>Dhallinyarada Soomaaliyeed oo ah 75% bulshada waa cududda u ballaaran dalka, kuwaasi oo u horseeda horumar dhan walba leh, waxaase jira kooxo ka dhex qaraabta oo galiya feker xun sida Xagjirnimada, kuwaasi oo ay dowladdu u sameysay qaab loo dhaqan celiyo, waxaana loo abuuray xaruumo dib loogu dhaqanceliyo, waxaa kalo jira dhallinyaro ka soo baxday Jaamacadaha Dalka, kuwaasi oo shaqo abuur ka sameystay magaalada muqdisho iyo magaalooyin kaleba iyo dhallinyaro kale oo iyagana ka kala yimid daafaha caalamka oo iyana xaruumo Meherado waaweyn kuwa yaryarba ka alliftay dalka.<\/p>\n<p>Da\u2019yarta Soomaaliyeed ee\u00a0 ku qancsan ku noolaanshaha dalkooda intii ay badaha ku tahriibi lahaayeen, waa kuwa dalkooda ku damaashaada iyo dalxiiska u taga goobaha bilicda san sida Xeebta Liido iyo tan Jasiira, iyadoo qaar kalena ay ka mid yihiin Ciidamada Qalabka Sida ah ee furimaha ugu hoyda ilaalinta Calanka, ciidda, dadka iyo dowladnimada Soomaaliyeed.<\/p>\n<p>Haddaba haddaan dulucda qormada u dhaadhaco Dhacdadii Xeebta Liido oo ay kooxda Khawaarijtu ku waxyeeleysay dhallinyaro aan waxba galabsan kadib ayay soo if baxeen kooxo ka dhex raadiyay danno gaar ah oo ay leeyihiin, kana dhex arkay fursad ayaa bilaabay dacaayado guracan oo ay ku muunad xumeynayaan magaalada Muqdisho, islamarkaana kiciyaan dhallinta Soomaaliyeed,Nin Dhallinyaro ah waxa uu yiri sidaan:- \u00a0\u201cXamar\u00a0 waa meesha kaliya ee marka ay musiibo ka dhacdo, Soomaalida dhexdeeda\u00a0 laga helayo, kuwo ka naxa iyo dad ku farxa.\u00a0 Xamar waxaa shaah meel ka wada cabba, xag jir diineed\u00a0 iyo Xag jir siyaasadeed oo aaminsan in la dilo ciddi ka aragti duwan. Inta badan falalka argagixiso ee Xamar ka dhaca cadawga kaligiis ma sameynkaro (ugu yaraan waa la fududeeyay) weeyna yar yihiin inta lacag lagu iibsaday ee waxaa badan inta faker ahaan ku qanacsan iyo inta dan siyaasadeed ku qabta. Xamar waa meesha kaliya ee uu aaskaaga abaabuli karo, isaga oo barooranaya\u00a0 kii ku dilay\u201d, balse iyadoo taasi jirto ayaa laga dhex arkay fursad looga faa&#8217;iideysan karo dhallinta Soomaaliyeed.<\/p>\n<p>KDS ayaa dig soo tiri oo la sheegay in laga soo gaabiyay \u2018KACDOONKA DHALLINTA SOOMAALIEED\u2019, kuwaasi oo bilaabay inay Kacdoon ka abaabulaan Baraha Bulshada, iyagoo sameysanaya GROUPs, islamarkaana isku qancimaya in la sameeyo Kacdoonn la mid ah kuwa ka dhacay Wadamada, Kenya Ugandha iyo kii ugu dambeeyay ee Bangaakadheesh, waxaana dhexda uga sii dhacay Xildhinbaan Cabdiraxmaan Cabdi\u00a0 Shakuur, kaasi oo soo dhigay Bartiisa Facebook-ga Sariirtii Shiikh Xasiina oo dhallinyaro isku dul sawirayaan, isagoo markaasi ula jeeda in la bilaabo mid kaa la mid ah.<\/p>\n<p>\u201cWaa dhallinyaro dul dangiiga sariirtii Sheekh Xasiina, ka dib markii ay dalka Hindiya u carartay. Tafaftiraha BBC ee Koonfurta Aasiya, Anbarasan Ethirajan ayaa la waydiiyey sababta Sheekh Xasiina oo 20 sano xukunka dalka Bangaaladeesh gacanta ku haysatay sidaa fudud loogu eryaday, wuxuu ku jawaabay; \u201cWaxay lumisay xiriirkii kala dhexeeyay waaqaca\u201d. \u201cIleyn waa qolo sida Sheekh Xasiina, lumisay xiriirkii ay waaqaca la lahaayeen?\u201d.<\/p>\n<p>Agaasimaha Heyadda Nabadsugidda Soomaaliya Cabdullaahi Sanbalooshe\u00a0 waa laga dhaadhicin waayay qof aan shaqo qaban ayaa lacag la siinayaa, si uu Baraha Bulshada (social media) kaaga ammaano.\u00a0 Lacagtu sooryo, ama sadaqo ma ahan ee waa biil joogto ah, oo ah \u2018dadka aan kuu caayo\u00a0 ama adiga ayaan ku caynayaa\u2019, balse waxa uu aamminsan yahay in dowladnimo aysan jireynin ilaa Xididdada loo siibo dhaqanki xummaa ee CBB-da.<\/p>\n<p><img loading=\"lazy\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone wp-image-518580\" src=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2024\/08\/xasanoow-195x300.jpg\" alt=\"\" width=\"771\" height=\"1186\" srcset=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2024\/08\/xasanoow-195x300.jpg 195w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2024\/08\/xasanoow.jpg 526w\" sizes=\"auto, (max-width: 771px) 100vw, 771px\" \/><\/p>\n<p>\u201cOdayga sidi looga dhaadhicin lahaa ayaa leeyska rabaa. Buuqa laga abuuray social media&#8217;yaha ee ah \u2018Xamar busaarad baa ka jirta\u2019, waa sheeko xiiso leh. laakiin odayga sidee looga dhaadhicinayaa Akoonadii Shababka ee aad xirtay busaarad baa ka dhalatay? Odaya waa idin dareemooyaa ee sheeko kale keena\u201d, sidaasi waxaa qoray Suxufi sare Ayaanle Xuseen Cabdi, markii uu arkay warar la isla dhexmarayo Baraha Bulshada ku wada xariirto, kaasoo hal ku dhig looga dhigayo \u2018Xamar Shiid aa ka jira\u2019, mid kale ayaa\u00a0 isna soo qoray \u2018Nabaddu ma Shiidbaa\u2019.<\/p>\n<p>By. C\/lahi Ruush<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Dhallinyarada Soomaaliyeed oo ah 75% bulshada waa cududda u ballaaran dalka, kuwaasi oo u horseeda horumar dhan walba leh, waxaase jira kooxo ka dhex qaraabta oo galiya feker xun sida Xagjirnimada, kuwaasi oo ay dowladdu u sameysay qaab loo dhaqan celiyo, waxaana loo abuuray xaruumo dib loogu dhaqanceliyo, waxaa kalo jira dhallinyaro ka soo baxday [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":50,"featured_media":518579,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"content-type":"","footnotes":""},"categories":[94,82],"tags":[],"class_list":{"0":"post-518582","1":"post","2":"type-post","3":"status-publish","4":"format-standard","5":"has-post-thumbnail","7":"category-gudaha","8":"category-maqaallada"},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/518582","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/50"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=518582"}],"version-history":[{"count":4,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/518582\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":518586,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/518582\/revisions\/518586"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/518579"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=518582"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=518582"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=518582"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}